Memfis, Tennessee

Coordinates: 35°07′03″N 89°58′16″W / 35.11750°N 89.97111°W / 35.11750; -89.97111

Kani waa maqaal ku saabsan magaalada Memphis, Tennessee, Maraykanka. Haku khaldin magaalada Memfis, Masar
Halkan waxaa laga soo toosiyay "Memphis" iyo "Memfis".

Memfis (ingiriis: Memphis; carabi: ممفيس) waa caasimad ku taala koonfurgalbeed ee gobolka Tennessee wadanka Maraykanka. Caasimadani waa saldhiga dowlada Degmada Shelby ee laga maamulo gobolka Tennessee. Caasimada Memfis waxay leedahay bulsho dhan 653,450 (sida lagu ogaaday tirokoob dowlada Maraykanku sameeysay sanadkii 2013ka), taasi oo Memfis ka dhigeysa caasimada ugu weyn gobolka Tennessee, deegaanda dhinaca ku haya Webiga Mississippi, mida sadexaad ee ugu baaxada weyn gobolka "Koonfurbari Maraykanka", iyo caasimada 23aad ee ugu wayn wadanka Maraykanka.

Memfis, Tennessee
Caasimada Memfis
Memphis Skyline from Poplar Ave.jpg
Muuqaalka Caasimada Memfis
Flag of Memphis, Tennessee.svg
Flag
Nickname(s): 
Caasimada Kariyaha, Caasimada Webiga, Caasimada Buluuga, M, MEM, Meeshii ku dhashay fanka Rock iyo Roll, Caasimada BBQ ee Caalamka
Shelby County Tennessee incorporated and unincorporated areas Memphis highlighted.svg
Meesha kaga taalo Degmada Shelby iyo gobolka Tennessee.
Wadanka Maraykanka
Gobolka Tennessee
Degmo Shelby
La aasaasay Maayo 22, 1819
Dowlada Hoose Diisember 19, 1826
Named for Memfis, Masar
Dowlada
 • Duqa-magaalada A C Wharton (Xisbiga Dimuqraadiga)
Bedka
 • Caasimad 839.2 km2 (324.0 sq mi)
 • Land 816.0 km2 (315.1 sq mi)
 • Water 23.2 km2 (9.0 sq mi)
Joogga
103 m (337 ft)
Tirada dadka
 • Caasimad 646,889
 • Estimate 
(2013)[2]
653,450
 • Rank US: 23aad
 • Cufnaanta dadka 770/km2 (2,000/sq mi)
 • Urban
1,060,061 (US: 41aad)
 • Metro
1,341,746 (US: 41aad)
 • Bulshada
Memphian
Aag saacadeed UTC-6 (CST)
 • Xagaa (DST) UTC-5 (CDT)
ZIP Kode
Furaha Area code 901
FIPS kode 47-48000[4]
Laamiyada I-22.svg I-40.svg I-55.svg I-69.svg
Interstate Spurs I-240.svg I-269.svg
U.S. Routes US 51.svg US 61.svg US 64.svg US 70.svg US 72.svg US 78.svg US 79.svg
Wadooyinka ugu waaweyn Tennessee 385.svg
Biyoleey Webiga Mississippi, Webiga Wolf
Gaadiidka Bulshada MATA
Website City of Memphis

Caasimada Memfis iyo nawaaxigeeda metropolitan, midaasi oo lagu daro deegaano ka mid ah gobolada Arkansas, Mississippi iyo Tennessee, waxay leedahay bulsho aad u balaadhan oo dhan 1,316,100 (sida lagu sheegay tirokoob dowlada dhexe Maraykanku samaysan sanadkii 2010ka).[6] Tani waxay Memfis ka dhigeysaa caasimada ugu dadka badan gobolka Tennessee.

Waxaa intaas dheer, caasimada Memfis waa mida ugu da'da yar dhamaan magaalooyinka gobolka Tennessee, waxaana la aasaasay 1819kii ka dib markii dowlada Maraykanku qorsheeysay dhisitaanka caasimada.[7] Magaca magaaladan waxaa laga soo xigtey caasimad qadiimiga ah ee ku taala wadanka Masar ee la yidhaahdo Memfis, Masar. Shacabka ku dhaqan magaalada waxaa lagu magacaabaa Memfiyaan, waxayna aad caan uga tahay deegaanda "Badhtamaha Koonfuta Maraykanka".


