Muuse Xaaji Ismaaciil oo dadka badankiisu u yaqanaan “Muuse Galaal” waxuu ku dhashay degmada Cayn ee gobolka Togdheer muddo aan sugnayn oo lagu qiyaasay ilaa 1920kii. Muuse Ismaaciil, alle ha naxariistee, wuxuu 1980kii ku geeriyoodey gegida dayuuradaha ee magaalada Jidda ee dalka Sucuudi Areebiya, isaga oo loo wado dalka Talyaaniga si loogu soo daweeyo. Wuxuu ahaa qoraa, aqoonyahan, abwaan iyo oday aad ugu xeel dheer dhaqanka soomaalida.