Boqor Najaashi magaciisa saxda ah waa Asmaxa, waa mid kamida boqoradii Xabashida (itoobiya) waxa uu qaabilay asxaabtii dhankiisa u soo hijrootay xiligii rasuulka s.c.w, waxa ay lajoogeen intii u dhaxaysay 610-629, rasuuulkuna waxa uu yidhi xiligaas waa boqor aan agtiisa cidna lagu dulmiyin waxa uu xukunka qabsaday isaga oo jira 9 sano kadib markii uu adeerkii oo boqor ahaa geeriyooday waxyar kadib waxaa markiiba faafay cadaaladiisa iyo sida fiican ee uu u xukumayay dadkii uu u talinayay isaga oo cadaalada aad u jeclaa durbadiiba meelkasta waxaa gaadhay in uu yahay boqor caadila, sanadii shanaad ee dacwada islaamka ayaa rasuulku s.c.w waxa uu faray asxaabta in ay katagaan Makka oo ay aadaan xagaas iyo xabasha. waxaa jooga ayuu yidhi rasuulku boqor aan agtiisa cidna lagu dulmiyin asxaabtii markaas halkaas aaday waxa ay tiradoodu gaadhaysay 80 marka ciyaalka iyo dumarka laga reebo waxa layidhaahdaa waxa ay dhacday hijradaasii intii u dhaxaysay 10 ilaa 629.

Shilimaanta ay isticmaali jirtey boqortooyadii Xabashida

Jawaabtii reer qureysh markii ay ka warheleen bixitaankooda wax ka badal

markii ay quraysh iyo kufaartii maqleen warkan aad ayay ula yaaben waanay ka xumaadeen laakiin waxa ay bilaabeen in ay u diraan wafti iyaga oo hadyadana u gudhiibaya si loogusoo dhiibo asxaabtaas waxa kamid ahaa ragii ay qurayshi dirtay.cumar ibnu caas.iyo cabdala ibnu rabiica.kadib markay ay gaadheen xabasha waftigaas ay qurayshi dirtay.waxa ay u dhiibiin najashi hadyadii iyo dalabkii quraysh iyo kufaartu ay ku dalbanayeen in gacanta loosoo galiyo asxaabtaas.iyaga oo ku andacoonaya in ay sii daayeen dhaqankii aabayaashii iyo awoowayaashii.ciisane ay kaleeyihiin waxaan fiicnayn.laakiin.boqor najaaji oo caanku ahaa cadaaladu taas wuu diiday waxaanuu shardi kadhigay in uu dhagaysto dhinaca kale iyo asxaabta.

Maxaa uu sameeyay Najaashi wax ka badal

Najaashi waxa uu wacay Muslimiintii kadibne way yimaadeen markii ay yimaadeen waxaa albaabka agtiisa ka qaliyay jacfar bin abiidaalib isaga oo leh idan ayuu kuydiisanayaa xisba ilaahay waxa uu yidhi boqorkii uyeedhaa ninkaa qaylinaya hayidhaahdo hada lkiisee waysoo galeen oo umay sujuudin waxa uu yidhi boqorkii maxaa idiin diiday in aad iisujuudi waydaan? waxa ay ugu jawaabeen waxa aanu u sujuudna alaha ku abuuray ee adigoo dhan kuleh laakiin sujuudu waxa ay noo ahayd salaan xiligii aanu caabudi jirnay asnaamata. kadib ilaahay waxa uu noosoodiray nabi saalaxa waxaana uu na amray in aanu isku salaano salaanta ilaahay raaliga kayahay, kadib boqorkii waxa uu ogaaday intaasi ay tahay xaq oo ay kusoo aroortay tawraat iyo injiil boqorkii intaas kadib waxa uu yidhi kumuu ahaa kii hadalka dalbanayay jacfar waxa uu yidhi aniguu ahaa boqoraw waxa uu u idmay in uu hadlo waxa uu yidhi jacfar waxaad tahay adigu boqor aan jeclayn hadalka badan iyo in agtiisa dadka lagu dulmiyo.kadib jacfar waxa uu najaashi ka dalabaday in ay wada hadlaan isaga iyo cumar boqorka oo maqlaya.waxaanuu yidhi jacfar isaga oo lahadlaya cumar.mawaxaanu nahay.adoomo misewaxaanu nahay rag xorah?.cumar waxa uu ugu jawaabay mayee waxaad tihiin rag xora waxa.markale hadana jacfar waxa uu yidhi ma dadbaanu dhacanay mise dhiig ayaanu daadinay?.cumar hadana waxa uu ugu jawaabay may.kadib waxa hadlay najaashi oo kuyidhi cumar hadaa maxaad kadoonaysaan.? waxa uu yidhi cumar waxaanu ahayn qawm iskumida oo waxaanu wada caabudi jirnay diintii aabayaashayo iyo tii awoowayaasha waanay katageen diintayadii waxaanay raaceen diinkale.waxa uu yidhi boqorkii isaga oo lahadlaya camar waa maxay diinta aad wada haysateen waamaxayse diintan cusub ee ay raaceen?.

