Muusafiin waa qabiil ka tirsan beelaha ugu facawayn gobolka Awdal ee ku aftirsada subeer samaroon. Waxaa ka mid ahaa sheekh makahiil oo u duceeyey samaroon markii ay ahaayeen kuwo taag daran oo la liido. Waxay ka qayb qaateen halgankii Axmed Guray hogaaminayey. Waxay aasaaseen oo dhidibada u taageen isbahaysiga Habarcafaan wakhti gayyiga somalida aan laga aqoon isbahaysi, xeerar iyo qaab dhismeed maamul. Isbahaysigaas loogu magacdaray Habarcafaan waxaa fikirka lahaa oday la oran jiray Qoorgaab oo ahaa haldoorkii muusafiin. Markii la daggay magalada Borama muddo laga joogo qarni iyo badh, waxay ahaayeen musafiinku dadkii ugu horeeyey ee dagaan ku noqda dagmada Borama. Bilawgii dagmada borama waxaa lagu yaqaanay musafiin iyo carab. Maqaxidii ugu horaysayna oday muusafiina ayaa furay oo ahayd bilaawalay. Odayadiii ugu doorka roonaa ee gumaysigii ingiriisku la tashan jiray waxay ahaayeen Geelle Cagawayne oo ahaa odayada dhaqanka xiligaas kuwa ugu doorka roon iyo Axmed muuse oo ahaa Ganacsade iyo oday tix galin ku dhex lahaa dagmada Borama.

Waxaan qoraal koobanhoos ku xusay qaar ka mid ah saraakiishii iyo madaxdii muusafiin ee soo maray sooyaalka taariikhda facawayn laga soo bilaabo dawladii hore somaliya ilaa la soo gaadhayo dawladda somaliland ee xornimada kala soo noqotay somaliyadii hore.

Bilawgii somaliland ilaa 2021

1. Aasaaskii xisbiyada iyo hirgalintoodii gobolka awdal

A. Xisbigii udub waxa gobalka ka hirgaliyey Eng. Axmed Xasan Ardale. Xaaji ibrahim cigaal ayaa usoo dirtay gobolka in uu ka hirgaliyo xisbiga udub

B. Xisbiga kulmiya waxaa gobolka ka taagay hirgalintiisana lahaa Axmed Muxumed Gelle(dacar)

C. Xisbiga wadani waxaa kamid ahaa aasaasayashiisii gobalkana ka hirgaliyey sobabna u ahaa in uu qiimayntii xisbigu noqdo xisbigii ugu tirada badnaa siyaasi caanka ahaa Axmed Muumin Seed

2. Xilalkii soomaliland ka soo qabteen xubno ka tirsan beesha Musafiin

A. Xubno ayey ka soo noqdeen golaha wakiilada, axmed muxumed geele, shiine, cabdiqadir tukale, fuad Axmed diriye

B duqa magalada ilaa laba jeer ayey ka soo noqdeen. Cabdiraxman Shide Bille oo ahaa mayorkii magalada tusay in wado la dhisi karo iyo ciise Jikaako oo ilaa hada uusan jirin mayor ka wax qabad badnaa oo soo maray duqa magalad Borama.

C. Agaasimihii wasarada beeraha oo ahaa cabdiqadir jibril tukale

D. Wasiir kuxigeenka wasarada qorshaynta idris maydhane warsame

E. Pro. Farax Cilmi Geedoole oo ahaa wasiirka wasarada waxbarashada iyo wasarada beeraha somaliland

F. Sharmake Axmed muxumed oo ahaa gudoomiyihii ugu samaynta badnaa ee soo maray Hayada shaqaalaha somaliland

G. Axmed muxumed Geele( dacar) oo ahaa gudomiyaha gobolka Sanaag

H. Jaamac Yusuf Gadhle oo ahaa gudomiyihii gobolka saxil

I. Axmed muumin seed oo ahaa gudomiya ku xigeeenkii koobaad ee xisbiga wadani una soo diga rogtay xisbiga kulmiya oo hada ah wasiirka wasaarada horumarinta beera runtiiina ah wasiirkii ugu wax qabad badnaa ee soo maray intay somaliland jirto wasaarada beeraha taasna waxa cadayn u ah in 100 cisho ee ugu horeeyey loo aqoonsaday wasiirkii ugu waxqabad badnaa wasiirad somaliland.

