Ceel-Cali, Somalia waa dagmo ku taalo gobolka Hiiraan,

Waxana lagu qiyasaa dagmada ugu dhaqalaha badan dagmoyinka gobolka hiiraan Waxaa mara wadoyinka ugu muhimsan dalka Waxaana mara wadada xariirisa casimada dalka magalada muqdisho ilaa kilinka shanaad ee somalida ethopia Sido kle waa dagmo xariirisa gobolka hiiraan iyo bakool Waxayna ku taalaa xaduuda gobolka hiiraan Dagmada ceel-cali ayaa lagu qiyaasaa inay tahay dagmada ugu ceelasha badan guud ahaan dalkeena soomalia Ceel-cali ayaa sida magaceda ku xusan ayaa ah laba magac oo lisku daray taa oo ah ceel+cali Cali oo ahaaa ninkii ugu horeyay ee daga dagmada ceel-cali sida ku xusan buuga taarikhda dagmada ceel-cali


Dagmada ceel-cali ayaa waxay ujirtaa magalada balad weyne 75km dhinaca konfurgalbeed Dagmada buulaburde ayay ujirtaa 80km dhinaca bari Magalada muqdisho ayay ujirtaa 260km Dagmada tiyeglow ayay ujirtaa 80km

Dagmada ayaa ah dagmo istaratiji ah kuna taala geska gobolka hiiraan

Dagmada ceel-cali waxaa hoos taga ilaa 30 tulo oo katirsan gobolka hiiraan Ceel-cali waxaa kunool shacbi tiro badan Dhaqaalaha dagmada ayaa waxa uu ku tiirsan yahay ganacasig & Soo sarista dalaga & xolahaba Ceel-cali ayaa waxaa dagmo nimo usaxiixay allaha unaxaristee jeneral mohamed siyaad barre 15/8/1989kii Dagmada ceel-cali ayaa waxay kamid tahay dagmoyinkii uu sameyay bur_burkii dowlada

Dagmada waxa aay ledahay dhamaan ayagab yadii dagmada xarumaha dagmada sida: Saldhig bolic , 3isbitaal , Laba school oo kala ah El-ali primery and scendry schol

      &

samsam primery and secondry school, Sido kle ilaa afar garoon oo kamid ah kuwa lagu ciyaaro kubada cagta , airpIrt oo magacisu yahay dheylale airport waxuuna kamid yahay garoomadii dowladii kacanka sameysay waana garoon weyn oo aay kusoo dagi karaan diyarado badan

Dagmada ayaa waxa aay ledahay goobo caan ah oo loo dalxiis tago Sida, jiriga , jil_jilaay Wacel, maja_majiif, jiiqaay, Iwm

Dagmada ayaa waxaa horay usoo xakumi jiray xiligii gumeystaha ilaa bur_burkii dowlada kadib Gudomiye nabadoon qaliif cabdikariin idiris ordaaye

Dagmada ceel-cali ayaa waxa aay tahay dagmo facweyn oo soo saartay aqoon yahano siyasiyin dalka xilal badan kasoo qabtay sida

1= xasan jubur ahaana waziirkii waxbrshada cabdi qasim 2= xildhibaan cumar dheere soomarayna waziir ku xegenkii gashandhiga dowladii cabdullahi yuusuf horayna usoo qabtayna xilal kala duwan 3= gudomiye ku xegenkii hore ee gobolka Hiiraan xildhiban mohamed ibraahin cali (sanbuur ) Ahna hada waziirka xanaanada xolaha dhirta iyo daaqa mamulka Hirshabelle

3=gudomiye ku xegenkii hore gobolka hiiraan dowladii shekh shariif mudane cadaawe muuse 4=xildhibaan aqoonyahan Ahmed Haaruun oo isagana jeegoyin fara badan kasoo qabtay Dowladii miletariga jalle mohamed siyaad barre 5=xidhibanada hada taladahaysa ee dowlada fadaralka soomalia maryan ahmed haaruun 6= gudomiyahii ku xegenkii hore ee gobolka Hiiraan mudane mohamed ibraahim 7=gudomiyaha ku xegenkii Gobolka ahaana gudomiyaha amniga iyo siyasada iyo maliyada gobolka maslax mohamed osman


