Machadka Sidam waa kulliyad caan ah oo ku taala faras magaalaha magaalada [Muqdisho], gaar ahaan Degmada Shingaani. Sidam waxaa afka qalaad lagu yiraah Somali Institute of Development Administartion and Management) iyada oo la soo gaabiyana isla ereyadaas SIDAM.

Kulliyada Sidam
المعهد الصومالي للتنمية والإدارة
Machadka Sidam
Halku dheggamaamul iyo maarayn hufan
Hal ku dhegga af-shisheeyeKnowledge in circles, efforts and production
La aas aasay1971
NuucaKulliyad Gaarad ah
Lataliyaha xagga aqoontaMaxamed Tawakal
Ku xigeenka la taliyahaShire Jaamac
Hormuudka jaamacaddaDalmar Faarax Jaamac
Waxay ku taalShangaani, MuqdishoBanaadir, Soomaaliya
WebsiteOfficial website

Taariikh wax ka badal

Kulliyada Sidam waxay ka mid ahayd jaamacadihii tacliinta sare ee [Soomaaliya] sida [Jaamacada Ummada], [Kulliyada Gaheyr] iyo [Jaamacada Lafoole].

Taariikhda la furay Machadka Sidam 1971 waxaana uu maanta machadkii Sidam si dadban uga jiraa Magaalada Hargaysa [1] halkaas oo arday badani dhigtaan machad sita isla magacaas waayahaan dambe ee nidaamxumada iyo boobka hantida iyo magacyadii lagu sameeyay.

Magaca Guracan ee Sidam wax ka badal

Sanadkii 1999 ayaa waxaa kulliyad abaalmarisa shahaadooyin dhexe oo 2 sano waxaa aas aasay iyo rag kale ayaa magaca xarfo is waydaariyay ka dibna ka dhigay Sidam. Sanadkii 1989 ayaa waxaa hadana la shaaciyay in magacan Sidam oo bililiqo ahaa mudo hana jaamacad laga dhigayo. [2]

Ardayda Sidam wax ka badal

Waxaana sanad walba imtixaan u gali jirtay arday 2,000 gaaraya walow arday 300 ka yar ay fadhi ka heli jireen laamaha kala duwan ee kullyada Sidam bixin jirtay ka hor burburkii qaran ee sanadkii 1991.

Afka iyo fulinta manhajka Kulliyada Sidam wuxuu barbardhig la ahaa midka Jaamacada Lafoole. Ardayda dhigtaa iyo barnaamijyada Sidam waxay ahaayeen taqasus 2 sano ah halka ay sidoo kale ka jireen qaybo heer 2 sano oo shahaado dhexe (diploma)ah. Machadka waxaa nidaam ahaan uu hoos imaan jiray Wasaarada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Soomaaliya.

Laamaha Sidam wax ka badal

Sidam hal xarun oo ku tiilay degmada Shingaani aaga Hotel Shabeelle ee Wadada Shabeelle ayuu ku yiilay machadka Sidam. Laamaha cilmiga la baran jirayna waxay kala ahaayeen:

  • Maamulka
  • Maaraynta
  • Afka Ingiriiska
  • Xisaabiyenimo
  • Dhaqaalaha

Wararka Cusub wax ka badal

Dowlada Soomaaliya ee 11ka gobol ee koonfurta dalka ku dadaalaysa inay ka arimiso ayaa heshiis dhawaan la gashay dowlada Ciraaq inay dib u dayactirto una qalabayso Wasaarada Howlaha Guud iyo labo xarun oo Muqisho aad looga yaqaanay kalana ahaa Kulliyada Sidam iyo isbitaalkii Lanzerti oo "Laansalooti" loo yaqaanay. [3]

Wasaarada Howlaha Guud ayaa ka codsatay wadanka Ciraaq inay Soomaaliya ka caawiso mashruucan oo guud ahaan ku kacaya aduun dhan 15 milyan oo Doolar.


Xigasho wax ka badal

  • Machadkii Sidam oo Hargaysa ka furan! [4]
  1. http://www.baadiya.com/View.aspx?ID=6045[dead link]
  2. http://somalitalk.com/2011/06/24/sidam/ Archived Juun 27, 2015 // Wayback Machine
  3. "Nuqul Archive". Waxaa laga kaydiyay the original 2013-06-10. Soo qaatay 2014-11-20.  Barameter aan la aqoon |ciwaan= ignored (caawin)
  4. http://www.baadiya.com/View.aspx?ID=6045[dead link]