J. Garyaqaan caynaan oo ahaa xubin ka tirsan gudigga sare ee maxkamadaha iyo cadalada somaliland

K. Agaasimihii miinada somaliland konel maxamed maydhane warsame

L. Qaar badan oon magacdooda xusi karin waxay ka qayb qaateen amniga gobolka iyagoo xillal kala ah: gudomiya sirdoonka, maxkamada, taliyaal ciidnka, taliyayasha saldhigyadaba iyo isu duwayasha wasaradah ka soo noqday gobolka Awdal.

Saraakiishii iyo madaxdii wakhtigii somaliya

1. Gen. Yusuf Talan Cali oo ahaa taliyihii Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Qaybta Berbera.

2. Gashaanle Sare Maxamed Maydhane warsane oo u qaabilsanaaTopography Wasaradii gaashandhiga Soomaaliya

3.Gashaanle Sare Daahir Nuur Obsiiye Taliyihii Ciidanka Cirka Ee Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliyeed Qaybta Gobolka Mudug.

4. Gaashaanle Sare Maxamed Indha yare Taliyihii Ciidankii dhabar Jabinta Gobolka Waqooyi Galbeed Hargaysa.

5.Gashaanle Sare Daahir Qaabil Shirwac Taliyihii Ciidankii Xooga Dalka Soomaaliya Qaybtii Xeebaha Galbeedka.

6.Gashaanle Sare Bakaal Taliyihii Ciidankii Nabad Sugida Gobolka Waqooyi Galbeed Qaybta Hargaysa.

7.Gashaanle Sare cabdi Cismaan oo kamid ahaa sarakishii cidadii xooga somaliya

8.gashaanle Sare Cali cabdilahi Iiman ( cali Kukude) oo ka mid ahaa sarakishii cidankii somaliya

9.Gaashaanle dhexe Siciid Xasan Nuur Taliyihii Ciidankii Soomaliya Qaybta Idaacada Radyow Hargaysa

10.Gashaanle Dhexe Caynaan Taliyihii Ciidankii Madafìicda Hargaysa

Sarakiishii Muusafiin Ee Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya Ee Dawaladii Maxamed Siyaad Bare

11.Garyaqankii Guud Ee Soomaaliya Yuusuf Cilmi Rooble

13.Agaasimihii Guud Ee Wasaaradii Maaliyada Ee Soomaaliya Aadan Aamin Cawl

14.Agisimihii Waaxda Lacagta ee Wasaaradii Cafimaadka Idris Maydhane Warsame

15.Injineerkii Maraakibta Soomaaliya Muuse Caynaan Geele

16.Agasimhii Ayax Maxamed Cilmi Caynaan dhabaroo

17.Xoghayihii Wasaradii Arimaha Gudaha Ee Soomaaliya Siciid Claahi Iimaan

18.Maxame Faarax Claahi Xasharo oo ahaa Agasimihii Guud Ee Wasaradii Waxbarashada Soomaaliya Markii Dambe ahaa Gudoomiyihii Ururkii SDA Markii Dawaladii Soomaaliya Burburtay

19. Muuse Claahi Faqle Muuse konel kantirsan sarakiishii ciidanka somaliya

20. Cabdilahi nuur faqfle oo ka mid ahaa korneeladii igu horeeyey somaliya

21. Maxamuud iimaan qaame oo gudomiye ka ahaa bangigii Burco

22. Garyaqaankii guud ee somaliya cilmi cali nacaye