Mahatama Gandi

Mohandas Karamchand Gandhi (/ndi ˈɡæn-/; Af-Hindi: [ˈmoːɦənd̪aːs ˈkərəmtʃənd̪ ˈɡaːnd̪ʱi] ( dhageeyso); 2 Oktoober 1869 – 30 January 1948) wuxuu ahaa hogaamiye xisbi u dhaqdhaqaaqa xoriyada iyo madaxbanaanida wadanka Hindiya. Karmishaan Gandi oo lagu naanayso mahatma gandi (oo ay macneheedu tahay kii naftiisu aadka u waynayd am naftiisu muqadaska hayd)waxa uu dhashay (2 oktoobar 1869-30 janaayo 1948.)

waa aabaha hindiyada iminka jirta waxa uu ku dhashay halka lagu magacaaboboorbandar.oo katirsan gobolka.gojaraat.waxa uu ka dhashay caailad Siyaasadda lug aad u dheer kulahayd xiligaas.halkaas oo awoowgii kasoo shaqeeyay aabihiina uga danbeeyay raisal wasaaraha meesha uu ku dhasahy ee.boor bandar oo ah ama ahyd xiligaasi imaarad madax banaan.waxa kale oo ay lahayd caailada gaandi ganacsi aad u balaadhan oo macruuf ahaa xiligaas.waxa uu guursaday markii uu cimrigiisu ahaa 13 sano kaliya.waxaanuu dhalay afar caruura. gaandi waxa uu u safray wadanka ingiriiska sanadii 1882 si uu usoobarto qaanuunka.bilihii hore ee uu landhay ku qaatay waxa uu soomaray xaalad aad u adag. gaandi waxa uu markii uu gaadhay landan isku dayay sidii uu ula qabsan lahaa ingiriiska am uu u noqonlahaa nin ingiriisa laakiin taasi uma suurto galin oo way ku adkaatay waanuu laqabsan waayay. kadib wacxa uu ogaaday in aanay kahoray in uu siadag oo dhibleh u shaeeyo mooyee waxkale.gaar ahaan xaaladiisa dhaqaale oo xumaatay kadib markii uu gaadhay london. waxa uu bilaabay in uu qaanuunka barto.oo uu u turjunto qoraalada si deeqaysa ma ku haboon caqliga shacabkiisa. kadib waxa bilaabantay in qofnimada gandi ay soo shaacbaxdo. gaandi waxa uu hindiya ku noqday sanadii.1890. kadib markii uu helay shahaado jaamacdeed u ogolaanaysa in uu ku shaqaysto looyarnimo.lakiinwaxa lasoo gudboonaaday dhibaatooyin aad u farabadan oo kabilaabmatay dhimashada hooyadii.iyo isaga oo ogaaday in looyarnimadu ay tahay dariiqo aan isaga guul u keenayan.kadib gandi waxa uu u safray wadanka koonfur afrika.oo ay markaas ka jirtay midab kalsooc aad u xumi. Gaandhi waxa uu aasaasay waxa maanta loo yaqaano iska caabinta ama muqaawmada.nabadaysan ee aan rabshadaha lahayn.amaba waxa looyaqaano (sanyaraha) oo ah guruub mabdayo ah oo ku dhisan aasas dhaqaale iyo mid diimeed iyo mid siyaasadeed oo markeliya isla jaan qaada.gogol dhigna waxa u ah geesinimo adkaysi iyo rabshad la aan.waxaanay hadaf ka dhiganaysay fakradaa gaandi burinta isticmaarka iyo guuldarao gaadhsiinta qabsadayaasha iyo waliba sidii dareenka dadka reer hindiya loo kicinlahaa.