Somtel (Af Ingiriis : Somtel Af Carabi : ar‎), waa shirkad isgaarsiin oo ku taala Somaliland.Waxa ay ka mid tahay shirkadaha ka farcamay Dahabshiil[1]. Shirkadaan waxa ay cagaheeda isku taagtey bishii Maarso 1998.

Somtel
سومتيل
Calaamadda ka muuqata sawirkan waxaa weeye caalamada u gaarka ah ee shirkadda isgaadhsiinta ee Somtel ee kalaarka huruuda ah
Isgaarsiinta
ShirkadaIsgaarsiinta Somaliland
La aasaasay1998
Burco, Somaliland
Xarunta,
Dadka muhiimka ah
Axmed Nuux Siciid Ducaale
AlaabtaGSM Fixline 4G LTE Mobile Money Roaming Voip
Tirada inta ka shaqeeso
inka badan 6000 Aduunka oo dhan
Websitewww.somtelnetwork.net

Adeegyadda Somtel

Shirkadda somtel waa shirkad isticmaasho adeega xadhigla (wireless) ee casriga ah. Shirkadaan waa shirkadii ugu horeeysay ee Soomaaliya ka bilaawdo adeegyada 3G iyo 4G LTE. Shirkadani waxa xaruunteeda ugu ween ku taala wadada madaxtooyada Somaliland ee Hargeysa, Sidoo kale waxaa shirkadan si rasmi ah uga hawl gashaa dhammaan wadanka oo dhan iyadoo xaruumo ku leh dhammaan gobolada dalka oo dhan.

Magac

Ereyga Somtel waxaa laga soo xigtay ereyada Afka Qalaad ku noqonaya "Somali Telecomunication"; taasi oo macnaheedu yahay "Isgaadhsiinta Soomaalida".

Shirkado Shiraako la ah

O3b

Bishii Nofember 2013, shirkada warisgaadhsiita O3b Networks, Ltd. waxay ku dhawaaqdey ineey Somtel wada galeen heshiis ah in O3b keeni doonto adeeg internet oo xawaarihiisu aad u sareeyo, isla markaana kharash badan ugu fadhiyin Somtel.[2]

Google

Tan ilaa horaantii 2012, Somtel waxay heshiis la gashay shirkada Google si ay u isticmaasho adeega e-mailka ee shirkadani.[3] [4]

Moowjadaha

Shirkada Somtel waxay ku shaqeeysa adeegyada kala ah GSM iyo 4G LTE, kuwaasi oo leh awood ka fiican kuwii hore. Intaas waxaa dheer adeegyo kale oo kala ah: 3G 2100, 2G 1800, 900 iyo LTE 800MHz 20 FDD.

Linkiyo banaanka ag


Tixraac

  1. [1][dead link], " Somtel waxay ka mid tahay shirkadaha ka farcama Dahabshiil"
  2. O3b
  3. [2][dead link]
  4. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2013-11-11. Soo qaatay 2016-09-18.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)