Huryo (shimbir)

(Waxaa laga soo toosiyay Oxpecker)

Hurduo ingiriis oxpeckers waa jaad ka mida shimbiraha hilibka cuna oo ku abtirsada bada Buphagidae

huryada ayaa Shilinta ka gurata  xoolaha, haddii ay dhaawac yihiinna waa ka danqisaa.

Tilmaan wax ka badal

Huryo waa shimbir midab dambas iyo kafee dansan isugu jira le, way af dhuubantahay fiidda hore waa casaan dhiig la moodo, qaybta dhexe ee afkana waa jaalle,  indheheedu waa casaan iyana birta ishuna waa madow.

Quudka wax ka badal

 
Huryo oo dul saaran nooc ka mida biciidka
 

waxay quudataa shilinta xoolaha saaran, mar marna nabarrada xoolaha ayay ka dhiijisaa. Waxa ku qoran 'Shimbiraha noocaan ah waxay u qaraab tagaan oogada geela iyo lo'da, iyagoo dhinac kasta kaga dega ayey sida quutaanquutadu ay jirridda geedka u garaacdo u garaacaan neefka. Iyagoo goobaya shilinta ayey weerar ku qaadaan noolahaas afr-addinlaha ah, mararna boogaha ayey sii danqiyaan, si aaney u bogsan. Waxa ay kaga degaan neefka meel kasta sida madaxa, lugta iyo meel kasta oo jirkooda ka mid ah. Marna waxan arkay shimbir kuwaas ka mid ah oo dhegaha neefka baareysa kalana soo baxaysa cayayaan ay dhegaha hasha ama saca ka dhex heshay, xooluhuna raalli bey ka yihiin dhaqankaas oo wax diidmo ah ma muujiyaan.. Si kedis ah ayaa raxantu inta duusho muddo gaaban ku soo noqotaa oo dib u bilaabaan hawlgalkii mar kale."