Xuseen Ismaciil (Af Carabi : ar‎,Af Amxaari : አቶ ሁሴን እስማእል) sidoo kale loo yaqaanay Ato Xuseen Ismaciil wuxuu ahaa siyaasi weyn ka mid ah dalka Itoobiya , Mengistu iyo Dhergigu markey dalka xukumi jireen 1974-1987. Wuxuu ahaa Somali ugu horeysey Wasiir iyo Amabassadoor ka noqday dalka Itoobiya. Weliba wuxuu maamuli jiray Gobol weyn la dhaho Illubabor , Itooboya markey aheyd Gobolo, hadana waa Kilil iyo Dawlad Federaal ah. [1]

Taariikh

 
Gobolka Illubabor ayuu badhasaab ka ahaa.

Xuseen ismaciil beel ahaan wuxuu ka soo jeeda beesha Afguduud (Jibril Muuse), Makahiil. Gadabuursi. Wuxuu ku dashay Dirre Dhaba. [2] Ka dib markey dawladii Xayle Selassie ka rideen dalka wuxuu noqday Badhasaabka Gobolka Illubabor.[3] Mida kale Badhasaabka wuxuu ka aha ismaamulkii Dire Dhabe, Safiirkii itoobiya een Dalka Koonfurta Yemen, Safiirka Itoobiya een dalka Bulgaria , safiirka itoobiya dalka Kuba , Wasiirka Waxbarashada regimkii Mengistu iyo Gudoomiyaha Pensions and Social Security.[4] Wuxuu ka mid ahaa guddigaCOPWE (Commission for Organizing the Party of the Working People of Ethiopia).[5] Siyaasi ahaan wuxuu albaabka u furay dhamaan Qowmiyadda Soomaali iney ka mid noqon karaan dalka Itoobiya.[6]

Jagooyinka Qabtey

  • Madaxweynaha ama Badhasaabka Ismaamulkii Dirre Dhabe
  • Badhasaabka Gobolka Illubabor (1974 - 1976 )
  • Wasiirka Waxbarashada (Bishi 8aad 1976 - 1978)
  • Member ka mid ah COPWE (1979-1984)
  • Gudoomiyaha Pensions iyo Social Security (1978 - 1983)
  • Safiirka Itoobiya een koonfurka Yemen (1983 - 1984)
  • Safiirka Itoobiya een dalka Kuba (1984 - 1986)
  • Safiirka Itoobiya een dalka Bulgaria (1986)

Tixraac