- Qaayib waa deegaan kamid ah deegaanada dhaca koonfur-bari gobolka galgaduud ee dhaca bartamaha soomaaliya.
- Waxay cadaado jirtaa qiyaastii 90km dhinaca koonfur bari ,baxdana waxay jirtaa qiyaas ahaan 30km dhanka koonfureed ,waa deegaan daaqsimeed qani ku ah dhirta nuucyadeeda kala duwan Geed-dheer,Geed-gaab iyo nuuc walba oo ay dhirtu leedahay.
- Deegaanka qaayib wuxuu soo maray marxalado iyo waayo-nololeed oo kala duwan ,waxaana lasheegaa in la aasaasay bartamahii qarnigii 19aad.
- Xilligii dalka uu ka ariminaayey gumeystuhu qaayib waxay ahayd meel ay joogaan waax kamid ah kuwo uqaabilsanaa gobolka galgaduud taasoo oo sababtay in laga dhiso garoon-diyaaradeed, ceel biyood iyo ceelal shidaal.
- Qaayib waa deegaan ay hoos tagaan deegaano badan oo Gobolka galguduud dhaca sida:
- Caliweyd
- Ciinley
- Qalaanqal,
- dhuumoodle
- baalal-dheer
- Dhisaq-shurufle
- God-shillan
- Hamcaduur
- Magyooley
- Jilbisyaale
- Meygaag-gudle iyo deegaano kale oo badan
- Qaayib waxay leedahay qeyraad fara badan oo uga duwan tahay ugana tilmaaman tahay deegaanada kale ,waxayna muhiimada gaar ah uleedahay maamul-goboleedka Galmudug iyo dowlada federaalka soomaaliya.
- Sanadihii dambe qaayib waxay fariisin unoqatay koox diimeedyo inkastoo hadda laga xoreeyey oo kamid tahay deegaanada ay gacanta ku hayaan maamul-goboleedka Galmudug.