Sh.Cali Cumar Cabdi

Culimadii waawaynayd ee Soomaaliya gaar ahaan Somaliland
Dhashay: 1918
Diintiisa: Islaam
Dhalasho: Soomaaliland

SH.CALI CUMAR CABDI شيخ على عمر عبدى waxaa uu ku dhashay deegaanka Bulxaar oo dhanka waqooyi ka xigta magaalada Hargeysa oo markaasi reerkoodu deganaa ku dhawaad sanadkii 1918kii ,halkaasi ayuu ku koray isagoo ka dhashay qoys reer guraa ah intii aanay soo degan tuulada Xagal oo dhanka galbeed kaga dhaw magaalada Hargeysa oo qoysku si rasmi degaan ugu noqday,kadib waxaa uu aaday dhankaa Ethopia oo uu u doontay wax barasho dhinaca diinta halkaasi oo ahayd meesha kaliya ee Culimadu ka soo baran jirtay diinta Islaamka gaar ahaan magaalooyinka Herer,Jigjiga iyo tuulooyinka badan ee ku teedsan deegaanadaasi ,sida uu ka waramay Sh.Cali waxaa dadka diinta baranayaa ku soo barteen duruuf adag maadaama aanay ku lahayn ehel ay la noolaadaan inta ay waxbarashada ku jiraan oo muddo qaadan jirtay.SH.Cali markuu uu soo dhamaystay waxbarashadiisa waxaa uu ku soo noqday magaalada uu u dhashay ee Hargeysa halkaasi oo uu ku noolaa intii dambe kana bilaabay inuu cilmigii uu soo bartay kaga hawl galo maxkamadihii xiligaasi isagoo noqday looyar sharciga ku difaaca danaha dadkii uu wakiilka uga noqday dacwadahooda, waxaa uu noqday looyar caan ka ahaa magaalada Hargeysa ,kadib markii xoriyada la qaatay ee dalka ay ka bilaabmeen nidaamkii xisbiyada Sh.Cali waxaa uu aasaasay oo uu hormood ka noqday xisbigii la odhan jiray Hadhuudhka oo nasiib u yeeshay inuu ka qayb galo doorashooyinkii 19kii. Intaa wixii ka dambeeyay Sh.Cali wuxuu ka furtay magaalada Hargeysa Xafiiska nooca loo yiqaano مادون الشرعي oo hawlaha shareecada sida Meherka, Xaqa Nabarada,arrimaha dhaxalka iwm oo uu ku kala xukumi jiray bulshada ku noolayd magaalada. SH.Cali waxaa uu Noqday Imaamka iyo khadiibka Masjid Jaamacii Hore ee Hargeysa isagoo halkaasina ka akhriyi jiray Tafsiirka Quraanka Kariimka ah oo dad badan ay ka dhigan jireen. Ka dib u xoreyntii dalka markii lagu soo noqday Sh.Cali halkiisii ayuu hawshii uu ummadda u hayay ka sii bilaabay waxaanu noqday Sheekhii ugu horeeyay ee khudbadaha Jimcaha oo Af Carabi lagu Akhriyi jiray isagu Soomaaliyeey oo ka dhigay Af Soomaali sanadkii 1993kii arinkaasi oo ay ka hor yimadeen wadaado yaryar oo aan aqoon badan diinta u lahayn hase yeeshee aakhirkii waxay noqotay in sidii Sh.Cali doonayay uu ku wado oo khudbadii Af Soomali lagu akhriyo si dadku u fahmaan arinka laga hadlayo ee khudbadu ku saabsan tahay. Sh.Cali wuxuu ka mid ahaa odayaashii caanka ka ahaa Magaalada Hargeysa ee dhaqan ahaan iyo diin ahaan iyo tallo ahaanba lagu tixgaliyo waxna laga waydiiyo.