Cunto samaysigu waa habka noole cuntada u samaysto.noolayaashu laba hab mid ayuun bay cuntada ku samaystaan habka kali samaysasho iyo ku tiirsani. Cuntada la samaystaa waa waxyaabaha nooluhu u baahanyahay sida fiitamiino, borotiin , karboohaydarayt, dux iyo baruur iyo biyo. Hadda waxaan ka hadlaynaa noocyada samaysiga cuntada.

Noolayaasha cuntada goonidood u samaysta wax ka badal

noolayaashan waxa u badan dhirta. dhirtu waxa ay cuntadeeda ka samaysaa biyo, oksajiin iyo hawada kaarboon dhaayoksaydh iyada oo kaashanaysaa tamarta cadceeda (Qoraxda). Dhirtu waa isha koowaad ee laga helo tamarta amase qaybiyaha guud ee tamarta.

Noolayaasha iyagu ku tiirsan kuwa kale wax ka badal

kuwani waa dhamaan naflayda kale ee dhaqaaqada duurjoog iyo dabjoogba. Kuwani waxa ay ilaha tamarta ka helaan noolayaasha kale oo ay quutaan sida aadmiga oo quuta dhirta. Iyo libaaxa oo quuta aadmiga.