Buula xaaji
Buulo Xaaji waa magaalo ka tirsan degmada Kismaayo gobolka Jubbada Hoose ee waddanka Soomaaliya.
Buulo Xaaji | |
---|---|
Coordinates: 0°38′00″S 41°59′00″E / 0.63333°S 41.98333°E | |
Country | Somalia |
Somalia | Jubbada hoose |
District | Kismayo |
Aag saacadeed | UTC+3 (EAT) |
Horudhac
Buulo Xaaji waxay ku taallaa Gobolka Jubbada Hoose waxaana ay qiyaas ahaan 70 Kiilomitir dhanka galbeed kaga beegantahay magaalada Kismaayo ee Caasimada gobolka Jubbada Hoose.[1]
Magaaladaan waxay marin ahaan ku taallaa meel istaraatiiji ah waxaana hoos yimaada tobaneeyo tuulo oo usoo ganacsi iyo shaqo taga.
Buulo Xaaji waxaa haatan gacanta ku haya Ururka Al-Shabaab muddo tobannaan sano ku siman, waxaana Buulo Xaaji lagu xasuustaa heshiiskii ay 2010 kii ku gaareen ururka Al-Shabaab iyo urur diimeedkii la oran jiray Hizbul Islam kaas oo ugu dambayntii burburay.
Taariikhda magaalada
Magaca Buulo Xaaji waxa uu ku baxay (?) waxaana ay caan ku tahay wax soo saarka cusbada, beeraha iyo dhaqashada xoolaha nafleyda ah. Waxaana dadka deegaankaan ku nool ay dhaqdaan xoolaha sida Geela, Lo iyo Ariga.
Waxbarashada
Buula Xaaji waxaa dadkeeda si wayn loogu yaqaanaa barashada diinta islaamka iyagoo juhdi badan ku bixiya soo saarista hadba jiilka soo korayaa sidii ay u noqon lahaayeen kuwa dalka iyo dadka wax u tara.
Waxaana magaalada ku yaalla dugsiyo Qur'aan oo ubadka iyo dadka waawayn ba ay Qur'aanka ku bartaan iyo Iskuul ubadka lagu soo saaro.
Beesha deegaanka
Degmada Buula Xaaji waxa ku dhaqan beesha cowrmale oo aasaasey tulada, besha ajuuran iyo beesha Doqondiide oo ka mid ah beelwaynta Gaaljecel iyo beesha Harti oo la soo degay.
- ↑ www.distancefromto.net http://www.distancefromto.net/. Soo qaatay 2016-07-31. Maqan ama ebar
|title=
(caawin)