Ufurow waa Degmo ka tirsan gobolka Baay. Waa Degmada dhaqaalaheeda uu ku tiirsan-yahay dhanka wax soosaarka Beeraha iyo dhaqashada Xoolaha.

Ufurow waxaa dega Beesha Luwaay oo kamid ah Beelaha 9ka mirifle Ee Raxaweyn.

Ufurow waxaa ay ka kooban tahay laba Waaxood oo kala ah Iftin iyo Xaawa-taako hasse ahaate magaalada waxaa ay leedahey xaafado badan sida:

  • Habriirow
  • Buula-Galoole
  • Buula-Gadood
  • Tugeerey
  • Shakar
  • Buula-Miingay
  • Aftiin
  • Xaawotaako

Ufurow waa degmada keliya ee Baay ka tirsan ee uu soo gaaro webiga Jubba waxaana uu ka maraa dhanka loo yaqaano Gowraar waxaana ku yaalla haatan beero ay sameysteen Qurba Joogta iyo ganacsato reer Gobolka Baay ka tirsan.

Ufurow waxaa ay kaloo caan ku tahay barshada diinta Islaamka waxaana ka jira dariiqooyin qurux badan sida Saalixiya. waxaa kaloo magaalada ay caan ku tahay nabadda waxaana laga xusi karaa dadkii nabadda ku caan baxey ee soo marey

  • Sheekh caliyow Kuulaw AUN
  • Sheekh Isxaaq Mad Sheekh AUN
  • Sheekh Madey sheekh Cali yarow AUN
  • Sheekh Ibraahim Mayloow AUN
  • Xaaji C/latiif Xaaji AUN
  • Malaaq Isaaq Ibraahim AUN


Ufurow taariikhdeeda oo (KOOBAN)

BaARO TAARIIKHDA DEGMADA UFUROW

Degmada Ufurow | Waa degmo Katirsan Gobalka Bay

Joqoraafi Ahaanna Waxaa ay Kutaalaa Koonfur Galbeed

Somalia Waxayna Xaduud Laleedahay Magaalooyinka

Kala ah: Qansaxdheere,Buurdhuubo, Baardheere,  iyo Diinsoor

Ufurow waxaa

Ufurow Waxaa

Somarey BoQor Tooyo Soojireen ah Waxaana La aas Aasey

Ufurow 1876dii Waxaana Aas aasey Sheekh ibraahim C/lle,

Sheekha waxaa uu Xukumaayey Degmada Ufurow inkabadan

80 Sano, Alle Ha u Naxriistee Markii uu dhintey Waxaa Xukunkii

Degmada Ufurow Lawareegey Wiil Kiisii Wey Naa Ee Sheekh C/

qaadir Sheekh ibraahim C/lle, Sheekh C/qaadir Waxaa uu

Xukumaayey Degmada Ufurow Qayaastii in Kabadan 20 Sano,

Sheekh C/qaadir Alle Ha u Naxariistee Markuu Geeriyoodey

Waxaa  Xukunkii Lawareegey Walaal Kiisii Yaraa ee Ee Sheekh

C/Ladhiif Sheekh ibraahim C/lle, Sheekh C/ Ladhiif Waxaa Uu

Xukumaayey Degmada Ufurow 40 Sano Alle Ha u Naxriistee

Sheekh C/lladhiif Sheekh ibraahim C/lle Waxaa uu Geeriyoodey

Majirto Cid Bedeshey ilaa iyo Hada,  Boqortooyadaas

Soojireenka ah Waxaa ay Dadka Ku Xukumi Jirtey Diinta

islaamka,, Degmada Ufurow Waa Degmo istraa tiiji ah Waxayna

isku Xirtaa Gobolada Dalka Sida: Bay, Bakool, Gedo,

Jubada Dhexe.

