Nashiido Ereygaan oo asalkiisa uu Carabi yahay ayaa micnahiisu yahay in codka kor loo qaado iyadoo lagu qurxinaayo gabay,waxeyna caan ku tahay Nashiidada muusik la'aan.

Nashiido waxay door weyn ka ciyaartay Dhaqanka Umadaha Islaamka, waxaana loo adeegsadaa qaabab kala duwan, iyadoo laga dhowrayo waxyaabaha fisqiga ah ee Muusigga Gaalada looga daydo.

Nashiidadu waxay leedahay shuruudo, qofka qaadayana ay tahay inuu shuruudahaasi ka soo baxo, waxaana kamid ah:-

1-In Nashiidadu aysan u ekaanin sida Heesaha dadka halleysan ay ku heesaan.

2-Haddii Nashiidadu ay qaadeyso haweeneey, ragga uma banaana inay dhageystaan sida ilaahey qur'aankiisa uu ku yiri (ولا تخضعن بالقول )

3-Nashiidadu waa inay noqotaa gabay wanaagsan, kana maran yihiin erayada jaceylka iyo haasaawaha ee ragga iyo dumarka ka dhaxeeya.