Aw-badeedka Khuuri

(Waxaa laga soo toosiyay Jasiirada Khuuri)

Coordinates: 12°30′36″N 53°55′12″E / 12.51000°N 53.92000°E / 12.51000; 53.92000

Jasiirada Khuuri waa jasiirad oo ku taala Marinka Gardafuul.

Taariikh wax ka badal

Waa jaziirada ugu dhaw dhalka soomaliya waxayna meesha ugu dhaw uga jirtaa raasa casayr (48 mayl) waa jaziirad khayraad badan xaga kaluumaysiga Waana jaziirada ay ku noolyihiin dad soomali ah oo ka soo jeeda magaa looyinka BAARGAAL iyo BAREEDA …

Dadka kunooli kama badna dhawr boqol oo qof waxa ay leedahay xoolo Iyo ugaar aan badnayn waxa ay leedahy iskuul iyo saldhig boolis iyo xero ciidan badeed badanaa cidamada la keena waa cidamo ganaax lookeenay waxana lagu kala badala 6dii bilood ba mar Wxayna ku hadlaan dadkeedu afka suqadriga lakiin waa laga gartaa lahjad ahaan mar ka ay lahadlayaan suqadariyiinta kale oo wxaa lagartaa qof ahan in uu reer cabdala koori yahay biyaheeduna wa kharaar …

1945 waxa cabdala koori ku dhufatay duufaan dabayl xoog leh wadatay oo bur burisay guryihii iyo dhirtii waa wayneyd taas oo cabsi xoog leh galisay dadkii daganaa cabdala koori qayb ka mid ah dadkaas waxay usoo guureen magaalada caluula aad baa loosoo dhaweeyay dadka reer caluula soo dhawyn ka dib waxaa la dajiyay xaafad magaalada caluula ka mid ah oo lamagac baxday xaafadii REER XAMSAHA dadka reer xamsuhu waxay ahaayeen dad bada aad u yaqaan markiiba waxay la qabsadeen noloshii aad bay xafadoodu u wayneyd …

1960 markii xornimadii la qaatay ka dib waxay ku yeesheen laba xubnood oo golaha deegaanka caluula … 1969 markay dawladii malatariga wadanka qabsatay sanado ka dib dhalinyaradii reer xamsuhu waxay bilaabeen in ay kala aadaan cabdalla koori cumaan iyo imaaratka iyo yamen

Bartaas marka la gaaro waxaa xarriiqda xadaynta caqabad ku noqonaysa Jasiiradda Cabdi Al Khuuri oo Koonfurta ugu xigta Jasiiradaha la xiriira Suqadara. Halkaas oo xarriiqdii ay markaas si degdeg ah ugu leexanayso Jihada KoonfurBari (SE) iyada oo ku dhammaaneysa barta leh Loolka iyo Dhigta 9° N iyo 54° 30' E bartaas oo fogaan is leeg oo ah 200 nmi u jirta Raas Xaafuun iyo Jasiirada Darsa oo Koonfur kaga aadan Suqadara. (Raas Xaafuun waxa ay dhacdaa barta 10°26'36"N, 51°24'54"E).

Jasiiradda Suqadara oo November 30, 1967 gacanta u gashay Yemen - waxay xeebta Soomaaliya u jirtaa 150 mile oo keliya. Islamarkaas Suqadara waxay xeebta Yemen u jirtaa 190 mile. Jasiiradaha yaryar ee la xiriira Suqadara waxaa ka mid ah Cabdul Khuuri (Abd-al-Kuri) oo 50 mile oo keliya u jirta Raas Casayr (Gardafuul) oo ah Soomaaliya. Waxa kale oo Suqadara hoos taga labada Jasiiradood ee Samhah iyo Darsa (oo loo yaqaan Walaalaha "Brothers") oo u dhaxeeya Khuuri iyo Suqadara.