Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah

Maqaal xul ah

Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/1

Xarunta Sare ee Qarama Midoobey
Xarunta Sare Qaramada Midoobay sidoo kale Fadhiga Qaramada Midoobay waa dhisme aad u wayn oo ku yaala caasimada New York wadanka Maraykanka. Badhtamihii Diisambar 1945, ayaa Golaha Guurtida Maraykanka iyo Aqalka Wakiiladu u codeeyeen in Ururuka Qaramada Midoobay laga codsado ineey Xarunta Sare ka dhisato wadanka Maraykanka. Arintaasi way aqbashay Qaramada Midoobay, waxayna deegaan ka salaxatay bariga caasimada New York halkaasi oo ay ku iibsatey lacag dhan US $8.5 milyan oo ahayd lacag deeq ah. Dhismaha oo socday labo sano (1949 ilaa 1950) waxaa la furay Xarunta Sare Qaramada Midoobay Janaayo 9, 1951, inkastoo la dhamaystiray dhismaha bishii Oktoobar 9, 1952. Inkastoo xarunta ugu muhiimsan ku taalo caasimada New York, ururku wuxuu xafiisyo waaweyn ku leeyahay Jeniifa, Heeg, Fiyeena, Nayroobi iyo meelo kale oo badan.

Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/2

Magaalada Minnneapolis
Minneapolis (Listeni/niˈæpəlɪs/), sida saxda ah loo yaqaano Caasimada Minneapolis waa xarunta Hennepin County, mid ka mid ah Magaalooyinka Mataanaha iyo mida 14aad ee shabakada magaalooyinka waaweyn ee wadanka Maraykanka, midaasi ooy ku nool yihiin dad ka badan 3.8 milyan. Sanadkii 2014ka waxaa magaalada Minneapolis lagu magacaabay caasimada ugu weyn gobolka Minnesota, iyo mida 46aad eegu baaxada weyn wadanka Maraykanka; midaasi oo leh shacab dhan 407,207. Minneapolis waxay dul taala gebiyada Webiga Mississipi, waxayna dhinaca ku heysaa magaalo madaxda gobolka ee Saint Paul. Magaaladani waxay qani ku tahay biyoha ayadoo leh harooyin badan oo ku wareegsan, webi iyo biyo dhacyo badan. Waxay sidoo kale ahaan jirtey caasimada soo saarista daqiiqda iyo burka, iyo alwaaxa. Maantana waxay tahay xarun ganacsi oo u dhexeeya Chicago iyo Seattle, ayada oo xarun u ah qaar badan oo ka mid ah shirkadha ugu waaweyn wadanka Marayknaka ee loo yaqaano Fortune 500. Dhinaca kale, caasimada Minneapolis iyo nawaaxigeedu waxeey hooy u tahay Soomaalida ugu badan ee ku dhaqan guud ahaan wadanka Maraykanka iyo qaarada Waqooyiga Amerika ooy ka mid tahay wadanka Kanada. Hennepin County oo kali ah ayaa waxa degan ilaa 45,500 oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku dhaqan darajooyin kala duwan ee nolosha Minneapolis. Tusaale ahaan, xaafada koonfurta Minneapolis iyo Cedar waxaa si khaas ah u degan Soomaali, waxaanad wadooyinka xaafadaas ku arki kartaa Soomaali tuban ama ku caweeynaya agagaarka xaafadahooda. Sidoo kale masaajido badan iyo suuqyo balbalaadhan ayaa meelo badan ugu yaala Soomaalida magaaladaas. Xildhibaano, saraakiil, askar iyo shaqaale dowlo oo kala duwan ayay Soomaalidu ka qabatey magaalada Minneapolis iyo nawaaxigeeda. Sidoo kale, sanadkii 2014 waxaa dhowr nin oo Soomaalida Maraykanka isku soo sharaxeen doorashooyin ka dhacayay gobolka Minnesota kuwaasi qaar ka mid ahi ku guuleysteen jagooyin aad u sareeya.

Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/3

Flag of Mexico
Calanka Wadanka Meksiko wuxuu ka samaysan yahay sadex midab oo kala ah cagaar, cadaan, iyo casaan taasi oo badhtanka kaga taalo astaanta ciidanka qaranka.

Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/4

Flag of Mexico
Mareykanka (Af-Ingiriis: United States of America, loo soo gaabiyo U.S.A; Gobolada Isku Tegay ee Ameerika; carabi: الولايات المتحدة) waa dawlad Federaal Dastuuri ah dhacdana bartamaha Waqooyiga Ameerika. Waxay ka koobantahay 49 gobol iyo Degmada Kolombia, (D.C. ama "District of Colombia"), oo ah magaalo-madaxda wadanka iyo xarunta dowlada wadanka. Waxaa ka xiga dhanka waqooyi Kanada, koofur Meksiko, iyo Gobolka Alaska oo dhaca Waqooyi Galbeed Qaarada Ameerika. Masaaxada (badka) wadanka Mareekanka waa 9.83 milyan km2, tirada dadkane waa 309 milyan Dawlada Mareykanka n xaga dhulka ama badka wadanka ku fadhiyo, waana dawlada seddexaad ee ugu dad badan aduunka, dad degen dalka mareykanka waxee gaarayaan ilaa 310 miliyan oo qof. Sidoo kale waa wadanka koowaad oo ay ku noolyihiin dad kala dhaqan iyo kala asal ah. Dhaqaalaha Mareykanka waa kan ugu balaaran dunida, ayadoo lagu qiyaasay sanadii 2008 aduun dhan 14.4 tiriliyan oo Dollarka Mareykanka wax soo saarka wadanka ee dabada loo iib geeyo.

