Taariikh nololeedkii culimada

Taariikh nololeedkii culimada

Qore:- CabdiRisaaq Maxamed Cilmi “ina Warfaa”

Qof kasta ayaa xaq u leh inuu daabacdo tarjamada kitaabkan oo ma dhowrsana.

Weli lama daabicin kitaabkan.

La soo xiriirka turjumaha ee ku saabsan kitaabka.

Haddii aad xiiseyneysid kitaabkan oo aad dooneysid inaad ogaato sidii lagu heli lahaa, iyo haddii aad ku aragtid khaladaad xagga tarjamada ah, Eebbe kaliya ayaa dhamaystirane ha kaa abaalmariyo. Waxaad fadlan kala soo xiriiri kartaa cinwaanka turjumaha kitaabkan bariidka xaasuubkiisa "e-mailkiisa" oo ah: ”ina_warfaa@hotmail.com”.

Mahadnaq

Waxaan ugu horayntii u mahadnaqayaa Eebbe, oo igu galadaystay nimcooyin tira badan oo aanan koobi karin. Ka dibna waxaan u mahadnaqayaa dhammaan Barta-shabakadooyinka faafiyey qoraaladeyda oo ay ka mid yihiin “Islamhouse.com, Aflax.net, Somalisunah.net, Maktabada.com, Addacwah.com, Alimuse.com” iyo kuwa kaleba. Waxaana idin leeyahay dhammaantiin جزاكم الله خيرا .

Hordhaca turjumaha

Magaca Eebbaha Naxariistaha guud Naxariistaha gaar.

Waxaa mahad iska leh Eebbe, naxariis iyo nabadgalyadiisana korkooda ha ahaato addoonkiisa uu u doortay dhambaalkiisii u dambeeyay Maxamed ina Cabdullaahi, reerkiisa iyo dhamaan intii raacday intuu noolaa.

Intaas ka dib, kani waa taariikh nololeedkii culimada, waxaana jeclaystay inaan ugu turjumo afka soomaaliga qaar ka mid ah culimada Salafiyiinta taariikh nololeedkooda, maxaa yeelay waxay inoo yihiin tusaale wanaagsan oo in lagu daydo mudan.

Waxaan ugu dambayntii Eebbe ka baryeynaa inuu aniga ”turjumaha” kitaabkan iyo intii i caawisayba uu miisaanka wanaagyadeena noogu daro maalin aysan xoolo iyo caruur waxba tarayn.

Qoraha

Helsinki Axad 30.3.1429 H. oo ku aaddan 6.4.2008 M.

Taariikh nololeedkii

Sheekhul-Islaam Maxamed Naasiruddiin al-Albaani

-Eebbe ha u naxariistee-

Imaam al-Albaani wuxuu ka mid ahaa culimada ugu waaweyn ee muslimiinta ee waqtigan aan joogno.

Dhalashaddiisii

Wuxuu dhashay sheekh Maxamed Naasirud-diin ina Xaaji Nuux ina Aadan Najaati al-Albaani sanadka Hijrigu markuu ahaa 1333 Hijriya oo ku beegnayd sanadka Miilaadiga markey aheyd 1914 M, wuxuuna ku dhashay Ashqoodara oo ahayd magaalo-madaxdii Albaaniya xiligaasi.

Reerka sheekhuna waxay ahaayeen qoys diinta ku dhaqma oo aabihiis wuxuu ahaa sheekh dadka diinta bara.

Sheekh Albaani wuxuu la soo qaxay reerkiisii oo la soo degey Dimishiq Suuriya, ka dib markii Axmed Saago ”boqorkii Albaaniya” ee xiligaasi uu qaatey ilbaxnimadii reer galbeedka ee ku dhisnayd in laga fogaado diinta ”Calmaaniyadda”.

Sheekhu wuxuu ku dhameystay waxbarashadiisii dugsiga hoose dugsi ku yaaley Dimishiq.

Sheekh Albaani aabihiis wuxuu baray Qur’aanka kariimka, sida loo akhriyo Qur’aanka ”tajwiidka”, afka carabiga (xeerarka afka ”naxwaha” iyo rogrogmadkiisa ”sarfiga”) iyo diinta ”mad-habta Xanafiga”.

Sheekhu wuxuu kale oo uu ka bartay mad-habta Xanafiga iyo afka carabiga barayaal kale.

