Nabad
Nabad (Af Ingiriis : peace; Af carabi: سلام) waa xiliga xasiloonida iyo degenaashaha, ereyga NABADA waa af-garad ka soo horjeeda Dagaalka iyo qarbudaada ka dhex aloosma qowmiyadaha, ama dabaqadaha bulshada, ama dowladaha tartamaya, sooyaalka waxaa ka muuqanaya in badanka aadanuhu u janjeeraan dhinaca nabada, iyo ka talinta xasiloonida, iyagoo dejinaya booskii xasilooni darida iyo qalaanqalka dagaalka, sida la wada ogyahay nabadu waa tan joogtada ahaata waqti dheerna jirta, nabada ayaa waxaa la socda horumar iyo koboc dhinac walba taabanaya, dagaalka iyo dhibta ayaa lid ku ah marwalba xasiloonida ka dhalata nabada kiiyoo aan la jaan qaadi karin horumarka iyo ilbaxnimada.
Nabada wanaageeda qaalinimadeed iyo lama huraanimada ay u tahay bulshada, maadiga ruuxda iyo guud ahaan nolosha ma garan karo qof aan u soo joogin balaayada dagaalka iyo dhibta uu leeyahay. nabada iyo amaanka ayaa aasaas lama huraan iyo shardi u ah ah horumarka , koboca iyo ilbaxnimada oo dhan.
soomaalida oo ah dad nabada iyo dagaalka labadaba yaqaan ayaan la soo koobi karin murtida ay ka sameeyeen nabada waxaa ka mida
maahmaahyaha soomaalida
- Nabad la'aani waa nolol la'aan.
- Adoo nabad u balawaara, beloy kaalay lama yaraa
- Nabad baa naas la nuugo leh
Tix baa ahayd
Haddan dunida nabad iyo
Daganaansho lagu ladin
Fooqyada daruuraha
La darsayba daayoo
Dabaq lama dhiseenbee
In ammaanku daawiyo
Dabiib iyo wanaag yahay
Inu doogta biiyuu
Dakharada bogsiiyuu
Dabayl caafimaad yahay
Dareenkeedu dhaadyoo
Diritii sokeeyiyo
Xiligii dagaaladu
Dalkan ay ka dhacayeen
Darxumaynu aragnoo
Dacas baan la kulanee
Diihaalki wuxu ba’ay
Dooyaysi goortii
Dood loo fadhiistee
Xasilooni daa’ima
Idinka Alle dabadii
Lagu duugay qalinkee
Dabbaabaad la hiifee
Dagta qori sudhnaan jiray
Dawlada lagu wareejee[1]
Nabada ayaa aduunka laga wada ogyahay waxa ay gasho iyo waxa ay gudo labadaba, nolosha la noolyahayba waa nabada iyo naxariista, la'aanteedna waa colaad iyo col u joog.
Islaamka iyo NabadaEdit
Islaamka ayaa ah diinta nabada isa saamixida, jacaylka iyo barwaaqada, iskaba daaye magaca islaam ayaa ah nabad.
Allaah magacyadiisa waxaa ka mid ah Alsalaam oo ah nabadeeye هو الله الذي لا إله) إلا هو الملك القدوس السلام )
meelka kale alle sw wuxuu ku amray in nabad galyada la soo galo oo ah islaamka (يا أيها الذين آمنوا ادخلوا في السِّلْمِ كافةً ، و لا تتبعوا خطوات الشيطان إنه لكم عدوٌ مبين )
islaamka taariikhdiisa qofkii akhriya wuxuu arkayaa in islaamku nabad iyo xasilooni keenay goor aduunku uu bohol ku sii dhacay gaar ahaan qowmiyadii carabta, waxaa jiray dagaalo boqolaal sano socday, waa tuu islaamku heshiisiiyay qabiilooyinkii carabta oo dhan gaar ahaan Aws iyo Khasraj oo wada deganaa magaalada Madiina dagaalkooduna socday 120 sano, islaamka ayaa mideeyay carab iyo cajam, wuxuu hal dowlad ka dhigay carab , furus, roomaan iyo afrikaan hal diinna isugu keenay, nabiga scw ayaa laga wariyay inuu yiri «كُلُّكم لآدمَ، وآدم من ترابٍ، لا فضلَ لعربيٍّ على أَعْجَمِيٍّ إلا بالتقوى» dhamaatiin aadan baad ka timaadeen, aadanna carada ayaa laga abuuray, carabi kama fadli badna cajami dhowrsananta iyo alle ka cabsiga mooyee, Xadiiskaas ayaa waxaa laga fahmayaa in meel lagu tuuray waxyaabaha dadka isku dira oo colaada keena, sida kala duwanaashaha qowmiyadaha midabka iyo dhaqaalaha,
Islaamka ayaa la yimid adaabta nabada sida balan oofinta, run sheegida, u doorida, la dagaalanka dulmiga, doorashada nabada wixii daruuri maahee , iyo oogida cadaalada[2]
Islaamka ayaa nabad siiyay dadka diimaha kale wata markii ay hoos yimaadaan islaamka sida taarikhda ku qoran, yuhuud nasaaro waxaa loo ogolaan jiray inay diintooda ku dhaqmaan khamradooda cabaan xukunadooda isku fuliyaan, hadii khamro laga daadiyo xitaa waa loo gudi jiray, markay cadaalada islaamka arkaan iyagaa soo gali jiray diinta nabad ee islaamka.[3]
sidoo kale eegEdit
midnimada