Abshir Nuur Faarax wax ka badal

Abshir Nuur bacadle oo loo yaqaano Abshir Bacadle waa abwaan Soomaaliyeed oo caan ka ah dhamaan cariga Soomaalidu degto. Abwaanka wuxuu ku dhashay Galkacyo ee Gobaka mudug ee Soomaali ya sanadku markuu ahaa 1946. Waa nin si aad ah ugu gabya diinta islaamka taasna waa tan aan ku jeclaaday runtii anoo yar oo aan qaan gaadhin oo aan si fiican u garaneeynin af soomaaliga ayaan dhageeysan jiray abshir bacadle gabayadiisa run ahaantii marka aad dhagaysanaysid gabayada abshir bacadle waxaad daremaysa qiiro iyo xaqqiqda diintu waxa ay tahay iyo soomaalidu ama caalamka kaleba say diinta uhaystaan waxa uu taabanayaa gabyaa bacadle meelo fogfog uusan fahmi karin qof udhuuxgala maahee qof kale. Gabayada ugu khatarsan abshir bacadle gabayadiisa waxaa kamida gabeyga tawxiid, dibuheshisin,ceeryaamo,gabayga uu utiriyay guuleed fansalakh, gabeyga uu ku amaanaayo gabdhaha muxajabaadka iyo gabayo badan uu dhawaan utiriyay midowga maxaakimta islaamiga.

Abshir bacadle waa nin aad iyo aad qiima uga leh umada soomaliyed waayo waa nin mujiya asalka ama diinta soomalidu haysato kuna faanto gabayadiisa had iyo jeer waxa uu ku muujiya macanka ay ledahaya caqiidadu ama diinteena islaam iyo ciilka ay nooqabaan gaaladu khasatan itoopia oo ah cadawga koowad ee soomaliya waa nin gabayadiisa kaga warama cadaawadii soo dhexmartay soomalida iyo itoopianka waxa uuna aad utaabtaa maalinta qiyaami iyo aakhiro iyo inuu tusiyo umada somaliyeed in ilaah sokadiis aysan cid kale tari karin.

Abshir Nur farax waxa jirtay gabay uu umariyay gabdhaha muxajabadka ah markii ay dawladii shuciga ahayd ay qaqabatay gabdhah xijaanab oo ay dheheen waa dhilooyin waxana arinta horkacay wasiirkii diinta iyo awqaafta lana oran jiray guuled loona bixi ugu danbayntii [guuleed fansalakh] asaga oo lagu shabahayo ninkii rer bani israail ilaah cilmiga siiyay hadana caasiyay ,abshir bacadke markii uu arkay dawladu falkay kula kacday gabdhihii muxajabadka ahaa beenisayna aayadii ilaahay ee xijibka amraysay waxa uu ahaa dadkii aadka uga carooday falkaa gabayna ayuu mariyay gabaygii dawladu abshir bacadle waxa ay damacday inay ku xirto lkin abdhir waa uu fakaday waxa uuna aaday xagaas iyo sucuudiga lkin dawladii sucuudiga ayaa abshir soo tarxiishay kuna soo celisay somaliya markaas ayuu hadana dawlada sucuudiga gabay kale utiriyay.

Waxaa ka mid ahaa oo lagu xasuustaa abshir nuur farax gabayguu u tiriyey somaliland ka dib markii ay fara xumeeyeen Zam zam axmed ducaale kaas oo uu ku jeex jeexay waxayihiin somaliland.Abshir bacadle waa ftahan mawqaf cadna ka joogsada diinta mana aha da. Alle ha u naxariistee wuxuu geeriyooday 10-kii october 2010. Innaa lillahi wa innaa Ileyhi Raajicuun waxaa u ahaa nin wadaniha qaybtaan waxaa raaciyay (maxamed cabdulaahi cali wardheere) abwaan abshir bacadde oo ay isku dhawaayeen beel ahaan ganeraal maxamed faarax caydiid, cabdulaahi ciise maxamuud, Xuseen maxamed faarax caydiid, cabdulaahi axmed cadow, cusmaan caato iyo sahqsiyaad kale oo somaliya magac kuleh ayaa siweyn loogu xusiistaa kaalintii uu ka qaatay dagaalkii bilawgii sagaashameeyadii lalagalay ciidamadii ku sooduulay somaliya ee uu hogaaminayay Marykan ku ee looyaqaano (UNSOM) wuxuuna maalin kasta soo ban dhigi jiray gabayo uu ku dhiirigalinayaa mujaahidiintii uu horkacayay allaha u naxariistee general Caydiid waxana kasoo qaadan karaa oraah kamid ahayd gabay uu tiriyay mar ay gaaldu duqeeyeen Hotel Daameey oo ay shir ku lahaayeen masuuliyiin tii mujaahidiinta halkaas oo ay ku shahiideen in kabadan 69 xubnood oo dhamaantood ahaa caqligii somalidii markaa diidanayd wadanka in ajanabi soo galo waxaana arintaa ku farxay somali dabadhilif u ahayd gaalada abwanku asaga oo dhiirigalinaya dhalinyaradii mujaahidiinta ahayd waxa uu yiri (GUN IYO GAALABA WAA FARXEEN GOBI SE GEERI WAATAQAAN) alaha u naxariisto abwaanka.