Silsilada Buuraha Oogo sidoo kale loo yaqaano Buuroleyda Galgodon, waa deegaan buuroley ah oo dhaca Waqooyiga Soomaaliya. Silsilada buurahan waxay dhex maraan gobolada Sanaag iyo Togdheer; kuwaasi oo meesha ugu dheer gaadhayso ilaa 2,450 mitir (8,038 ft). Intaas waxaa dheer, guud ahaan juquraafiga deegaanka silsiladani dhexqaado waa mid qalalan oo u dhow lamadegaan la mood. Silsilada buuraha Oogo waa kuwo dhaca deegaan joogiisu sareeyo kaasi oo ku kooban waqooyiga wadanka Soomaaliya. Deegaankani wuxuu leeyahay cimilada deegaanada jooga sare leh ee Aasiya oo kale. Waxaa deegaankan aad ugu qaab dhow yahay Lamadegaan la mood.