Barashaddiisii xaddiiska

Sheekh Albaani wuxuu bilaabay barashada xaddiiska markuu jirey labaatan sano. Kitaabkii ugu horeeyay ee uu ka barto cilmiga xaddiiska wuxuu ahaa: المغني عن حمل الأسفار في تخريج ما في الإحياء من الأخبار ee uu qorey sheekh al-Ciraaqi -Eebbe ha u naxariistee-. Kutubtiisii ugu horeysey ee uu qoro waxaa ka mid ah: تحذير الساجد من اتخاذ القبور مساجد

Wuxuuna qoray kutubo kale oo fara badan, waxaana ka mid ah: التوحيد أولاًَ يا دعاة الإسلام وفوائدها سلسلةُ الأحاديث الصحيحة وشيء من فقهها سلسلةُ الأحاديث الضعيفة والموضوعة وأثرها السيئ في الأمة تمام المنة في التعليق على فقه السنة أحكام الجنائز وبدعها آداب الزفاف في السنة المطهرة تحريم آلات الطرب الثمر المستطاب في فقه السنة والكتاب التوسل أنواعه وأحكامه الحديث حجة بنفسه في العقائد والأحكام كيف يجب علينا أن نفسر القرآن الكريم إرواء الغليل في تخريج أحاديث منار السبيل رسالة قيام رمضان خطبة الحاجة مختصر كتاب جلباب المرأة المسلمة الجامعة الأجوبة النافعة عن أسئلة لجنة مسجد إصلاح المساجد من البدع والعوائد حكم تارك الصلاة المسيح الدجال ونزول عيسى التعليقات الرضية على الروضة الندية التعليقات الحسان على صحيح ابن حبان وجوب الأخذ بحديث الآحاد في العقيدة والرد على شبه المخالفين الذب الأحمد عن مسند الإمام أحمد نصب المجانيق لنسف قصة الغرانيق الكسوف صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم لصلاة أحكامُ الركاز أسماءُ الكتب المنسوخة من المكتبة الظاهرية الاعتكافُ الأمثالُ النبوية الآياتُ والأحاديث في ذم البدعة البرهانُ في رد العدوان بينَ يدي التلاوة تخريجُ أحاديث البيوع وآثاره تصحيحُ حديث إفطار الصائم قبل سفره بعد الفجر والردُّ على من ضعفه التصفيةُ والتربية وحاجة المسلمين إليهما خلاصةُ السيرة الدعوة السلفية أهدافها وموقفها من المخالفين لها (الردُّ على رسالة: (إباحة التحلي بالذهب المحل الردُّ على رسالة: (التعقيب الحثيث) ؛ (لعبدالله الهَرَري الحَبَشي) الرد على كتاب ظاهرة الإرجاء لسفر الحوالي الردُّ المفحم على من خالف العلماء وتشدد وتعصب وألزم المرأةَ أنْ تسترَ وجهها وكفيها وأوجب ولم يقنعْ بقولهم إنَّه سنة ومستحب الأحاديث الضعيفة والموضوعة في أمهات الكتب الفقهية أحاديث الإسراء والمعراج الرد على السقاف فيما سوده على دفع شبع التشبيه - رياض الصالحين للإمام النووي رحمه الله – تخريج الزوائد على الموارد - سؤال وجواب حول فقه الواقع – فتوى صحيح الأدب المفرد للبخاري صحيح الترغيب والترهيب للمنذري صحيح الجامع الصغير وزيادته صحيح سنن ابن ماجه صحيح سنن أبي داود صحيح سنن الترمذي صحيح سنن النسائي - صحيح كشف الأستار عن زوائد البزار – للهيثمي صحيح موارد الظمآن صفة صلاة النبي صلى الله عليه وسلم من التكبير إلى التسليم كأنك تراها صفة الفتوى والمفتي والمستفتي للشيخ ابن حمدان الحنبلي تحقيق وتعليق وتخريج صلاة العيدين في المصلى خارج البلد هي السنة صوت العرب تسأل ومحمد ناصر الدين يجيب جريدة صوت العرب 1380هـ ضعيف الأدب المفرد للبخاري ضعيف الترغيب