Qora walalkin MB Gureey

EL_Ali Hiiraan Hirshaballe Soomalia

Muhiimadda Ceel Cali wax ka badal

Ceelcali waxaa mara shanwada oo Muhiim ah 1_wadada isku xaririsa soomalida galbed iyo muqdisho 2_Wadada hiiraan iyo bakool

3_wadada xariirisa muqdisho iyo Baladweyne

4_wadada xariirisa Dagmada bulaburde iyo Ceelcali

Ceel Cali waa magaalo muhiim ah oo ku dhaw xadka Gobolka Hiiraan uu la wadaago Gobolka Bakool waxaana mara wadooyin muhiim ah oo isku xira magaalooyin badan oo koonfurta Soomaaliya iyo kilinka shanaad ee somali galbed, wadooyinkaasi muhiimka ah waxaa ka mid ah wadada ka timaada Beledweyne kuna jeeda gobolka Bakool.

Ceel cali waa magaalo ku caan ah nabada wanaaga is dhexgalka bulshada iyo waliba horumarka Sida Magaca magaalada ka muuqataba Ceel Cali waa degmo ceelal fara badan leh. Iyadoo waliba halkaasi ay ku dhasheen Siyaasiyiin xubna sarsare kaso qabtay dalka iyo waliba kuwa hadda ka arimiya dalka, dadka ree Ceelcali waxey yiraahdaan :-( Allow yaa i geeya ceelcali cidana iigu sheega Caagxoog ;-) Taas oo muujineysa Hilowga iyo rabitaanka dadka haya iyo waliba iyago u hiloobay dalkoodi dadkoodi iyo barwaaqi lagu noolaa, Caagxoog iyada lafteedu waa tuula hoos timaada degmada ceelcali waxeyna u jirtaa ilaa iyo 15 KM.

Dhaqaalaha iyo Waxbarashada wax ka badal

Degmada Ceel Cali dhaqaalaheeda ugu badan wuxuu ku tiirsan yahay dhanka xoolaha nool sida Geela Looda, Ariga, Fardaha, sidoo kale degmada waxay leedahay ganacsiga nuucyadiisa kala duwan iyadoo leh suuq weyn oo lagu kala iibsado xoolaha nool kuwaas oo loo dhoofiyo wadamada Carabta.

Dagmada ceel cali waxaa ku yaalla dhamaan xarumaha shirkadaha isgaarsiinta Soomaaliya sida : 1- HORMUUD 2- NATIONLINK 3- TELECOM SOMALIA

Iyo waliba dhamaan Xawaaladaha somalia sida: 1- DAHABSHIIL 2- QARAN 3- IFTIN 4- KAAH 5- AMAL 6- AMAANA 7- HODON iyo waliba qaar kalo badan

Dhanka kale Degmada waxaa ku yaalla goobo waxbarasho iyo kuwa caafimaad oo fara badan dhanka wax barashada waxaa ugu horeeyo ( CEELCALI PRIMARY AND SECONDARY SCHOOL ) Dugsiga hoose dhexe iyo sare ee Ceel Cali oo aay haatan wax ka bartaan arday fara badan kuwa kalana aay ka qalin jibiyeen Iskuulka Ceel Cali wuxuu ka mid yahay iskuuladii dowladii siyaad barre ay aasaastay. Degmada Ceel Cali waxa kale oo ku yaal laba goobood oo wax lagu baro caruurta agoonta ah iyo kuwa tabarta yar si lacag la'aan ah iyadoo aay xarumahaasi fureen jaaliyadaha reer ceelcali ee ku dhaqan dunida daafaheeda. degmada ceel cali waxay ka koobantahay 8xaafadod oo kala ah ? 1= xafada deenaabuur 2=xafada kashmiir 3=Xafada buula qansax 4=xafada buula qayle 5=xafada banjaab 6=xafada warcad 7=al_Hilaal 8= xafada somteel