Portal:Qowmiyadda Soomaalida/Oraah xul ah/1

Soomaaloo is cunaysa oo Isa seegan dhamaanoo Saqda qaylo dhawaaqdiyo Sulub laysku Cabaystiyo Hadba soof la xanbaariyo Sareecyo dami waydiyo Kii laydhiisu na saaqdaye Kii safeeyey qabaa-ile Saf walaalo ka yeelayoow Saaxirkii Kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar

Nimankii na siraayeye Waax-waax noo kala saaftaye Solonaayey cadkeena Inagoo dhexda suunku Sabarkeena qarqooray Kii sadkeena cunaayey Sarartiisa ka muuqdaye Surwaalkii ka yaraadaye daaro loo sibidheeyiyo Sariiraha lagu seexdiyo Kabadh suuf laga buuxshiyo Mid baabuurka safeeyiyo sagaal booyd iyo kuug iyo Aayad saarta caruurtiyo Waliba seeska uu lahaa Sabanka uu labayoow Saaxirkii kala guurnaye Sareeyow ma nusqaamoow Aan siduu yahay eego ee Kaana Siib Kanna Saar

Sawjada qofka qaataye Intuu soodhka ka taagay Uu diyaarad Salaantiyo Saraakiisha amraysa Sifiihii isticmaarka ka siyaadiya maanta Sibilkeenan agjoogoow Sibirtiisa istaaga Ninwalbaa sigib beelo Sare u taaga gacmahoo Sacabka isu garaaca oo Nin walbaa sadex goor Subxaanoow waa mahaa dheh. [1]

Abwan Timo Cade


  1. Buugga taariikhda Soomaaliya. Bogga. 107.