Xararyaale waa xaafad ka tirsan dagmada wardhiigley, xaafada Xararyaale waxaa loogu magacdaray misaajidka ween oo quruxda badan, oo la dhoho, misaajidka xararyaale, magaca xararyaale waxoo ka imaaday, nin ladhihi jiray xararyaale, waa ninka misaajidka ween ka dhisay xaafada. Misaajidkaan hadda waxaa maqlay in oo Hoobiyo ku soo dhacay, dagaaladii ugu danbeeyay. haddii aa kuu tilmaamo sida ee xaafada u taalo, Misaajidka albaabkiisa ugu ween oo laga galo hortiisa waa meel camiran, waxaa ka soo horjeedo, warshad markeeda hore, soo saari jirtay Taraq ama Sigaarka, dagaaladii sokeeyay, sida oo u bilaawday, warshada wee xirmatay, hada dad aa ka ganacsado, waxeena ku badashteen meel baraf lagu gado, warshada iyo misaajidka hortooda waxaa maro jid oo baabuurta loogu tala galin, oo dad kaliya maraan, geesaska waxaa ku yaalo meelo shaah lagu cabo oo la fadhiisto iyo meelo timaha lagu jarto, iyo meelo harqaan ah oo dharka lagu talo. misaajidka waxaa ka danbeeyo, suuqa xararyale, waxaa ka sii danbeeyo, (Ukko), waa meel Tennis lagu ciyaari jiray, waxee u egtahay, sarta ween oo (roma), jaran jaro badan oo wareegan ayaa ku yaalo, dhinaciisa kale waxaa ku yaalo, garoonka ween ee Kubada cagta, wixii ka sii danbeeyo xaafada waa ka baxday, laakiin waa meelo sii camiran, xaafado kale oo wardhiigleey katirsan aa gashay., xaafada xararyaale hoosteeda, waxee leedahay isgooys camiran, oo baabuurta iyo basaska maraan, laamiga geesaskiis waxaa ku yaalo, baqaarar, farmishoyaal, shaleemo, baarar, timajareyaal, hoteelal. laamiga waxoo leeyahay jaranjaro yar oo looga dagto, isla markaas neh, waxaa lagalaa meelaha ee dadka degenyihiin, oo ah guryo badan oo siman, guryaha hortooda waxaa ka boxo, geedka babaayga dhalo, iyo geed timir, geedka gobka dhalo, iyo geed talaal, geed hindi.guryaha hortooda waxee leeyihiin, darjiiman oo galabtigii ama habeenkii la fadhiisto. xaafada waxaa kale oo ku yaalo, makiinadaha cajiinka, cajiinkaan haddii aa ka sameeso canjeero, waa dhareeree macaan darteed. xaafada xararyaale dhinaca Koonfur Bari haddii aa u socoto, waxaa kaa hor imaanaa jid ween oo tago, xamarweyne ama madaxtooyada dhinaca Koonfurta. Xararyaale waa xaafad la ilaabi karin, run ahaantii waa meelaha dalxiiska ku fiican. badweynta hindiya waxee u jirtaa 15km ama 10km marka aa tagto Xamarweyne.