والترهيب للمنذري ضعيف الجامع الصغير ضعيف سنن ابن ماجه ضعيف سنن أبي داود ضعيف سنن الترمذي ضعيف سنن النسائي ضعيف كشف الأستار عن زوائد البزار , للهيثمي ضعيف موارد الظمآن العقيدة الطحاوية شرح وتعليق وتخريج العلم , لابن أبي خيثمة – تحقيق وتخريج غاية المرام في تخريج أحاديث الحلال والحرام للقرضاوي - فتنةُ التكفير – فتوى فتوى في حكم تتبع آثار الأنبياء والصالحين فهرس المخطوطات الحديثية في مكتبة الأوقاف الحلبية فهرس مخطوطات دار الكتب الظاهرية الفهرس المنتخب من مكتبة خزانة ابن يوسف مراكش قاموس البدع كشف النقاب عما في كلمات أبي غدة من الأباطيل والافتراءات مجموع الفتاوى مذكرات الرحلة إلى مصر المستدرك على المعجم المفهرس لألفاظ الحديث معجم الحديث مناسك الحج والعمرة في الكتاب والسنة وآثار السلف منتخبات من فهرس المكتبة البريطانية المنتخب من مخطوطات الحديث في المكتبة الظاهرية منزلة السنة في الإسلام وبيان أنه لا يستغنى عنها بالقرآن نقد كتاب التاج الجامع للأصول النصيحة بالتحذير من تخريب ابن المنان لكتب الأئمة الرجيحة وتضعيفه لمئات الأحاديث الصحيحة وصف الرحلة الأولى للحجاز والرياض مرشداً للجيش السعودي أثناء عودته للمملكة بعد حرب فلسطين عام 1948 اقتضاء العلم العمل للخطيب البغدادي – تحقيق وتخريج iyo kitaabkeenan: تلخيص صفة صلاة النبي صلى الله عليه و سلم Ardaydiisii: Waxaa ka mid ah ardaydiisii Suuriya Dimishiq: Sheekh Xamdi CabdilMajiid as-Salafi Sheekh Cali Khashaan Sheekh Maxamed Ciid Cabbaasi Sheekh Maxamed Ibraahin Shaqra Sheekh Nabiil al-Kayaal Sheekh Maxamed Jamiil Ziinu Waxaa ka mid ah ardaydiisii Urdun Cammaan: Sheekh Cali ina Xassan al-Xalabi al-Athari Sheekh Saliim al-Hilaali Sheekh Mash-huur Xassan reer Salmaan Sheekh Xuseen al-Cuwaysha Sheekh Maxamed Muuse Nasri Sheekh aw Yusri Axmed al-Khashaab Iyo kuwo kale oo fara badan. Ustaadnimadiisii: Wuxuuna ustaaz ka ahaa jaamacadda Islaamka ee Madiina al-Munawara muddo saddax sano ah 1381-83 H. oo ku beegnayd 1961-63 ee miilaadiga, isagoo ka dhigayey maadada cilmiga Xaddiiska. Amaantii ay culimada amaaneen Wuxuu yiri muftigii Sacuudiga ee hore al-Callaama sheekh CabdiCasiis ina Baaz -Eebbe ha u naxariistee-: Ma jiro waqtigan aan joogno qof ka yaqaan sheekh Albaani nolosha nabiga ”cilmiga xadiiska” n.n.k. Waxaa la weydiiyay sheekh ina Baaz xaddiiska Rasuulka Eebbe naxariista Eebbe iyo nabadgelyadiisa korkiisa ha ahaatee: (Eebbe wuxuu u soo saaraa ummaddan boqolkii sannadba qof u soo nooleeya diintooda)). Haddaba waa kuma Mujaddidka qarnigan aan joogno? Wuxuuna yiri sheekh ina Baaz Eebbe ha u naxariistee: (Sheekh Maxamed Naasirud-diin al-Albaani ayaa ah mujaddidka casrigeena sidaan u maleynayo Eebbaana ugu og)). Wuxuu sidoo kale yiri: (Ma garanayo waqtigeena qof nool oo ka cilmi badan sheekh Albaani)). قال العلاّمة عبدالعزيز بن باز المفتي السابق للمملكة

