Xaasaska Nebi Muxamed

(Waxaa laga soo toosiyay Hooyooyinka Muminiinta)
Xaasaska Nebi Muxamed
Khaddiija bint Khuwaylid

Sowda bint Zamca

Ca'isha bint Abi Bakr

Xafsa bint Cumar

Saynab bint Khuzayma

Hinda bint Abi Umayya

Saynab bint Jahsh

Juwayriyya bint al-Xarith

Safiyya bint Huyayy

Ramla bint Abi Sufyan

Maymuna bint al-Harith

Maryama al-Qibtiyya

Rayhana bint Zayd

Xaasaska Nebi Muxamed waxay ahaayeen sadex-iyo-toban kuwaasi oo uu guursaday wakhtiyo kala duwan. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan dumarkaasi ineey yihiin “Hooyooyinka Rumeeyayaasha” "Umaatul al-Mu'miniin". Waxayna dadka aaminsan ee rumeeysan diinta Islaamka ka mudan yihiin sharaf, qadarin iyo heybad; sababtoo ah Ilaahay (koreeye) ayaa Quraanka ku xusan xaasaska nebiga.

Markuu ka hadlayay ooriyada Nebi Muxamed Rabbi (casa wa jala) wuxuu yidhi:

Nebigu wuxuu dadka rumeeyay Alle uga dhow yahay naftooda, xaasaskiisuna waxay u yihiin (waa kuwa Alle rumeeyay ee) hooyooyin oo kale.[1]
Quraan suurad Al Axsaab aayada aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine

Qoyska iyo reerka Nebi Muxamed waxaa la kala raaciyaa kala qeybinta taariikhda Islaamka oo ah:

Si kastaba ha ahaatee, nebigu markuu ahaa 25 sano jir ayaa wuxuu guursadey Khaddiija bint Khuwaylid oo ahayd mulkiilaha shaqo ganacsi oo nebigu wakhtigaasi ka shaqeeynaayay. Sababtoo ah wuxuu ahaa arooskii ugu horeeyay iyo Khaddiija oo ahayd qof aad u wanaagsan, Nebi Muxamed wuxuu guurkani ka helay farxad iyo damaashaad iyo raynrayn ilaa laga soo gaadho geeridii Khaddiijo 25 sano ka dib markeey ahayd oorida nebiga.

Si kastaba ha ahaatee, Khaddiija waxay nebigu u dhashay labo wiil iyo afar gabdhood kuwaasi oo kala ah: Qaasim iyo Cabdulaahi (labadooduba waxay dhinteen ayagoo aad u yar); gabdhaha oo kala ah Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima.[2]

Si kastaba ha ahaatee, Nebi Muxamed ma guursanin xaas kale markii ay Khaddiijo ka dhimatey ilaa uu ka imanayay magaalada Medina halkaasi oo uu markii ugu horeeysay ku guursadey Sowda bint Zamca oo dhibaato badan la kulantey markeey soo muslimtey. Markuu nebigu guursanayay Sowda waxay ahayd qof reer horey u soo martey oo 55 jir ah. Wakhti yar ka dib, nebigu wuxuu mehersaday gabadh yar oo 9 jir ah oo uu dhalay saaxiibkii iyo la taliyiisa kowaad waa asxaabi Abu Baker, gabadhaasi yar waa ee nebigu guursaday waa Ca'isha bint Abi Bakr. Caa'isha uma dhalin wax caruur ah nebiga, markuu nebigu ka dhintey iyada da'deedu waxay ahayd 17 sano jir. Intaasi waxaa dheer, Ca'isha waxay nebiga kala hadhay aqoon iyo cilmi aad u badan, waxaana la sheegaa in Caaisha warisey in ka badan 2,000 oo Xadiis.

Maab muujinaya xabaalaha qaar ka mid ah Xaasaska iyo gabdhaha uu dhalay Rasuulka.

Dagaaladii u dhexeeyay nebiga iyo ciidankiisa iyo kufaartii reer Quraysheed ee ka soo duulayay magaalada Makka waxaa ku dhintay asxaab badan kuwaasi oo dumar badan ka dhigay carmali (bilaa saay). Asagoo u hiilinaya dumarkaasi ayaa nebigu wuxuu dumaalay Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith.[3]

Goortii uu dhamaaday Dagaalkii Khaybar waxaa asxaabtu soo qabsatey adoomo badan, kuwaasi waxaa ka mid ahaa Safiyya bint Huyayy oo ka dhalatey qoys Yuhuud ah oo dhaqaale fiican heeysta. Markuu nebigu arkey Safiya wuu xoreeyay wuxuuna u soo bandhigay inuu guursado ayadna wey aqbashay, sidaasi ayayna ku noqotey mid ka mid ah xaasaska rasuulka.

