Soomaaliyeey toosoo
Sidoo kale eeg: Soomaaliya
- Soomaaliyey toosoo,
- Toosoo isku tiirsadaye,
- Hadba kiina taag darane'e!
- Taageera weligiinee hee!
- Qaar baa qabriga galayo,
- Qaar baa bad lagu qabaye,
- Qaar baa qurbaha degayo'o,
- Qaribaaya dhaqankiiye'e!
- Ummadeena kala qubataa,
- Qalbiga uga ooyaayoo'oo,
- Qaxarkiyo dhibta badan baa,
- Quudba qaadan waayee hee hee!
- Soomaaliyey toosoo,
- Toosoo isku tiirsadaye hee,
- Hadba kiina taag darane'e!
- Taageera weligiinee!
- Sida aadmiga kale'e,
- Aayaha ma derisnaaye'e?
- Mise ururo kala raaciyaa!
- Aarsashaan ku maqanahaye'e?
- Qorigiyo qabiil daran baa!
- Qarankeenii baabiiyo'oo!
- Naga dhigay qaxooti baxoo!
- Quudhsadaan aduunyada'e!
- Soomaaliyey toosoo,
- Toosoo isku tiirsadaye,
- Hadba kiina taag darane'e!
- Taageera weligiine'ee!
- Calankeena dahabka'a iyo,
- Ciideena dooga ahee!
- Inagaa dirir ku aaseynoo,
- Is dilnaa ma dowbaa'ee?
- Maalintaan kurbada bi'inee,
- Gobonimo kow nidhiye'e,
- Konton sanee ku buuxdaayoo,
- Mana hadhin haraadkiiye!
- Soomaaliyey toosoo,
- Toosoo isku tiirsadaye,
- Hadba kiina taag darane'e!
- Taageera weligiine'ee!
- Bal hadaaynaan is daba qabanin,
- Waan dabar go'aynaayoo,
- Ummaddoo shisheeyaa baa!
- Carigeena soo dagaye'ee!
- Calanyahow tilmaam wacan baa,
- Midabkaagu taam ku yahoo,
- Xidigtii na tirinaysaa,
- Dhexda kaaga sii taala'e!
- Soomaaliyey toosoo,
- Toosoo isku tiirsadaye,
- Hadba kiina taag darane'e!
- Taageera weligiine'ee!
- Dad walaala aanu nahayo!
- Waa laysku keen diraye'e!
- Nacabkeenii inoo daran baa!
- Dabina inaga'o dhigaye'e!
- Ina dhaaf asaageynoo!
- Inala degan adduunyadu'e,
- Dhimashiyo mid uun nololeed!
- Dhan uun ma isku raacnaaye'e!
- Soomaaliyey toosoo,
- Toosoo isku tiirsadaye,
- Hadba kiina taag darane'e!
- Taageera weligiine'ee!
- Waxa aan la ooyaayoo!
- Ilmadu iga qubaysaa!
- Iqtiyaar nin loo diidoo!
- La adoonsadaan ahaye'e!
- Dumarkiy ocarruurtii baa!
- La dareersanaayaayoo!
- Duniday baryaayaanee!
- Ma dareemin weliye'e!
- Soomaaliyey toosoo,
- Toosoo isku tiirsadaye,
- Hadba kiina taag darane'e!
- Taageera weligiine'ee!