Warsheekh Ama Warshiikh waxey ku taalaa Gobolka Shabeellaha Dhexe ee Soomaaliya waana xeebley kuna aadan xaga xeebta magaaladda Muqdisho. Dhaqaalaheeduna wuxuu ku tiirsan yahay Kaluumeysida iyo Xoolaha Nool. Waxeyna kamid tahay meelihii ugu horeeyay ee diinta Islaamka ka soo gashay Soomaaliya iyadoo ay rug u aheyd waligeed Barashada Cilmiga Islaamka waxaana usoo xeraysan jiray arday ka imaanayay Gabi ahaan Soomaaliya iyo Geeska Afrika. Warsheekh waxaa dega Beesha Celi Cumar ee Abgaal cismaan oo uukasoo Jeedo Caalimka Soomaaliyed ee Sheekh Cabdiraxman Aw Cumar oo loo yaqaano Sheekh Cabdi Celi.


Warsheekh waa Meel ku wanaagsan dalxiiska waxeyna leedahay xeeb ka mid ah kuwa ugu nadiifsan dalka taasoo ay ka heli jireen dalxiisayaashii dalka soo booqan jiray.

Waxaa ay Warsheekh baal kaga qorantyahay Taariikhda Gumeysi la dirirka iyadoo lagu dilay Xeebta Warsheekh Gumeystihii ugu horeeyay ee Cagta soo Dhigay Geyiga Soomaaliya , kadib markii uu nin Reer Warsheekh ahaa Mindi caloosha ka geliyay mid ka mid ahaa Ciidamadii Talyaaniga oo dooni ku yimid halkaasi. Ninkaasi oo ahaa beesha erabale cigale geesween inkastoo markii danbe ay u guureen reerkiisa dhanka ceelowda gaar ahaan dheriyow erabale ayaa taariikh dheer ku leh la dagaalanka gumeestihii talyaaniga degmada warsheekh waa magaalada saldhiga u ah culimadii soomaaliyeed ee diinta soo gaarsiisay soomaaliya sheekh xaaji xaamud iyo sheekh maxamuud cabdi maxamed oo ahaa curudkii beesha erabale ayaa diintii ay ka soo aflaxeen warsheekh gaarsiiyay dhulka ceelow gaar ahaan dheriyow qobyaxaas iyo dhulka ku hareersan