Goortii nebigu uu la galay heshiis nabadeed xoogagii reer Quraysheed, waxaa dhacday in Abu Sufyaan uu Nebi Muxamed siiyay gabadhiisa Ramla bint Abi Sufyan, taasi oo nebigu aqbalay, wakhti yar ka dibna uu guursadey.

Wakhtigii lagu gudo jirey heshiiskii Xudaybiyah ayaa rasuulku wuxuu u soo ambo baxay magaalada Makka si uu u soo siyaarto Kacbada halkaasi oo uu kula kulmey Maymuna bint al-Harith oo nebiga ka codsatey inuu guursado taasi oo uu ka aqbelay.

Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka Masar hadiyad ahaan ku soo gaadhay nebiga. Wuu xoreeyay ka dibna uu guursadey.[4] sadam

Dumarka Rasuulka wax ka badal

Dumarka Rasuulka
Magaca Xaaska Wakhtiga uu Qabay Tirada Caruurta
Khaddiija 595 ilaa 619 C.D
Sowda 619 ilaa 632 C.D -
Caisha 619 ilaa 632 C.D -
Xafsa 624 ilaa 632 C.D -
Saynab 625 ilaa 627 C.D -
Hinda 629 ilaa 632 C.D -
Saynab bint Jahsh 627 ilaa 632 C.D -
Juwayriya 628 ilaa 632 C.D -
Safiyya 629 ilaa 632 C.D -
Ramla 628 ilaa 632 C.D -
Maymuna 630 ilaa 632 C.D -
Maryama 630 ilaa 632 C.D
Rayhana 629 ilaa 632 C.D -

Khaddiija wax ka badal

 
Ummatul Mu'miniin, hooyooyinka Mu'miniinta.

Khaddiijo (ingiriis: Khadija; carabi: ﺧﺪﻳﺠﺔ ﺑﻨﺖ ﺧﻮﻳﻠﺪ, "Khaddiija bintu Khuwaylid"; lagu naaneysi jirey: Khadīja al-Kubra "Khadija weynayd") ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas[5][6] ee dhulka Carabiya markey taariikhdu ahayd sanadkii 555 C.D, kuna dhimatay magaalada Makka sanadkii 620 C.D waa ooridii kowaad ee Nebi Muxamed   (n.n.k.h) qoftaasi oo ahayd ganacsato[7] si fiican looga yaqaano magaalada Makka ee deegaanka Xijaas.[8]

Khaddiijo waxay ahayd qofkii ugu horeeyay ee rumeeysa Nebiga   markii uu waxyiga diinta Islaamku ku soo degay. Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan Khaddiija ineey tahay “Hooyada Islaamka”.[9][10]

Caaisha wax ka badal

Caisha, Caasha, Caisha, Caayisha (ingiriis: Aisha, ‘Ā’ishah bint Abī Bakr, "Caaisha"; carabi: ﻋﺎﺋﺸﺔ, Ayesha, Caayisha, A'isha, Ca'isha, Aishat, Caisha, Aishah, Caishah, ama Aisha, Caisha) loo yaqaano hooyada Mu'miniinta [ﺃﻡ ﺍﻟﻤﺆﻣﻨﻴﻦ] waa mid ka mid ah xaasaskii Nebi Muxamed (n.n.k,h). Ca'isha waxaa dhalay nebiga saaxiibkiis iyo asxaabi Khaliif ar-Raashid Abu Baker al-sadiiq.

Nebi Muxamed wuxuu guursaday Ca'isha ayadoo 9 sano jir wuxuuna ka dhintey ayadoo 17 sano jir ah. Wax ilmo ah uma dhalin nabiga, laakiin waxay kala hadhay xadiisyo iyo cilmi diinta Islaamka oo badan.

Xafsa bint Cumar wax ka badal

Xafsa bint Cumar (ingiriis: Hafsa bint Umar) waa gabadh uu dhalay asxaabiga weyn iyo mid ka mid ah Khulafo Ar-Raashidiinta Cumar bin Khattab, taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder markii ninkeeda Khunais ibn Hudhaifa lagu diley dagaalka dhexdiisa. Markey taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed dumaalay (guursadey) si uu uga baabi'iyo dhibaatada iyo murugada ka soo gaadhay dagaalkaasi.

