Teedaan waa tuulo ka mida tuulooyinka ugu faca weyn gobolka Hiiraan, waxay ku taalaa bariga gobolka hiiraan qiyaas ahaan waxay u jirtaa 60 km Degmada Maxaas sidokale Beledweyne waxey ujirtaa 75 km. Teedaan waxaay ku taalaa dhulka loo yaqaan caduunka waana dhul biyo galeen ah deegaan iyo daaqsin ku caan ah iyo noocyada kala duwan ee xoolaha waxaa ku yaal Bali aad u weeyn marka uu buuxsamana ugu yaraan 12 bilood ayaa biyaha laga cabaa waxey leedahay ceel riig ah oo xili kasta aay cabaan dadka iyo duunyada iskuul hoose dhexe ayaa ku yaalo waxaa kalo aay caan ku tahay geedka miraha macaan aay ka baxaan ee jicibka Teedaan waxay isku xirtaa Degmooyinka Matabaan Maxaas iyo Beledweyne waxey ku taalaa goob istaraatiji ah.