Kani waa maqaal ku saabsan qabiilka guud ahaan. Qoraalkani ma khuseeyo, kamana hadlayo qolo ama qabiil gaar ah.
Bogga beel waxaa laga soo toosiyey halkan.

Qabiil, Qolo (ingiriis: tribe; carabi: قبيلة) sidoo kale loo yaqaano beel waa guuto dad ah oo ay ka dhexeyso dan guud, heyb, magac, dhiig, isir iyo farac raac. Meelaha qaar ereyga "Qabiil" waxaa lagu micneeyaa in uu ka turjumaayo dad wadaaga dan guud, meel wada degan ama fikir iyo siyaasad ka mideeysan. Wadanka Soomaaliya qabiilku micne gaar ah ayuu ku leeyahay. Dadka Soomaalidu waxay u isticmaalaan qabiilka inay isku aqoonsadaan oo heyb iyo isir ahaan isku ogaadaan. In kastoo micnayaal iyo ujeedooyin badan loo isticmaalo qabiilka; tan la isku waafaqsan yahay waa in qabiilku yahay "dad isku isir ah oo wadaaga magac, deegaan, gobol iyo heyb u gaar ah".

Dadka soomaalida oo idil wey isku raacsanyihiin in takoorka lagu sameynayo dadka Madhibaanka/Midgaanka in ay tahay wax ku qaldan dhaqanka iyo diinta oo ma jirto cid difaaceysa ama sharci diini ah iyo mid qaanuuni ah oo qoraya in ay sax tahay takoorka lagu sameynayo dadkaas walaalaha ah balse waa arin u baahan in si wada jir ah loo helo qorshe-qaran oo lagu soo af-jaro heyb-soocan iyo dulmigan soo jiray mudda dheer.