Hugh Marston Hefner, ( wuxu dhashay April 9, 1926, Jikaago - 27 september 2017). Waa nin ganacsade mareykan ah. Sanadkii 1953 ayaa waxa uu aasaasay Wergeyka Playboy ilaa hadana waa Ninka iska leh. Ninkan oo laba jeer guursaday ayaa waxa uu dhalay Afar ciyaal ah.

Hugh Hefner (2009)

Hefner Hooyadiis asal ahaan swizerland ayay u dhalatay, Aabihiisna jarmal iyo ingiriis ayaa iska dhalay. Hefner qoyskiisa wuxu ku sheegay inay ahaayeen " Muhaafad, Reer galbeed iyo Methodist." 1944-1946 intii u dhaxaysay wargeys Meraykan ah oo askari leedahay ayuu ka ahaa qoraa, kadibna wuxu tagay dugsiga hoose ee Sayre kadibna wuxu uga sii gudbay dugsiga sare ee Steinmetz. Markii uu qalin jabiyay ayaa uu Jaamacada Northwestern cilmiga Sosyoloji ka bartay  isaga oo halkaas ku diyaarinayay mastertiisii laakiinse uu dhaafi kari waayay oo uu ku dhacay.

  • Playboy