jacfar ayaa hadlay oo waxa uu yidhi.wixii hore ee aanu caabudi jirnay wwaanu katagnay oo waxa ay ahayd diin shaydaan iyo caabudista asnaamta, hadana waxaanu qaadanay diinta ilaahay ee dhabtaha.oo nooga timi ilaahay.oo uu nookeenay rasuul runsheege ah iyo kitaab kii ciise oo kale ah.kadib boqorkii waxa uu yidhi jacfaraw waxa aad kahadashay shay aad u wayn.

waxa uu amray in lagaraaco jaraska kaniisada oo lasoo xaadiriyo dhammaan raahibada oodhan, kadib markii ay soo xaadireen waxa uu ku yidhi.waxaan idin waydiinayaa.nabi ciise.iyo qiyaamaha.mawaxaa u dhexeeya.nabi.waxaanay ku jawaabeen haa boqoraw.ciise ayaaba taas inoo cadeeyay.oo inoogu bushaareeyay.kadib najaashi waxa uu kuyidhi jacfar.muxuu.idin amraa ninkani.muxuuse idinka nahyiyaa [diidaa] waxa uu yidhi jacfar waxa uu noo akhriyaa kitaabka ilaahya waxa uu na amraa wanaaga waxa uu naga diidaa xumanta, waxa uu naamraa in aanu ilaalino jiiraanka iyo dumarka. iyo in aan agoonta u gargaarno waxa uu na amraa in aan ilaahay kaligii caabudno.

kadib waxa uu kuidhi waxaad akhridaa waxa uu idinku akhriyo qaar kamida.axa uu akhriyay suuradaha cankabuut iyo ruum.markii uu najaaji maqlay labadaas suuradood ayaa indhihiisa ilmo katimi.waxa uu yidhi noosiikordhi oo noo akhri qaarkale oo kamida xadiiskan fiican. kadib jacfar waxa uu akhriyay suurada alkahaf kadib cumar ibnu caas waxa uu doonay in uu ka cadhaysiiyo najaashi waxaanuu yidhi waxa ay caayayaan nimankani ciise iyo hooyadii. waxa uu yidhi najaashi waar maxaad kaleedihiin ciise iyo hooyadii maryam , jacfar waxa uu akhriyay suuda maryam, kadib markii uu gaadhay ciise halkii uu suurada kaga jiray ayuu waxa uu yidhi boqorkii walaahay waxaad la timaadeen shay wayn diintiinaan waatii uu ilaahay ciise usoo dhiibay oo kale.

Geeridiisii wax ka badal

Hadaba ninkaas wanaagsan markii uu dhintay uuna ku dhintay dhul gaalo oo aysan la joogin cid muslimiin ah oo ku tukata Nabigu (scw) isagoo waxyi loogu sheegay ayuu amray saxaabadiisa inay isugu soo baxaan fagaaraha salaadda ciidda si loogu tukado janaazo qof maqan, lamana sheegin cid kale inuu Nabigu (scw) salaad janaazo qof maqan ku tukaday isaga mooyee Alle meel wanaagsan ha geeyo aamin aamin.