Isbitaal
Isbitaal ama Cisbitaal (carabi مستشفى, ingiriis: Hospital) waa meel bukaanka lagu daweeyo dadka qalabka caafimaadkana uu yaalo, wuxuu u diyaarsanaan karaa in ay fariistaan dhakhaatiir, waxaa kaloo uu uu leeyahay qolal bukaanka la seexiyo kuwo lagu qalo, kuwo lagu nasto, kuwo shay baar, kuwo daawooyinka lagu kaydiyo iyo qayb gar-gaarka deg-dega loogu talo galay, wuxuu u diyaarsanaan karaa qaabilaada dad dibada ka yimid oo caafimaad doon ah.
Taariikhyahannadu waxay tixgeliyaan isbitaalladaas “mid ka mid ah guulaha waaweyn ee bulshada Islaamka ee qarniyadii dhexe.”[1]
Magaca IsbitaalEdit
Jaadadka isbitaaladaEdit
Isbitaal guudEdit
waa kan dowlada ama maamulka meel ka jira uu leeyahay dadkuna u wada simanyihiin kana qiime yar kuwa gaarka loo leeyahay
Isbitaal gaar loo leeyahayEdit
waa midka qof gaari leeyhay una furan ganacsi ahaan kaasoo ahaan kara mid guud iyo mid wax gaara daweeya.
Isbitaal takhasusEdit
waa isbitaalka u samaysan inuu daweeyo hal cudur sida isbitaalka indhaha, isbitaalka jajabka, iyo isbitaalka neerfaha.
Isbitaal jaamacadeedEdit
waa isbitaalka dadka daaweeya una dheertahay jaamacad inuu ku dhex yaaall oo ardayduna ay wax ku barato.
Fadhi ama booqashoEdit
waa meel uu dhaqtar iyo ka badan fariistaan lambarna loo goosto, wuxuuna qoraa daawada xanuunka uu ku takhasusay. meeshaan ayaa noqon karta mid ku dhextaal isbitaal weyn ama ka madax banaan.