Ufurow Waa Magaalo Qadiimi ah Da,ahaan Waxaa ay Jirtaa in

Kabada Halqarni iyo Bar, Ufurow Waxaa Hoos Yimaada in

Kabadan 150 Tuulo Kuwaas oo ay Kamid Yihiin:-

1= Eesow

2= Buulo Cadeey

3= Tugeyr Hoos

4= Dooreebe

5= Tufka

6= Banaadir

7= Kashiid

8= Tuugsooy

9= Kurmaan

10= Duurey Eemid

11= ideed Wangle

12= ideed Kuble

13= Buulo Tows

14= Gomarty

15= Mushka

16= Gurdaale

17= Buulo Reydab

18= Buulo Maadey

19= Mantaang Mayow

20= Buulo Fuur

21= Juuroow

22= Moowle Luwi

23= Shekh Baaxane

24= Eedin Maamud

25= ibdow Kusow

26= Shiid Kuus

27= Xagarey

28= Weeldheen

29= Loow Mogii

30= Moolo Lowi

31= Xabaal Bilaan

32= Loow Gaduud

33= Gameey

34= Abuurow

35= Kalbaay

36= ideedaa

37= Bumbeegaay

38= Koban

39= Xabaal Roobey

40= Boor Boor

41= Alagaale

42= Shanta Mindile

43= Mal Mal Yare

44= Mal Malky

45= Wariyar

46= Buulo ayaanle

47= Masaare

48= Wagale

49= Mowle Gaduud

50= Kuudey

51= Kormary

52= Masiirka

53= Keerad Shikle

54= Xaaji Barfuun

55= Buulo Barake

56= Garasaa Fuurky

iyo Kuwo Kale oo Halkaan Lagu sookoobi Karin,

Ufurow Waxaa Soomarey Colaado iyo Abaaro Kuwaas oo Markii

dambe ay Kakabsatey,  

Ufurow Wax Yaabaha ay Caanka Kutahay Waxaa Kamid ah

Barashada Diinta islaamka, Waxaa Kaloo ay Caan Kutahay

Dhinaca Dhaqaalaha Ka ganacsiga Xoolaha Nool iyo

Dhaqashadooda, Sidookale Waxaa Ay Caan Kutahay

Wax Soosaarka Beeraha, Sida, Masagada, Digirta, Galeyda,

Sisinta, iyo Lowska, Ufurow Waa Magaalada Ugu Ganacsiga

Badan Marka Loo Eego Magaalooyinka Ladereska ah Sida

Qansaxdheere, Baardheere, Buurdhuubo iyo Diinsoor, Marka

Laga reebo Magaalada Baydhabo, Ufurow Waxaa ay Leedahay

Dhanka Wax Barashada Sida Dugsiyada, Dugsi Hoose Dhexe iyo

Sare, Dugsiyada Quraanka Kariimka Lagu Barto, Dhinaca Kale

Bulshada Deegaanka Ufurow Ayaa isku Tashtey, Waxayna

Dhiseen Masjid Jaamicii ugu Weynaa Ee Abid Laga Dhiso

Degmada,  Ufurow,

Waxaa Kaloo ay Leedahay Dhinaca Biyaha Ceelalal Kufilan

Dhinaca Biyaha. Ufurow Waxay Leedahay Dhinca Caafimaadka

MCH yo Yar yar Kuwaas oo Dadku ay Katareen Wax Badan,

25-6-2015 Waxaa Markale Dib isku Aruursadey Qurbo Joogta

Deegaanka Kasoojeeda Oo iskugujira Dal iyo Dibad  Waxayna

Bilaabeen in Aydhisaan Baahiyii Bulsha, Sida Wax barashada,

Caafimaadka, Biyaha iyo W.m. Qurbojoogtaas Ayaa Waxa ay

Sameeyeen Hayad Lamagac baxdey Rasmi Kheyriya Taas oo ay

Kumideysan Yihiin Bulshada Degmadda Ufurow, Talaabadoodii

ugu Horey sey Aay Qaadeen Ayaa waxaa ay Noqotey in

Aydhisaan Cisbitaalkii ugu weynaa Ee Abid Laga Dhiso Gobalka

Baay Marka Laga Reebo Kan Degmada Baydhabo, Dhismaha

Ufurow Hospital Ayaa Hada Waxaa Uu Maraayaa Gebo Gebo,

waxaa kaloo la diyaarinayaa Jaamacad dhinaca Kuliyada

Beeraha /Xoolaha iyo Kuliyada Caafimaad inshallah.

Ufurow ama Wabiyow  Waxay leeyahiin Aqoonyahano iyo

masuuliyiin aad loogu yaqaano Dalka Soomaaliya   kuwaasoo

Qabtey jagooyinka Sare ee maamulka dalka .

UFUROW WAA XARUNTA AQOONTA DIINTA WAXAA KASOO

BAXEY CULUMADA UGU CAALIMSAN EE GEESKA AFRIKA.

WABILAAHI TOWFIQ

Ufurow District

Xarunta waxsoosaarka Geeska Afrika ee UFUROW