Burka Diikow ama haddii aan si kale u dhigno Siinka Diikow waa xaafad qadiimi ah oo ka tirsan Waaxda Nageyle ee degmada Kaaraan. Diikow oo la degganaa labadii qarni ee u damabaysay ayaa ah xaafad bulsho oo dadkeeda ay leeyihiin isdhexgal, iskaashi iyo iska warqab.

Xaafaddu waxa ay dadkeedu isugu xiran yihiin koox-koox, taasi oo laga dheehan karo sida ay ilaa iyo hadda u mideysan yihiin, gaar ahaanna; iyagoo leh gole odayaal, dhallinyaro, haween iyo gabdhaba. Qurbajoogta deegaanka ayaa si joogta ah u xogwareysta xaaladda dadka ku nool xaafadda.

Deegaanka oo qaab-dhismeedkiisu yahay mid joog ah ayaa leh hawo dabiici ah iyo neecaaw ka imaanaysa badweynta Hindiya oo uu ku jeedo. Xaafaddan qayb ahaan isku raranka oo kale oo dhisan ama oobasiibka ah malaha adeegyo horumarineed oo bilaash ah, sida; Iskuullo, Wadooyin, Isbitaallo, Madaaris iyo Garoomo kubadeed oo dadku wada leeyihiin.

Goobaha caanka ah waxaa ka mid ah: Masjidka Sheekh Cabdi Shable, Masjidka Sheekh Yuusuf Jilibey, Masjidka Macallimiinta, Barxadda Caliyow, Waaskada iyo Barkadda Cillaamo Warsame.

Xaafaddan waxaa ka soo jeeda ciyaartoy caan ah dhinaca kubbadda cagta waxaana ka mid ah: Cabdikariin Isba, Aatish, Sagaareey, Cali Uusey, Xasan Cabdulle, Cabdiwali Deexey, Macallin Xagaleey iyo Muxudiin Dacyayeey.