IBRAHIIM BIN ADHAM (100-162H) waa caalim muslim weyn oo reer balakh ahaa markiisii hore wuxuu ka mid ahaa dadka hantiilayaasha ah balse wuu isaga baxay waxa uuna u go'ay cibaado, wuxuuna noqday inuu ku wareego magaalooyinka islaamka sida Ibraahim wuxuu ku caan baxay hadaladiisa ku dheehan xikmadaha.

Taariikh nooleedkiisa wax ka badal

Sheekooyinka laga haayo wax ka badal

  • Mar ayaa waxaa u yimd nin wuxuuna ku yiri: I waani shiiqow nafteyda macsi ayee jeceshahy.

Ibraahim ayaa dhahay: hadaa rabtid inaa ilaahay caasiso shan sameey marka hore.

Ninkii wuxuu dhahay: soo daay

Ibraahim ayaa yiri: tan koowaad hadaa rabtid inaa alle caasiso ha cunin risqigiisa,

ninkii ayaa dhahay: sidee u noolaanaa hadaba? wax walboo la cuno alla agtiis ayee ka yimaadaan.

Ibrahim ayaa yiri: oo ma waxaad caasin alle adigoo cunaaya risqigiisa.

Ninkii ayaa dhahay: ii badi

Ibrahim wuxuu dhahay: tan labaad  hadaa rabtid inaa alle caasiso ha ku caasin dhulkiisa dushiisa.

Ninkii ayaa dhahay: subxana allah! tanaaba ka daran intee aadaa meel kasta asaa leh.

Ibraahim: ayaa ku dhahay: miyaana ka xshooneen inaa caasiso adigoo dhulkiisa ku sugan?

Ninkii ayaa dhahay: ii badi.

Ibrahim ayaa dhahay: tan sedexaad hadaa rabtid inaa Alle caasiso uga dhuumo meel uu kaa arkeen.

Ninkii: ayaa dhahay: subxana allah intee uga dhuumtaa wax alle ka qarsoon maa jira!

Ibrahim ayaa ku dhahay: xishood yaridaada ilaah miyaa ku caasinee waliba asigoo kuu jeeda!

Wuu aamusay ninkii ka dib wuxuu dhahay: ii badi.

Ibraahim ayaa dhahay: tan afaraad haduu kuu yimaado malaku mowt soo nafta kaaga qaado ku dheh ii kaadi xoogaa saa u tawbad keeno oo camal fiican ula imaado.

Ninkii ayaa dhahay: may ma dhici karto iga yeeli maayo.

Ibraahim ayaa dhahay: in mowtka kadis kuugu imaanayo aana luu dib dhigeen saacad waaba ogtahay sidee ku filee fakasho hadaba?

Ninkii wuxuu dhahay: ii badi.

Ibrahim ayaa yiri: tan shanaad malaaikta zabaaniyada maalinta qiyaamo hadee kuu yimaadaan see naarta kuugu kaxeeyaan ha raacin kana diid, janadana iska aad.

Ninkii wuxuu dhahay: iga tagi maayaan Anna ma awoodi.

Ibraahim ayaa yiri: ninyahow yaab ayaad leedahay, risqiga alla ayaa cuneesaa dhulkiisa ayaa dageesa, meelkastana wuu kaa arkaa, mana awoodid inaa mowt iska celiso iyo inaa naar iska difaacdo, hadana waa caasinee!!

Ninkii wuxuu dhahay: bas way igu filan tahay Astagfiru laah.

Qaar ka mid ah hadaladiisa wax ka badal

  • "Boqor kasta oo caadil ahayn asaga iyo tuuga way siman yihiin, Caalim kasta oo Allah ka baqeen asaga iyo waraabaha way siman yihiin, Qof walba oo Allah cidaan ahayn u dulooba asaga iyo eeyga waa siman yihiin".
  • "Cuntadaadaa iska wanaaji dhib kuugu yeelan meyso inaadan habeenka istaagin, maalintana soomin[1]"
  • "Ogow inaadan gaareen darajada saalixiinta ilaa aa ka gudubto lix caqabo, Koow; waa inaa xirtaa albaabka nicmada oo furtaa albaabka shidada, Labo; waa inaa xirtaa albaabka sharafka oo furtaa albaabka duliga, Sedex; waa inaa xirtaa albaabka raaxada oo furtaa albaabka dadaalka, Afar; waa inaa xirtaa albaabka hodontinimada oo furtaa albaabka faqriga, Shan; waa inaa xirtaa albaabka hurdada oo furtaa albaabka soojeedka, Lix; waa inaa xirtaa albaabka rajada oo furtaa albaabka u diyaar garowga dhimashada[1]"
  • "Hadey ogaan lahaayeen boqorada iyo ilamahooda waxaa ku sugannahay oo farax iyo nimco ah seefo ayee nagula dagaalami lahaayeen"[2]

Waxaa laga yiri wax ka badal

Xigasho wax ka badal

  1. 1.0 1.1 الرسالة القشيرية، تأليف: أبي القاسم عبد الكريم بن هوازن القشيري الشافعي ، صـ 13: 16.
  2. [«حلية الأولياء» (٧/ ٣٧٠)]