Bulshada MemfisEdit

Marka la tixraaco tirokoobt ay sameeyeen Ururka Bulshada Maraykanka sanadihii 2006da ilaa 2008, noocyada bulshada ku dhaqan caasimada Memfis waxay ka koobnaayeen sidan:

Sida lagu ogaadey tirokoobta sanadkii 2010ka waxaa Caasimada Memfis ku dhaqnaa 652,078 dad ah iyo 245,836 aqal.[8] Deegaanada sida ay dadku ugu dhaqan yihiin waxaa lagu sheegay 2,327.4 qof halkii kilomitir (898.6/km2). Taasi oo lagu sharaxo in 271,552 aqal degan yihiin 972.2 sq mi (375.4/km2). Bulshada ku dhaqan magaalada Memfis waxaa ugu badan Dadka Madoow oo noqonaya ilaa 63.33%, waxaa ku xiga Dadka Cad 29.39%;[9] tiro yar oo Aasiyaan ah oo u dhiganta 1.46%, tiro gaadhaysa 1.57% Dadka Asalka loogu yimid Maraykanka. Waxa magaalad ku dhaqan tiro aad u yar oo ka soo jeeda gasiiradaha Hawaii iyo gasiiradaha Baasifiga iyo tiro aad u kooban oo Latino ah.



Magaalooyinka MaraykankaEdit


Magaalooyinka Maraykanka  
Atlanta  · Austin  · Boston  · Baltimore  · Bloomington  · Kolumbus, Ohio  · Chicago  · Dallas  · Denver  · Detroit  · Houston  · Honolulu  · Kansas City  · Los Angeles  · Las Vegas  · Memphis  · Miami  · Minneapolis · New York  · Nashville  · Oakland  · Omaha  · Orlando  · Phoenix, Arizona  · Portland  · Philadelphia  · Rochester  · San Antonio  · Saint Paul  · San Diego  · Seattle  · San Fransisko  · Washington D.C


Gobolada Maraykanka  
Alabama  · Alaska  · Arizona  · Arkansas  · Delaware  · Florida  · Fermont  · Firjiniya  · Houston  · Gobolka Joorjiya  · Gasiirada Rhode  · Galbeedka Firjiniya  · Hawaii  · Idaho  · Illinois  · Indiana  · Iowa · Kansas  · Kentucky  · Kalifornia  · Kolorado  · Konektikat  · Koonfur Karolina  · Koonfur Dakota  · Louisiana  · Maine  · Maryland  · Massachusetts  · Mishiigan  · Minnesota  · Mississippi  · Missouri  · Montana  · Nebraska  · Nevada  · Hampshire Cusub  · Jersey Cusub  · Meksiko Cusub  · New York (gobol)  · Ohio  · Oklahoma  · Oregon  · Pennsylvania  · Tennessee  · Tegsas (Texas)  · Utah  · Wyoming  · Washington (gobol)  · Waqooyi Karolina  · Waqooyi Dakota

TixraacEdit

  1. {{cite web|title=American FactFinder|url=http://factfinder2.census.gov/faces/nav/jsf/pages/index.xhtml%7Cpublisher=[[United States Census Bureau|accessdate=October 3, 2014}}
  2. "Population Estimates". United States Census Bureau. Retrieved October 3, 2014. 
  3. "Zip Code Lookup". USPS. Retrieved October 3, 2014. 
  4. "American FactFinder". United States Census Bureau. Retrieved January 31, 2008. 
  5. "US Board on Geographic Names". United States Geological Survey. October 25, 2007. Retrieved January 31, 2008. 
  6. "Race, Hispanic or Latino, Age, and Housing Occupancy: 2010 Census Redistricting Data (Public Law 94-171) Summary File (QT-PL), Memphis, TN-MS-AR Metro Area". U.S. Census Bureau, American FactFinder 2. Retrieved August 16, 2011. 
  7. Brown, Theodore. "John Overton". Retrieved May 11, 2015. 
  8. "Memphis (city) QuickFacts from the US Census Bureau". Retrieved April 30, 2015. 
  9. "Tennessee - Race and Hispanic Origin for Selected Cities and Other Places: Earliest Census to 1990". U.S. Census Bureau. Retrieved April 16, 2012.