isu duwe 27°10′27″N 78°02′32″E

naqashada dhismaha

Taaj maxal (af carabi تاج محل af hindi: ताज महल af ingiriis :  Taj mahal) , waa dhisme la yaab leh, hab dhismeedkiisu wacanyahay, ku yaal Agra oo ka mid ah gobolka Uttar Pradesh ee hindiya, waxaa dhisay boqorkii shah jihaan (1630–1648) ee boqortooyadii maquulka  si uu ugu aaso lafaha xaaskiisii sadexaad markay dhimato Arjumand Banu Begum oo caan ku ah magaca Mumtaz mahal, dhismaha ayuu ugu talo galay inuu ku muujiyo  jacaylka uu uqabay haweentiisa, waxaa dhisay injineer la yiraahdo ciisaa shiiraazi iyo amana allah khaan,  dhinac walbo dhismaha ka mida waxaa ku yaal minaarad isku dheeli tiran joog 37 mitir ah, mid walba waxay leedahay sadex balakoon, qaybta sare ee guriga dhexda waxaa ku yaala qubbada oo ballac 17 mi, dhirir 22.5 m hoosteeda ayaa waxaa ku yaala qabriga boqorada, waxaana u dhow qabriga boqorka, dhismaha ayaa afar irid afarta dhinac ku leh, waliba aad loo qurxiyay korna giraan ka ah naqshadaysa, guriga ayaa aad loogu qurxiyay farshaxanka islaamka, taasoo loo aqoonsaday inuu yahay johoradii islaamka ee hindiya iyo farshaxankii muslimiintii hore,dhismaha ayaa noqday mid ka mida todobada caal waa (mucjiso) ee caalamka

sanadkii 1983 ayaa lagu daray meelaha dhaxalka caalamiga ka mid ee yunesko,

Lo Taj Mahal

dhismaha  wax ka badal

 
taj maxal oo ka muuqda jiinka wabiga yamuna
 
muuqaal galbeedka taj maxal
 
muuqaal xaga masjidka ah
 
hooska taj maxal ee biyaha wabiga

farshaxanka gudaha wax ka badal

 
teed xiga xaga qabriga
 
qabriyada boqork iyo boqorada

Beerta wax ka badal

 
marinada dhinacyada biyaha

beerta ayaa gaaraysa ilaa 300 oo mitir, beerta ayaa algu magacaaba sharbaag ama beertii maquulka, waxaa dhex mara marino biyo iyo barkado iyo geedo aad u qurxoon

dhismaha wax ka badal

 
albaabka weyn ee taaj maxal
 
sawir banaanka masjidka taj maxal
 
gudaha misjidka taj maxal
 
banaanka misaajidka

taarikh  wax ka badal

 
taj maxal sanadkii 1860

dalxiiska wax ka badal

taj maxal ayaa soo jiita dalxiisayaal badan yonesko ayaa sheegtay inay so booqatay in ka badan labo milyan oo dalxiise sanadkii 2007, oo ay ka mid yihiin 200,000 oo dibada ka yimid,

ku dayashada taj maxal wax ka badal

meelo badan oo calamka ah baa looga dayday xag dhismaha tajmaxal sida shiinaha bangaledesh, iyo marykanka,

sawirro wax ka badal

tixraac wax ka badal

  • المصدر: الموسوعة العربية الميسرة، 1965
  • المصدر: موسوعة المورد، منير البعلبكي، 1991

fiiro gaar ah wax ka badal