Naadiyaasha Qaranka ee Kubadda Cagta

Naadiyaasha Qaranka ee Kubbada Cagta

Hordhac wax ka badal

Naadiyaasha Qaranka Soomaaliyeed ee Kubbada Cagta waxay ka koobanyihiin 10 naadi oo dhamaantood caasimada Xamar ama Muqdisho ay hoy u aheyd.

Taariikh wax ka badal

Naadiyaasha Qaranka Soomaaliyeed ee Kubbada Cagta waxaa ay kooxdii ugu horeysay ciyaartey iyada oo magac iyo maaliyad naadi sitada sanadkii 1957.

Naadiyaasha oo saldhigoodu ahaa Muqdisho waxaa ay inta badan mataleyeen hogaan ama urur jira sida ciidanka xooga, ciidanka amaanka ama booliska; tusaale Naa1979n diga Horseed wuxuu ku ciyaari jirey magaca ciidanka qalabka sida ama militeriga Soomaaliya. Naadiyaasha qaar kale waxay matali jireen warshado, wasaarado, iskaashatooyin iyo hay'adaha Dawladda.

Naadiyaashii 1957-1988 wax ka badal

Naadiyaasha kubadda cagta Soomaaliyeed oo mar iyo labo jeer tiro ahaan gaarey ilaa 12 naadi ayaa inta badan waxaa si rasmi ah u jirey 10 naadi oo iyaga soo maray marxalado badan soona if bixiyey ciyaartooy aad iyo aad caan uga noqday wadanka Soomaaliya iyo meelo badan oo ka mid ah aduunka.


Koobka Qaranka wax ka badal

Ciyaarta is reereebka Koobka Qaranka waxaa lagu soo bandhigi jirey cayaaro wacdaro badan. Kooxda Horseed ayaa ugu koob badneyd xiliyadii uu dhacay koobka naadiyaasha oo mar walba lagu qaban jirey Muqdisho. Reer Muqdisho si aad iyo aad ah ayey u camiri jireen garoonka Staadiyo Kooni iyo Staadiyo Muqdisho oo markii dambe la dhisay.

Koobka Janaraal Daa'uud wax ka badal

Naadiyaasha waxay u tartarmi jireen Koobaka Janaraal Daa'uud oo xiisaha iyo rabitaanka hanashaddiisa uu garab yaalay midka horyaalka Qaranka.

Janaraal Daa'uud oo ahaa halyey Soomaaiyeed ayaa dowladii Kacaanka ugu magacdartey dugsi badan iyo xusidii ugu weyneyd oo aheyd koobka kubada Cagta iyo kubadda kolleyga.

Guuleystaha Koobaka Naadiyaasha oo Matala Qaranka wax ka badal

Kooxda ama naadiga ku guuleysta koobka horyaalka Naadiyaasha ayaa u safan jirey ciyaaraha Qaranka Soomaaliya.

Inta badan sida caadada aheyd Horseed iyo ciyaartoyda u safnaa oo aan magacooda halkaan lagu soo koobi karin ayaa u safri jirey garoonada caalamiaga ee Africa iyo Carabaha.

Horseed waxaa labeeyay Naadiga Jeenyo oo loo yaqaanay Jeenyo Gaalo Jebis. Horseed waxay qaaday koobka horyaalka in ka badan 5 jeer waxaana uu koobka qabsoomay tiro ahaan 35 sano iyada oo ay jireen sanado badan oo uusan suurtogelin qabsoomidiisa sida xiligii dagaalkii 1977-1978 iyo xiliyadii dagaalka sokeeye 1991-2002.

Dib U Habeyntii Ciyaaraha Naadiyaasha iyo Koobka Gobollada wax ka badal

Xiisaha ay dadweynaha u muujiyeen daawashada iyo guud ahaan taageerada noocyada kala duwan, gaar ahaan, ciyaaraha kubada cagta waxay sababtey 1970yadii in dowladii Kacaanka ay dib u habeyn casriyeysan oo dhan walba ka dhisan ku sameyso horumarinta Isboortiga Soomaliyeed.

Dhismihii Istaadiyo Muqdisho wax ka badal

Sanadkii 1974 ayay Dawladda Shiinaha dhistey Istaadiyo Muqdisho. Wuxuu garoonka noqday mid martigelin kara kooxaha ka yimaada Koobka Bariga iyo Bartamaha Africa ama CECAFA Cup.

Sidoo kale kooxa ka yimaada Ururka Carabta ayaa lagu martigelin jirey Istaadiyo Muqdisho.