Reer horogle ( قبيلة هركلي ) waa beel kamid ah beelaha maxamed gorgarte (madhibaan)[1] waxayna degaan ethiopia gaar ahaan gobolada doollo iyo jarar, iyo somaliya siiba mudug iyo nugaal.beeshaan waxaa ka dhashay abwaano, fanaaniin, taariikhyahano, iyo culumo owdiin, Beeshu waxay u kala baxdaaa 7 jifo oo kala ah.

Reer samatar,

Reer geel-doon

reer cigaal

reer liibaan

reer faarax (reer iley)

reer dudub-dheere

Jilibka reer samatar waa jilibka ugu badan beeshaan waana jilibka uu ka dhashay fanaankii waynaa ee faarax guulled samatar faarax golxo, beeshaan waa beelaha kaliya ku tarmay oo deegaan ahaan kasoo jeeda gobolada mudug, nugaal, doollo, iyo jarar, beeshu waxaa jirta deegaan ay si rasmi ah u leedahay oo ay ka tahay majority sida, horogle town iyo balli-khayr jifidaan ayaa ukala baxda. 6 oday oo kala ah

. Reer warsame

. Reer jaaamac ( reer shabeel xiimaa )

. Reer xasan

. Reer guulleed

. Reer malaas

. reer diriye doobi

Jilibka reer liibaan waa curadkii odaygii horogle ahaa waana raas fac weyn oo aad iyo aad u ah asali wuxu ukala baxaa labo jilib oo kala ah.

. Reer barre

. Reer cali

Jilibka reer cigaal asna waa jifida labaad ee ugu badan uguna tunka weyn beelaha horogle ee tubta iyo taariikhda bulshada somaliyeed ku dhex leh, jilibkaan wuxuu si qaas ah u degaa degmada bali khayr ee gobolka nugaal iyo jalam. Waxayna u kala baxaan

.reer diirshe

.reer nuuryare

Jilibka reer geeldoon waa jilibka 3aad ee ugu baaxada weyn reer horogle waxayna qaas u degaan xafada kampaala ee degmada buurtinle, beeshaan waxaa ka dhashay suldaanka guud ee beesha reer horogle, suldaankaas oo mudo fac ka fac ah firsanaya, suldaan maxamuud suldaan colaad suldaan diriye suldaan cadde, beeshaan waxay ukala baxdaa labo,

.reer raadyare

.reer cadde

reer iLey waa beel balaaran oo kamid ah lafaha rer horogle waxayna degaan degmada lagu raqsey ee maamulka galmudug iyo degmada dagaari, beeshaan waxay u badan yihiin culumo iyo ehlu diin, sunni ah.

reer dudub dheere waa jifooyinka ugu faca weyn beesha hase ahatee mahan beel taran badan waxayna degaan xaafada garsoor ee galkacyo gaar ahaan cagaar weyne oo ay abidkood deganaayeen ilaa gumaystihii kala duwanaa iyo dowladihii dalka soo maray.

beesha reer horogle waxay caan ku yihiin dhaqashada xoolaha nool sida geella lo,da iyo ariga, beesha waxay kamid tahay beelihii hawdka deganaa uuna sayidku u gabyi jirey goortii ay xoolaha ka dhaceen sayid, iyaga iyo dad ay xero wadaag ahayeen oo beelaha majeerteen kamid ah, sida reer khalaf iyo reer bicidyahan, beeshu waxay inta badan degtaa, gobolka nugaal oo ay ka degaan deegano badan sida, buurtinle oo ay ka degaan xaafada kampala, golbarwaaqo, godobyar, iyo degmada bali-khayr ee gobolka nugaal, sidoo kale waxay degtaa beeshu gobolka mudug sida horogle town oo loogu magac daray odaygii dhalay 7 jifo, galkacyo xaafada hormar oo ay ayagu leeyihiin, iyo israac laanta 5aad, iyo waliba degmada faca wayn ee xero jaalle, iyo goldogob oo ay xaafad ka degaan, gobolka doollo waxay ku leeyihiin awood iyo tiro qaasatan degmada galladi oo ay deganaan jireen xiliyadii gumaystaha iyo xiliyadii jabhadaha, iyo magalada labile oo ay aas aaseen ayagu lkn maanta looga badan yahay, sidokale beeshaan waxay deganaan jireen degmada malaasle sanadkii 1934 oo ahayd waqtiyadii gumaystihii halkaas oo ay iskaga qaxeen kadib markii ay dileen rag amaan duule iyo cuqaal u ahaa talyaanigii iyo reer yurubkii dadka cumburin jirey, degmada dagaari iyadana way deganayeen iyo bandiiradley, sidookale magalada wardheer way degan yihiin, beeshaan waa beel fac weyn sida magaca aad uga jeedo, degmada malaasle waxaa loogu magac daray oday malaas la oran jirey oo kamid ah jifida reer samatar oo halkaas ayada oo bali ah deganaa ka hor inta aysan colaaduhu dhicin iyo arbushku, malaas hada waa jilib dhan oo kamid ah jilib hoosaadka reer samatar oo ah jifida ugu tunka buuran beesha reer horogle.

  1. Madhibaan