-العربية السعودية -رحمه الله

ما رأيتُ تحت أديم السماء عالماً بالحديث في العصر الحديث

مثل العلاَّمة محمد ناصر الدين الألباني وسُئل الشيخ ابن باز عن حديث رسول الله صلى الله عليه و سلم : إنَّ اللهَ يبعثُ لهذه الأمَّة على رأس كلّ مائة سنة مَن يُجدّد لها دينها. مَن هو مُجدّدُ هذا القرن؟ فقال رحمه الله: ))الشيخ محمد ناصر الدين الألباني هو مُجدّدُ هذا العصر في ظنّي والله أعلم ((. وقال أيضاً: )) لا أعلمُ تحت قُبَّة الفلك في هذا العصر أعلم من الشيخ(( Wuxuuna yiri al-Callaama sheekh Muqbil al-Waadici -Eebbe ha u naxariistee Run ahaantii waxaan kula talinayaa arday kasta oo barta diinta inuu heysto kutubta sheekh Albaani, Eebbaana og inaan soo gato kitaab kasta oo soo baxa oo uu leeyahay sheekh Albaani, si aan uga faaideysano kutubtiisa. -قال العلامة الشيخ مقبل الوادعي -رحمه الله و إني أنصح كل طالب علم بالحرص على اقتناء كتب الشيخ , ويعلم الله أني ما أعلم بكتاب له يخرج إلا وبادرت إلى اقتنائه… .ويعلم اننا لا نزال نزداد علما بسبب كتب الشيخ Wuxuuna yiri sheekh Rabiic al-Madkhali -Eebbe ha dhowree- : Aniga waxay ila tahay xagga akhriska kutubta sheekh Albaani inuu kaga dheereeyo ina Taymiya iyo ina Xajarba. قال العلامة ربيع بن هادي المدخلي حفظه الله أنا أرى في الإطِّلاع أنه ما لحقه لا ابن تيمية و لا ابن حجر .في الاطلاع على الكتب Dardaarankii sheekh Albaani Waxaan u dardaarmayaa in loo hadiyeeyo kutubteyda oo dhan maktabada jaamacadda Islaamka ee Madiina almunawara. Dhimashaddiisii Sheekh Albaani wuxuu dhintey maalin sabti ah bishuna ahayd Jumaadil-aakhira laba iyo labaatankeedii sanadkii 1420 H oo ku beegnayd labadii bishii tobnaad sanadkii 1999 M, waxaana la aasay salaadda cishaha ka dib Eebbe ha u naxariistee. Turjumaha Helsinki jimce 8.7.1429 H. oo ku aaddan 11.7.2008 M. Taariikh nololeedkii Sheekhul-Islaam ina Taymiya Dhalashaddiisii Taqiyuddiin abul Cabaas Axmed ina CabdilXaliim ina CabdiSalaan ina Taymiya oo ahaa reer Xarraani. Wuxuu ku dhashay Xarraan maalin isniin ah tobankii Rabiicul-awal sanadka Hijrigu markuu ahaa 661H. Barbaarkiisii Wuxuu ku koray guri diinta laga barto, oo awoowgiis Abul Barakaat CabdiSalaan wuxuu ahaa sheekhii qoray kitaabka: (المنتقى من أخبار المصطفى صلى الله عليه و سلم), oo wuxuu ka mid ahaa culimadii ugu waaweyneyd mad-habta Xanbaliga, aabihiisna sidoo kale wuxuu ka mid ahaa culimadii isla mad-habta, oo wuxuu ahaa bare iyo mufti, wuxuuna madax ka ahaa rugta xaddiiska Sukariya دار الحديث السكرية tan iyo intii uu ka geeriyoodey. Wuxuu la soo qaxay reerkiisii oo la soo degey Dimishiq Suuriya, ka dib markii Tataarku ay burburiyeen magaaladiisii Xarraan. Wuxuuna kor ka bartey Qur’aanka isaga oo aad u yar, markuu labaatan sano gaaray cilmiga meel sare ayuu ka gaarey, waxaana la sheegaa iney barayaashiisa laba boqol gaarayeen. Barashaddiisii xadiiska Kutubtii uu ka bartey xadiiska nabiga naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee waxaa ka mid ah: مسند الإمام أحمد بن حنبل , الكتب الستة الكبار والأجزاء Iyo معجم الطبراني الكبير. Wuxuu kale oo uu bartey fiqiga, usuulu-fiqiga, tafsiirka iyo naxwaha oo uu ka bartey ina CabdilQawi. Wuxuu bare ka noqdey rugta xadiiska Sukariya markuu jirey labaatan iyo kow sano, kadib markuu aabihii geeriyoodey. Wuxuuna qorey kutubo fara badan oo ay ka mid yihiin: منهاج السنة النبوية , السياسة الشرعية في إصلاح الراعي والرعية Iyo رفع الملام عن الأئمة الأعلام. Manhajkiisii Wuxuu ahaa mid ku dhaqma kitaabka iyo sunnada nabiga n.n.k. sidii uu ku yiri Eebbe kor ahaaye Qur’aanka: Haddii aad isku qabsataan arin u celiya Eebbe iyo Rasuulka haddii aad rumeysan tihiin Eebbe iyo maalinta dambe taas ayaa wanaagsan ahna tafsiir hagaagsan. (فإن تنازعتم في شيء فردوه إلى الله والرسول إن كنتم تؤمنون بالله واليوم الآخر ذلك خير وأحسن تأويلاً) (النســـــــاء : 59) Wuxuuna dadka ugu yeeri jirey iney ku dhaqmaan kitaabka iyo sunnada nabiga n.n.k. Dhimashaddiisii Wuxuu geeriyoodey Eebbe ha u naxariistee habeen isniin ah bishuna ay ahayd labaatankii Dul-qacda sanadka markuu ahaa 728H, isaga oo ku xiran xabsi ku yaala Dimishiq. الحمد لله الذي بنعمته تتم الصالحات Waxaa mahad iska leh Eebbe kaa soo galaddiisu ku dhammaadaan wanaagyaalku

Islām—The Way to God by Submission wax ka badal