Ugaastooyada Webi (ingiriis: Webi Ughasate) waxay ahayd boqortooyo Soomaaliyeed oo ku taallay halka ay maanta tahay deegaanka Soomaalida ee Itoobiya dhinaceeda koonfur. Waxay jirtay laga bilaabo qiyaastii 1820 ilaa 1933, waxayna ahayd boqortooyadii badashay ama ka dhexlay Ugaastooyada Maqdi.

Ugaastooyada webi

Intii u dhaxaysay 1895 ilaa 1920, Ugaastooyada Webi waxay iskaashi dhow la lahayd Garaad Diiriye Guure, oo ahaa hogaamiyihii Garaadtooyada caasimadeeda ahayd Taleex, ee ka soo horjeeday gumaysiga iyo ballaarinta Ingiriis, Talyaani iyo Itoobiya ee Geeska Afrika.

Boqortooyada Webi iyo tan deriska la ahayd ee Saldanadii Imi waxay ka mid ahaayeen boqortooyadii ugu dambeysay ee Soomaaliyeed ee la qabsado. Labaduba waxaa lagu daray boqortooyadii Itoobiya marka uu Haile Selassie dullaan ku qaaday Soomaalida sanadkii 1933.