S-Block

S-blockta ku jirta Diiwaanka Curiye waa curiyeyaasha ku jira 2da guruub ee ugu horeeya guruubyada jadwalka Diwaanka Curiye. Kuwaas oo ka bilaabmaya guruubka 1aad iyo guruubka 2aad ee loo kala yaqaano Birta Alkali[1] iyo Birta Alkalineta Dhulka.

S-block curiyeyaasha ku jira waa kuwo intooda badan firfircoon oo leh astaamo iyo calaamado ka duwan dhamaan guruubyada kale ee Diwaanka Curiye.

In kastoo ay ku jiraan khaanado kale, Haydarojiin iyo Hiliyaam waxaa lagu tiriyaa guruubkan s-block.

Dhaqanka iyo astaamaha s-block waxay la xidhiidhaa tirada atomic[2] ee curiyuhu leeyahay, midaas oo sii korodha marka la sii dhexgalo diwaanka curiye. Labada guruub ee s-block waxay leeyihiin tirooyinka atomik ee hoos ku xusan:

Group 1:
Haydarojiin (Z=1), Liithiyaam (Z=3), Sodhiyaam (Z=11), Botashiyaam (Z=19), Rubiidhiyaam (Z=37), Kaasiyaam (Z=55), Faransiyaam (Z=87).
Group 2:
Beriiliyaam (Z=4), Magniisiyaam (Z=12), Kaalshiyaam (Z=20), Istoroontiyaam (Z=38), Baariyaam (Z=56), Raadhiyaam (Z=88).

Xigasho wax ka badal


  1. "Nuqul Archive" (PDF). Waxaa laga kaydiyay the original (PDF) 2013-01-23. Soo qaatay 2014-01-11.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  2. http://periodictable.com/Properties/A/ElectronConfigurationString.sp.html