Daaweeyn

Daaweeynta, dadka soomalida ah waxaa lagu daweey jiray laguna daweeyaa qaarkood ilaa iyo hadda, waxa loo yaaqaan dhirta, dhirta waxaa isticmaalo qof sancool ah. sancoolku waa qofka dadka ku daweeya dhirta iyo dhacaanadeeda kala duwan.

qofkan waxaa uu adeegsadaa aqoon dhaqan iyo dhaxalba ku saabsan. qofkan sancoolkaa badanaa uma aado iskoolaad iyo jaamacado eey ku soo bartaan daweeynta dhirta, badanaa weey dhaxlaan oo dad horay u yaqiinay shaqadan ayeey ka dhaxlaan hadeey ahaan lahaayeen xigto eey qaraabo yihiin iyo hadeey ahaan lahaayeen dad iyagu aqoonta ugu tabarucay.

Dakan sancoola yaasha ah waxeey ahaayeen dad bulshada soomaaliyeed aad muhiim ugu ahaan jiray, ilaa iyo haddana ka qaato kaalin weeyn dhanka badbaada bulshada iyo daaweeyntoodaba. Dadkan waxaa eey waxaa eey bulshada soomaaliyeed u daweeyaan siyaabo kala duwan, dhanka baahida caafimaadka.

Dhaqaatiirtan waxaa eey ku takhasusaan qeeybo kala duwan oo hab daweeyn ah sida, gargaarka dag-dagga ah, laf jabtay kabisteed, daweeynta xanuunada asaasiga sida qandhada, hargebka, malaariyada tiifoowga, qar-ka ama bo'aha, cagaarshoowga, calool majiirka, bar bararka maqaarka iyo jirka, ama dheerdheerada, madax barka, san-gorka, quumanka, sanboorka, umuloowga, gaastrigga iyo laab jeex/dilaaca, lafa xanuunka iyo cudurada lafaha ku dhaca, waxaa sidoo kale eey gacan heer sare ah ka geeystaan xanuunada ku dhaca xubnaha taranka --ragga iyo dumarkaba.

Dhaqaatiirtan qiimaha ku leh bulshada soomaliyeed waxaa eey ku daweeyaan bukaanadooda dawooyin dabiici oo gebigoodba laga soo saaro ciida kala duwan ee dalka soomaaliya.

Badankood dadka soomaliyeed sida aan wada ogsoonnahay waxaa ku noolaayeen miiga taas ayaana keentay isticmaalka dhirta iyo in la barto macluumaadka ku aasanba.

ugu danbeeyntii inkastoo dadka soomaalida ahi eey reer magaal u bateen waqtiyadii danba hadana wali lagama kaaftoomin baahida sancoolayaasha iyo dawada dhirtaba, xaqiiqadana waxaa eey tahay in sancoolayaashu eey wali doorkoodi ka cayaaraan badbaadada bulshada, baahidii oo wali taagan oowgeed, sababo xasilooni darro iyo horumar la'aan dartood.

Cabdi Salaan Cumar Cismaan