Kani waa maqaal ku saabsan Bankiga Aduunka ee ka tirsan Qaramada Midoobay

Kooxda Bankiga Aduunka (Af Ingiriis : World Bank Group; Af Carabi : ar‎) loo soo gaabiyo (WBG) waa koox ka samaysan shan urur oo caalami ah kuwaasi oo amaahiya kharash wadanada soo koraya. Waa bankiga ugu weyn uguna caansan ee horumarinta koboca dhaqaalaha, waxaana gacanta ku heeysa Waaxda Horumarka Qaramada Midoobay.[2]

Bankiga Aduunka
SamaysmayDiisembar 27, 1945
NoocaInternational organization
SharcigaHeshiis
UjeedoHorumarinta dhaqaalaha, baabi'inta faqrinimada
Xubnoha
188 states (187 wadanada Qaramada Midoobay iyo Jamhuuriyada Kosovo)
Madaxweyne
Jim Yong Kim
Xubnaha ugu muhiimsan
Gole Agaasime[1]
Websiteworldbank.org

Bankiga Aduunka waxaa xarun u ah caasimada Washington D.C wadanka Maraykanka wuxuuna sanadkii 2012ka bankigani maamulay lacag dhan $30 bilyan oo uu ku bixiyo amaah iyo caawinta wadanada soo koraya iyo kuwa ku jira xaalad kala guur ah.[3] Sida ku xusan sharciga qoran ee bankiga ujeedadiisu waa inuu dabargooyo faqriga, baahida iyo busaarada isla markaana dhiso barwaaqo la wadaagi karo dhammaan bulshooyinka caalamka. Shanta qeybood ee Bankiga Aduunku ka kooban yahay waa "Bankiga Caalamiga ee Dib u dhiska iyo Horumarka" (International Bank for Reconstruction and Development) (IBRD), "Midowga Horumarka Caalamiga" (International Development Association) (IDA), "Shirkada Maalgelinta Caalamiga" (International Finance Corporation) (IFC), "Wakaalada Maalgashiga La Hubo" (Multilateral Investment Guarantee Agency) (MIGA) iyo "Xarunta Caalamiga Dhexdhexaadinta Isqabsiga Maalgelinta" (International Centre for Settlement of Investment Disputes) (ICSID).

Taariikh

Kooxda Bankiga Aduunka waxaa si rasmi ah loo dhisay Diisamber 27, 1945 waxyar uun ka dib markii la aasaasay Qaramada Midoobay. Bankigu wuxuu 1951kii abuuray Golaha Osiander (Osiander Comittee) oo masuul looga dhigay ineey qiimeyn ku sameeyaan dhaqaalaha wadanada caalamka isla markaana u soo wariyaan golaha sare ee Bankiga Aduunka.

Bankiga Aduunku wuxuu si caadi ah u shaqo bilaabay Juun 25C 1946, wuxuuna amaahdii ugu horeeysay bixiyay May 9, 1947 (taasi oo US$250 milyan amaahiyay wadanka Faransiiska si uu dib u dhis ugu sameeyo buburkii iyo dhaawicii wadankaas ka soo gaadhay Dagaalkii Labaad ee Aduunka). Si kale hadaan u dhigno lacagtaasi la amaahiyey Faransiisku waa mida ugu faraha badneyd ilaa maanta ee Bankiga Aduunku amaahiyo wadan.


Xubnaha

 
Kooxda Bankiga Aduunka:
  wadan xubin ka ah dhammaan shanta urur ee bankiga
  wadan xubin ka ah afar urur oo ka tirsan bankiga
  wadan xubin ka ah sadex urur ee bankiga
  wadan xubin ka ah labo urur kali ah
  wadan xubin ka ah kaliya IBRD

Dhamaan 193 wadan ee xubinta ka ah Qaramada Midoobay iyo wadanka Kosofo waxay ugu yaraan ka qeybqaataan shaqada iyo xarkaatka Ururka Horumarka iyo Dib udhiska Caalamiga (IBRD). Sidoo kale waxaa in badan ka qeyb qaataan dhaqdhaqaaqa afartan urur ee kale: IDA, IFC, MIGA, ICSID.

Hadaba xubnaha Bankiga Aduunka waxaan u fiirin karnaa sidan:

  1. wadan xubin ka ah kaliya IBRD: San Marino
  2. wadan xubin ka ah IBRD iyo hal urur oo kale: Suriname, Tuvalu, Brunei
  3. IBRD iyo labo urur oo kale: Antigua iyo Barbuda, Sao Tome iyo Principe, Namibia, Bhutan, Myanmar, Qatar, Gasiiradaha Marshall, Kiribati
  4. IBRD iyo sadex urur kale: Hindiya, Kanada, Meksiko, Belize, Jamayka, Jamhuuriyada Dominikan, Fenezuela, Brazil, Bolifiya, Uruguay, Ekuwador, Dominika, Saint Vincent iyo Grenadines, Cape Verde, Guinea-Bissau, Niger, Equatorial Guinea, Angola, Koonfur Afrika, Comoros, Seychelles, Libya, Soomaaliya, Itoobiya, Eritrea, Jabuuti, Baxrain, Iran, Ciraaq, Malta, Montenegro, Bulgaria, Romania, Moldova, Poland, Russia, Lithuania, Belarus, Kyrgyzstan, Tajikistan, Turkmenistan, Thailand, Laos, Vietnam, Palau, Vanuatu, Samoa, Maldives, Koonfurta Sudan
  5. wadanada xubinta ka ah shanta urur: dhammaan 127 soo hadhay ee xubnaha Bankiga Aduunka.

Wadanada aan xubinta ka ahayn Bankiga Aduunku waa: Andorra, Kuuba, Liechtenstein, Monako, Nauru, Waqooyiga Korea.

Qoraalo La Xidhiidha

Tixraac

  1. "Nuqul Archive". Web.worldbank.org. Waxaa laga kaydiyay the original 31 Bisha Laba iyo Tobnaad 2014. Soo qaatay 31 May 2010.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin); Hubi qiimaynta taariikhda: |archive-date= (caawin)
  2. "Nuqul Archive". Undg.org. Waxaa laga kaydiyay the original 2011-05-11. Soo qaatay 2012-05-27.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  3. The World Bank Information Center, http://www.bicusa.org/institutions/worldbank/ Archived Abriil 10, 2014 // Wayback Machine
 
Wikimedia Commons waxee heysaa war la xiriiro: