Calanka Somaliland
Calanka Somaliland
Astaanta Ciidanka Somaliland
Astaanta Ciidanka Somaliland
Meesha dhacdo

Somaliland (Af Carabi : ar‎) sida dowliga ah loo yaqaano Jamhuuriyada Somaliland, waa dowlad iskeed isugu dhawaaqday madaxbanaanid oo caalamka u aqoonsan ismaamul goboleed ka mid ah Soomaaliya. Somaliland waxee ku taala Geeska Afrika, waxay xad la leedahay Jabuuti, Itoobiya iyo Puntland. Somaliland waxey kamid tahay dhulkii soomaalida ee Ingiriisku gumaysan jirey. Waxeyna xornimadda qaadatey Juun 26 1960 afar maalmood ka dibna waxay la midowday Soomaliya inteeda kale oo Talyaanigu guumeysan jiray. magaalada caasimada wa Hargaysa oo ah caasimadda labaad ee Soomaaliya. Cabdiraxmaan Axmed Cali Tuur oo ahaan jirey hogaamiyihii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Wadaniga Somaliyeed SNM, ayaa loo doortay inuu noqdo madaxweynahii ugu horeeyay ee maamulka Somaliland. Waxaa ku xigey Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaaloo noqdey Madaxweynihii Labaad ee Somaliland, waxaana ka danbeeyay Daahir Rayaale Kaahin. Kahina waxa ku xigay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo). Madaxweynaha maanta waa Muuse Biixi Cabdi. Somaliland waxaa ka jira saddex xisbi siyaasadeed oo kala ah Kulmiye, Wadani iyo UCID.