Saynab bint Khuzayma wax ka badal

Saynab bint Khuzayma (ingiriis: Zeinab bint Khuzayma; carabi: ﺯﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﺧﺰﻳﻤﺔ, "Umm al-Masakin", macnaha: "Hooyadii Masaakiinta") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 595 C.D, waa ooridii 5aad[11] Nebi Muxamed (c.s.w.s), taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder markii ninkeeda Khunais ibn Hudhaifa lagu diley dagaalka dhexdiisa.[12] Markey taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed dumaalay (guursadey) si uu uga baabi'iyo dhibaatada iyo murugada ka soo gaadhay dagaalkaasi.[13]

Saynab bint Jahsh wax ka badal

Saynab bint Jahsh (ingiriis: Zaynab bint Jahsh; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﺟﺤﺶ, "Saynab bint Jaxshi") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 590 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 641 C.D, waxay ahayd qof dumar nebiga ina adeer la ah, markii dambana uu guursadey.[14]

Ramla bint Abi Sufyan wax ka badal

Ramla bint Abi Sufyan (ingiriis: Ramla bint Abi Sufyan; carabi: ﺭﻣﻠﺔ ﺑﻨﺖ ﺃﺑﻲ ﺳﻔﻴﺎﻥ, "Ramla Bint Abi Sufyaan", sidoo kale loo yaqaano: ﺃﻡ ﺣﺒﻴﺒﺔ, "Umm Xabiiba", macnaha: "Hooyadii Xabiiba") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 594 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 666 C.D, waxay ahayd qof dumar nebiga qaraabo la ah, markii dambana uu guursadey.[15] Ramla waxaa dhalay oo aabe u ah hogaamiyihii reer Quraysh markii dambena ku soo biiray diinta Islaamka ee asxaabi Abu Sufyaan.

Maryama al-Qibtiyya wax ka badal

Maryama al-Qibtiyya (ingiriis: Maria al-Qibtiyya; carabi: ﻣﺎﺭﻳﺔ ﺍﻟﻘﺒﻄﻴﺔ, "Maariya Al-Qabdiya") ku dhalatey deegaano ka mid ah wadanka Masar sanadkii 592 C.D isla markaana dhimatey sanadkii 637 C.D, waxay ahayd qof dumar adoon ah oo ka soo jeeda wadanka Masar, taasi oo ah ooridii 10aad ee Nebi Muxamed[16]. Maryama ama Maariya waxaa loo soo diray nebiga hadiyad ahaan, markee soo gaadhay magaalada Madiina ee xarunta u ahayd dowladii Islaamka ayadoo adoon ah ayaa Mariya waxaa arkey Nebi Muxamed (c.s.w.s) asaga oo siiyay xoriyadeeda wakhti yar ka dibna guursadey.

Rayhana bint Zayd wax ka badal

Rayhana bint Zayd (ingiriis: Rayhana bint Zayd, "Rayhāna bint Zayd ibn ʿAmr"; carabi: ﺭﻳﺤﺎﻧﺔ ﺑﻨﺖ ﺯﻳﺪ ﺑﻦﻋﻤﺮﻭ, "Rayxaana bint Zayd bin Cumar") ku dhalatey deegaano u dhow magaalada Madiina sanadkii 587 C.D, waxay ahayd qof dumar ah oo ka soo jeeda qabiilka Yuhuud, waana ooridii 9aad[17] ka dib markii laga adkaaday qabiilkeeda ayaa Rayxaana loo soo qabsadey adoon ahaan, halka raga qabiilkeeda laga dilaayay. Markii ay soo gaadhay magaalada Madiina ee xarunta u ahayd dowladii Islaamka ayadoo adoon ah ayaa Rayxaana waxaa arkey Nebi Muxamed (c.s.w.s) asaga oo siiyay xoriyadeeda wakhti yar ka dibna guursadey.

Caruurta Nebiga wax ka badal

Caruurta Nebi Muxamed
 

Qaasim bin Muxamed

Cabdulaahi Muxamed

Ibraahim bin Muxamed

Saynab bint Muxamed

Ruqiya bint Muxamed

Umm Kaltuum bint Muxamed

Fatima bint Muxamed

Sida ku xusan diinta Islaamka Rasuul iyo Nebi Muxamed bin Cabdullaahi bin Cabdul Mudalib wuxuu Ilaahay (koreeye) u ogolaaday in uu guursado intuu doono oo dumar ah; sidaasi darteed wuxuu guursadey 13 xaas. Intooda u badani wax ilmo ah uma dhalin nabiga, marka laga reebo Khaddiijo oo ah ooridii ugu horeeysay oo u dhashay 6 ilmo iyo Maryama al-Qibtiyya oo dhashay hal wiil.

Isku soo wada duuboo, Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim, gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.

Wiilasha wax ka badal

Wiilasha uu Nebi Muxamed dhalay waa sadex wiil oo kala ah: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim.

