Qoraxda iyo meereyaasha ku wareega

Qorax sidoo kale loo yaqaano Cadceed, waa shey wayn oo ka samaysan neefo ololaya. Sidoo kale qoraxdu waa Xidigta aya nolosha aduunku ku tiirsan tahay. Iyada iyo mereereyaasha waxaa la isku yidhaahdaa Bahda Midaysay Qoraxdu. Aduunka iyo mereereyaasha kale waxeey ku wareegtaan Qoraxda, waxeena la wareegtaan waxyaabo baraf ah iyo boorka hawada, ayaga oo 99,8% buuxiya weeninka iskujoogga qoraxda. Qoraxda waxee keentaa awood (Enargy), gaar ahaan ileys, taasi oo ugu wacan Nolosha aduunka oo dhan. Qoraxda waxee xakuntaa xaraaradaha aduunka iyo jawiga, waxeena u dhigantahay 1/3 Waqtiga Biyaha badtaan dhinaca badda, inta kale waxaa xakumo Bisha.

Qoraxda waxee ka koobantahay Dab ama (Hydrogen) taas oo daboosha 92% qoraxda oo dhan. Midabka qoraxda waa Cadaan, sababtoo ah, kuleelka qoraxda waxoo gaaraa 5.515 garaado. laakiin markii aduunka laga fiiriyo waa jaale, sababtoo ah, aduunka waxaa ku daboolan waxyaabo oo Dabeesha ama duufaanta qoraxda celiyo, taas ayaa midabka bedelaysa. Marka ee qoraxda dheceeso, Cirka waxaa lagu arkaa ayada oo oranji ama gaduud ah.