Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/7

Ka soo biloow kor: Farasmagaalka Jikaago, Shaleemada Magaalada, Dhismaha "L", Xarunta Badmaaxa, Beerta Millennium, Goob Taariikheed, iyo dhismaha dheer ee Willis Tower

Jikaago (loogu dhawaaqo Listeni/kɑːɡ/ ama /kɔːɡ/) waa caasimada sadexaad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka. Magaalda Jikaago waa deegaanka ugu dadka badan gobolka Illinois iyo deegaanka "Midwest", taas oo leh shacab dhan 2.7 milyan. Dhinaca kale, marka la isku daro magaalada Chicago iyo nawaaxigeeda, taasi oo loo yaqaano "Chicagoland", waa deegaanka sadexaad ee ugu wayn wadanka Maraykanka, waxaana degan dad ka badan 10 milyan. Shikaago waxaa la aasaasay sanadkii 1837kii, laakiin waxay aad u kortay horaantii qarnigii 19aad. Horumarka iyo koritaanka magaalada waxaa aad uga qeyb qaatey harta Great Lake iyo webiga Mississipi. Shikaago waa fadhiga dowlada "Cook County" ee ugu weyn gobolka Illinois. Maanta magaalada Shikaago waa xarun weyn oo ganacsi, dhaqaale, warshado, shirkado, teknoolojiyad, isgaadhsiin, iyo gaadiid; waxayna leedahay Gegada diyaaradaha O'Hare ee caalamiga ah (" O'Hare International Airport") kaasi oo ah gegada diyaarada ugu weyn ee caalamka oo dhan. Sidoo kale, caasimada Shikaago waxaa ku yaala wadooyinka (highways) iyo wado-tareenka (railroads) ugu waaweyn wadanka Maraykanka. Sanadkiii 2014ka waxaa loo aqoonsaday magaaladan ineey tahay caasimada 14aad ee ugu weyn caalamka, tan 7aad ee ugu dhaqaalaha badan, iyo tan sadexaad ee ugu lacagta badan wadanka Maraykanka ayada oo heeysata ama maamusha lacag dhan 571 bilyan dollar.