Imaam Nawawi waa imaamkii xaafidka ahaa ee Muxyiddiin Abuu Zakariya Yaxya bin Sharafuddiin bin Muriyi bin Xasan bin Xuseyn bin Muxammed bin Jumcah bin Xazaam Alnawawi Alshaaficiyi Aldimishqiyi ee ku magac dheeraa Imaam Nawawi (Muxaram 631-676H / 1255-1300M),

Yaraantiisii wax ka badal

Wuxuu ka dhashay qoys wanaagsan oo ku noolaa Nawa, oo ah tuulo u dhow magaalada Dimishiq. Meeshaas buuna ku qaatay caruurnimadiisa oo uu ku qaan gaaray kuna xafiday Qur'aanka kariimka ah, Macallin Marashi, oo ah caalim ku noolaa Nawa, wuxuu yiri: 'Waxaan ku arkay Sheekh Nawawi tuulada Nawaa isagoo 10 jir ah. Wiilasha kale ee la da'da waxay ku qasbi jireen inuu la ciyaaro, laakiin sheekhuu ma uusan jeclaan jirin inuu la ciyaaro. Wuxuu ku howlaan jiray waxbarashadiisa..Haddii ay wiilasha ku qasbaan inuu la ciyaaro sheekhu waxaa dhici jirtay arintaa siduu uga xun yahay iyo in laga mashquuliyo waxbarashadiisa inuu ilmeeyo'. Wuxuu intaa ku daray macalin Marakash: 'Waxaan bilaabay in aan jeclaado Imaam Nawawi wixii ka bilowday waqtigaa.

Macallimiintisii wax ka badal

Imaam Nawawi wuxuu wax ka bartay cilmiga xadiiska muxadasiin horseedku ahaa cilmiga xadiiska waqtigaa, fiqigana wuxuu ka bartay culimo waawayn. Macallimiintii uu wax ka bartay way badnaayeen, waxaana ka mid ahaa:

  • 1. Abuu Ibraahiim Isxaaq bin Axmed al-Maqrabi,
  • 2. Abuu Muxammad Cabdu Raxmaan bin Nuux al-Maqdisi,
  • 3. Abuu Xafs Cumar bin Ascad Ar-Rabiica,
  • 4. Abul Xasan Arbali,
  • 5. Abuu Isxaaq Ibraahiim Muraadi,
  • 6. Abul Baqaa Khaalid bin Yuusuf Nablusi,
  • 7. Diyaa bin Tassaam al-Xanafi,
  • 8. Abul Cabaas Axmed Misri,
  • 9. Abul Cabdullah Jiyaani,
  • 10.Abul Fatax Cumar bin Bandar,
  • 11.Abuu Isxaaq Waasti,
  • 12.Abuu Cabaas Maqribi,
  • 13.Abuu Muxammad Tanuukhi,
  • 14.Abuu Muxammad Cabdur Raxmaan Cambari,
  • 15.Abul Faraj Maqdisi,
  • 16.Abuu Muxammad Ansaari,
  • iyo kuwo kale oo badan.

Kuwani waa macallimiintii uu wax ka bartay Imaam Nawawi.

Ardaydiisii wax ka badal

Waxaa ka mid ahaa ardeydiisii:

  • 1. Calaa'udiin bin Athar
  • 2. Abul Cabaas Axmad bin Ibraahiim
  • 3. Abul CabaasJacfari
  • 4. Abul Cabaas Axmad bin Faraj
  • 5. Rashiid Ismaaciil bin Mucallimal-Xanafi
  • 6. Abuu Cabdullahi Xanbili
  • 7. Abul Cabaas Waasti
  • 8. JamaaludiinSuleymaan bin Cumar al-Daraa'ii
  • 9. Abul Faraj Maqdisi
  • 10. Badar Muxammadbin Ibraahiim
  • 11. Sulaymaan Muxammad bin Abii Bakar
  • 12. Shihaab Muxammadbin Cabdul Khaaliq
  • 13. Sharaf Xibbullaah
  • 14. Abul Xajaaj Mazani
  • iyo kuwokale oo badan


Kitaabada uu qoray wax ka badal

  • 1. Sharaxa Saxiixul Muslim
  • 2. Al- Minhaaj fii Sharax Muslim bin al-xajaaj.
  • 3. Riyaalu Saalixiin.
  • 4. Kitaabur Rawdah.' oo ah soo koobid iyo soo gaabin sharaxa kabiirraafici.'
  • 5.Sharaxa Muhazzab.'
  • 6.Tahdiibul Asmaa wasifaat
  • 7.Kitaabul Azhar
  • 8. Afartan Xadiis
  • 9.'Taqriib'
  • 10.Irshaad fii culuumil Xadiis
  • 11.Kitaabul Mubaahamaat
  • 12.'Cizzah'
  • 13.Baatiyaaan
  • 14.'Manaasik'
  • 15.Sharaxa Saxiixul Bukhaari.
  • 16.Sharaxa Sunan abii Daawuud (ma dhameystirin oo waa naaqus).
  • 17.Dabaqaat fuqahaa ashaaficiyah'.
  • 18.Risaalata istixbaab alqiyaam la ahlulfadal
  • 19.Risaalata fii Qiyaamul Ghanaym,'
  • 20.Fatawa.'
  • 21.Jamcus sunnah.'
  • 22. Khulaasatul Axkaam.'
  • 23.Manaaqibu shaafici.'
  • 24.Bustaanul Caarifiin.'
  • 25.Mukhtasir Usudul Ghaabah.'
  • 26.Xilyatul Abraar
  • 27.Al-Asmaa Walluqaat
  • 28.Al-Maqaasid
  • 29.At-tabyaan fii Adaabi xamlatal Qur'aan..