Kabxanley waa Deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan waxaay magalada Baladwayne ka jirtaa dhinacaga waqooyi waxayna u dhowdahay xadka Ethiopia .

Qiyaastii waxay u jirtaa Magaalada Beledwayne 20 km. Dagmada waxay caan ku tahay wax soo saarka beeraha iyo xoolaha. Waxaa daga jilibka Fiqicumar oo ah jilib ka tirsan beesha Qubays oo ah mid ka mid ah beelwaynta Surre ee MAHA DIR. Fiqicumar qarniyo bay degganaayeen carro Hiiraan. Dabcan soomaalida waa reer guuraa.waxay daaq U dagi jireen kolba meesha roob ka dhaca. Mar jawiil bay xoog U degganaayeen. Waxay dhihi jireen jawiil jannada baa ka dhaw. Waxay Ku dardaarmi jireen in jawiil Lagu aasa oo awoowyaal horey loogu aasay. Culuma badan oo la siyaarta baa Ku aasan aaggaas sida fiqiwalaal fiqicumar oo Ku aasan Coomaad. Fiqi axmed fiqi maxamed oo Ku aasan Beergadiid. Waxaa ka dhashay shiikh ibraahim suuleey oo caalim soomaali oo dhan taqaannay ah . Shiikh ibraahim waa ninkii U horreeyay ee soomaaliya ka akhriyo Riyaadul saalixiin.waxuu gaar U lahaa khudbadda jimcaha oo uu kor ka shubo isagoon meel ka akhrinayn. Waxuu ka tirsana Raabidatul caalam al islaami. Waxaa kitaabbo badan ka aqrin jiray shiikh Muxummad Yaroow masaajidada Beledwayne. Akhrin jiray Naxwaha,Sarfiga,Tafsiirka, Axaadiithta Iyo fanniyo kale illaa uu xamar usoo wareego kaddib markii hayadda Iftaa wa dacwa ee sacuudiga ka shaqo galisay xamar.

Ma jirin  seddex macallim iskuul oo Hal reer ah  marka laga Reebo Fiqicumar  oo fasallo isku beddelo.
Sh.Ibraahim Xaaji Cismaan
Sh.Muxummad yaroow
Cali Ibraahim 

Waxay macallim ka wada ahaayeen dugsigii Sandhool Guure. Raggii halgamayaasha xurriyadda(SYL) ee Beledwayne waxaa ka mid ahaa Cabdisalaam Caalim oo loo aqoon ogyahay Cabdi Kaatun.

Kabxanleey waxay ka billaabataa marka la Soo dhaafo Bacaad marka Laga yimaado Beledwayne.

Waxay U jirtaa magaalada Beledwayne dhawr Iyo labaatan kiilomitir qiyaas ahaan.

1919 qiyaas ahaan, waxaa hiiraan Ku Soo duulay ciidan axmaaro oo uu watay Rafle Guuleed oo Makaahiil ogaadeen ah .

Reer fiqi cumar waxaa Lagu dhacay lo'doodii meesha la yiraahdo Kalaxkalax oo kabxanleey ka Soo xigto Beledwayne.

Waxaa loo yaqaannaa duullaankii Dhugadka.