Portal Baayooloji ama Bayoloji
Biologia علم الأحياء Biology

Gadaal | Horay

Hiddaha iyo Dhaqanka Sooyaal Juqraafi Taariikh Xisaab Saynis Bulsho Farsamo Falsafad Diimaha Tusmo Cunto

Portal Baayooloji

Baayooloji waa cilmiga barashada noolaha, baayooloji waxa uu ka yimid kalmada giriiga ah ee macnaheegu yahay "bios" nolol iyo "logos" hadal ama barasho. Cilmiga bayoolojigu waxa uu ka mid yahay cilmiyada ugu balaadhan ee la barto. Bayoolojiga waxa loo qaybin karaa laba dhir iyo xayawaan iyada oo loo eegayo habka cunto samaysiga ee uu leeyahay nooluhu ama waxa loo qaybin karaa hal unugle iyo unugyo badane iyada oo loo eegayo tirada unugyada ee uu leeyahay. unug waa halbeega shaqo iyo dhisme ee ugu yar ee uu leeyahay noole. unugyada ay leeyihiin noolayaashu waxay u qaybsamaan laba kuwa dhamaystiran iyo kuwa dhiman oo aan dhamays tirnayn. sidoo kale cilmiga bayloojigu waxa uu ku shaqo leeyahay barashada meesha uu ku noolyahay noole.

(Nadiifinta Serverka waxa ku qarsoomay)

Maqaal xul ah

Ganac waa qanjir weyn oo bogga hoostiisa ku yaala. Ganacu wuxuu soo saaraa saddex dheecaan oo dhiiga lagu daayo(endocrine part) oo kala ah : insolin , glucagon iyo somatostatin. waxu kalu soo daaya dhecano kale oo lagu daayo xiidmaha (exocrine part). Insolin-ta waa hormoon ama dheecaan waxaana soo saara unugyada "beeta" oo ka mid ah kuwa ganacu ka samaysan yahay. Insoliinta shaqadeedu waa burburinta sonkorta (glucose). dheecaankan marka uu ganacu soo saaro si toos ah ayaa loogu daraa dhiigga. Wixii glucose (sonkor) ahaa ee dhiigga la socdey ayuu u sahlaa iney galaan unugyada gudohooda si loo burburiyo. Xuubka unugga ayey glucoskii ka dustaa oo gudaha unugga ayey sonkortii gashaa. meeshaas iney gashona waxaa sahley insoliiinta. Insoliinta laáanteed ma suurtoobeyso iney unugyadu qaataan sonkorta dhiigga dhex wareegeysa. Insolintu waa hormoon ka dhisan 51 amino-asiidh. Waa hormoon uu ganacu soo saaro. Waa hormoon ama dheecaan ku lid ah insolinta. Dheecaankan shaqadiisu wxey ku lid tahay shaqada insoliinta. Labadan dheecaanba si toos ah ayaa dhiiga loogu daraa.

Kaydka... Aqri dheeraad...

Aqoonyahan

Ibn al-Nafiis waa (أبو الحسن علاء الدين علي بن أبي الحرم القَرشي الدمشقي) waxa uu ahaa dhakhtar carbeed waxa uu dhashay sanadii 1210 waxa uu ku dhashay magaalada dimishiq waana mid kamida culimada culuumta ee caalamka soo martay gaar ahaan baadhistii wareega dhiiga waana kii ugu horeeyay ee ogaaday wareega dhiiga 1288

Kaydka... Aqri dheeraad...

Ubaxa iyo dhirta

Ma Ogtahay ?

Mashaariic wiki


Ku saabsan Baayooloji

Portal Bah wadaah