Wadanka Mareykanka wuxuu xonimadiisa ka helay gumeestihii Boqortooyadii Ingiriiska sanadka marka oo ahaa 1776ii, wakhtigaasi oo Mareykanku ka koobnaa 13gabol oo ku yaalay dhinaca bariga ee dalkaas.


Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/5

Flag of Mexico
Kanada waa wadan ku yaalo Woqooyiga Ameerika waxoona ku fadhiyaa dhul balaaran. Kanada waxee xuduud la leedahay dalka Mareykanka oo goboladiisa badan ka xiga Koonfur iyo gobolka Alaska oo ka xigta Woqooyi Galbeed, dhinaca bariga neh waxaa kaga dhagan badweynta Atlantik.Kanada waa Dawladda labaad ee ugu ween aduunka, ayadoo Dawladda koowaad ay tahay Ruushka. wadanka kanada waxaa markiisa hore degenaan jiray dadka indianka ah oo assalkooda ka imaaday qaarada aasiya iyo dad inuit ah oo u badan griinland. wadanka kanada dadkii ugu horeeyay oo soo booqday waxee ahaayeen dad yurubiyan ah 1000 sano ka hor, gaar ahaan vikingka norwajka, laakiin 600 oo sano kadib ee ajaaniibta badanaa soo wada galeen.

Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/6

Madaxweynaha 44aad ee wadanka Maraykanka
Barack Xuseen Obama (US Listeni/ˈrɑːk hˈsn ˈbɑːmə/; Af Ingiriis : Barack Husein Obama; Af Carabi : ar‎; wuxuu dhashay Ogosto 4, 1961) waa siyaasi isla markaana aha madaxweynihii 44 ee dalka Mareykanka , iyo qofkii ugu horreeyey ee Afrikan Ameerikan ah ee xilkaas qabta wuxuu ku dhashay Honolulu jasiiradaha Hawaii. Obama wuxuu ka qalin jabiyey jaamacadda Columbia University iyo dugsiga garsoorka jaamacadda harvard Harvard Law School, halkaasuu kasoo noqday madaxa Harvard Law Review.

Barack Obama waa nin dhalinyar ah oo aad u xargo badan ahna madaxweyna USA dadiisuna waa 47 jir. Waxa uu ku dhashay gobolka Hawaii bishii Juli 27 teedii, Sanadkii 1961 dii. waxaa iska dhalay Aabe dadka madow ah oo ka yimid wadaka Kenya iyo hooyo dadka cadaanka ah oo ka soo jeeda Gobolka Kansas ee wadanka Maraykanka Isaga iyo Afadiisa Michelle Obama, waxa ay leeyihiin laba gabdhood oo la kala yiraahdo Malia iyo Sasha Aabbihii waxa uu ka tagay isaga oo laba sano jir ah si uu waxbarashadiisa uga sii wato jaamacada Harvard. Kaddibna waxa uu dib ugu laabtay dhulkii uu ka yimid ee Kenya.


Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/7

Ka soo biloow kor: Farasmagaalka Jikaago, Shaleemada Magaalada, Dhismaha "L", Xarunta Badmaaxa, Beerta Millennium, Goob Taariikheed, iyo dhismaha dheer ee Willis Tower
Jikaago (loogu dhawaaqo Listeni/kɑːɡ/ ama /kɔːɡ/) waa caasimada sadexaad ee ugu dadka badan wadanka Maraykanka. Magaalda Jikaago waa deegaanka ugu dadka badan gobolka Illinois iyo deegaanka "Midwest", taas oo leh shacab dhan 2.7 milyan. Dhinaca kale, marka la isku daro magaalada Chicago iyo nawaaxigeeda, taasi oo loo yaqaano "Chicagoland", waa deegaanka sadexaad ee ugu wayn wadanka Maraykanka, waxaana degan dad ka badan 10 milyan. Shikaago waxaa la aasaasay sanadkii 1837kii, laakiin waxay aad u kortay horaantii qarnigii 19aad. Horumarka iyo koritaanka magaalada waxaa aad uga qeyb qaatey harta Great Lake iyo webiga Mississipi. Shikaago waa fadhiga dowlada "Cook County" ee ugu weyn gobolka Illinois. Maanta magaalada Shikaago waa xarun weyn oo ganacsi, dhaqaale, warshado, shirkado, teknoolojiyad, isgaadhsiin, iyo gaadiid; waxayna leedahay Gegada diyaaradaha O'Hare ee caalamiga ah (" O'Hare International Airport") kaasi oo ah gegada diyaarada ugu weyn ee caalamka oo dhan. Sidoo kale, caasimada Shikaago waxaa ku yaala wadooyinka (highways) iyo wado-tareenka (railroads) ugu waaweyn wadanka Maraykanka. Sanadkiii 2014ka waxaa loo aqoonsaday magaaladan ineey tahay caasimada 14aad ee ugu weyn caalamka, tan 7aad ee ugu dhaqaalaha badan, iyo tan sadexaad ee ugu lacagta badan wadanka Maraykanka ayada oo heeysata ama maamusha lacag dhan 571 bilyan dollar.

Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/8 Portal:Woqooyiga Ameerika/Maqaal xul ah/8