Qaasim bin Muxamed wax ka badal

Qaasim bin Muxamed (ingiriis: Qasim bin Mohammed; carabi: ﻗﺎﺳﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Qaasim bin Muxamed") ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[18]

Sanadkii 605 C.D ayaa Qaasim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoon gaadhin labo sano, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Cabdullahi bin Muxamed wax ka badal

Cabdullahi bin Muxamed (ingiriis: Abd-Allah ibn Muhammad; carabi: ﻋﺒﺪﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Cabdullahi bin Muxamed"; sidoo kale loo yaqaano: Tahir ibn Muhammad, "Daahir ibn Muxamed", "Daahir" macnaheedu waa "Nadiif"; sidoo kale: Dayib ibn Muhammad, "Dayib" macnaheedu waa "Fiicane") ku dhalashey magaalada Makka waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[19]

Sanadkii 615 C.D ayaa Cabdullahi Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey asagoo wali aad u yar, waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Ibraahim bin Muxamed wax ka badal

Ibraahim bin Muxamed (ingiriis: Abraham bin Mohammed; carabi: ﺇﺑﺮﻫﻴﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Ibrahim bin Muxamed") ku dhalatey magaalada Madiina bishii ugu dambeeysay ee sanadkii 8aad H.K (Hijrada Ka dib) waa mid ka mid ah wiilasha Nebi Muxamed kaasi ooy dhashay xaaskii nebiga Maryama al-Qibtiyya oo marka hore adoon ahayd oo laga keenay wadanka Masar.[20]

Wiilkani waxaa loogu magac-daray Nebi Ibraahim, waxaana yaraantiisii nuujisey Umm Sayf oo ahayd xaaska Abu Sufyaan, taasi oo sidii dhaqanku ahaa Nebi Muxamed siiyay xoogaa adhi ah. Markuu jiray qiyaastii 16 bilood ayaa Ibraahim Muxamed xanuusaday, wuxuuna dhintey Dagaalkii Tabuk ka dib asagoo 18 bilood jir ah.

Gabdhaha uu Nebigu Dhalay wax ka badal

Nebi Muxamed wuxuu dhalay 7 caruur ah, kuwaasi waxaa wiilal ka ahaa sadex: Qaasim, Cabdullahi, iyo Ibraahim, gabdhuhuna waxay ahaayeen 4 gabdhood oo kala ah: Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum, iyo Faatima Zahra. Dhamaantoodna waxaa dhashay Khaddiijo oo ah xaaskii kowaad ee nebiga.

Saynab bint Muxamed wax ka badal

Saynab bin Muxamed (ingiriis: Zeinab bint Muhammad; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Saynab bint Muxamed") ku dhalatey magaalada Makka sanadkii 600 C.D waa gabadha ugu wayn ee curada Nebi Muxamed taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[21]

Saynab waxay dhalatey sanadkii 5aad ee guurka nebiga iyo Khaddiija, wakhtigaasi oo Nebi Muxamed ahaa 30 jir. Sanadkii 629 C.D (oo ku beegan sanadkii 8aad ee Hijrada) ayaa Saynab Muxamed xanuusatay, waxayna dhimatey ayadoo 29 jir ah. Gabadhani waxaana lagu aasay magaalada Makka.

Ruqiya bint Muxamed wax ka badal

Ruqiya bint Muxamed (ingiriis: Ruqayyah bint Muhammad; carabi: ﺭﻗﻴﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Ruqiyya bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "ﺫﺍﺕ ﺍﻟﻬﺠﺮﺗﻴﻦ", oo macnaheedu tahay "qoftii labo jeer hijrootay") ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha labaad ee ugu wayn caruurta Nebi Muxamed  taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[22]

Ruqiya Muxamed waxaa markii hore guursadey Cutayba bin Abu Lahab, kaasi ooy iska furtey markeey Islaamtey. Waxaa markii dambena guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan, oo markey dhimatey sanadkii 2aad ee hijrad (624 C.D taariikhda Miilaadiga) wuxuu Cusmaan dumaalay walaasheed Umm Kaltuum bint Muxamed.

Ruqiyah bintu Muxamed waxaa lagu aasay magaalada Madiina.

Umm Kaltuum bint Muxamed wax ka badal

Umm Kaltuum bint Muxamed (ingiriis: Umm Kulthum bint Muhammad; carabi: ﺃﻡ ﻛﻠﺜﻮﻡ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Umm Kalthum bint Muxamed") ku dhalatey magaalada Makka waa gabadha sadexaad ee ugu wayn caruurta Nebi Muxamed  taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[23]

Umm Kaltuum Muxamed waxaa markii hore guursadey asxaabi Cutayba bin Abu Lahab, markii dambena waxaa dumaal ku guursadey asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cismaan binu Cafaan.

Faatima bint Muxamed wax ka badal

Fatima bint Muxamed (ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan" Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida") ku dhalatey magaalada Makka, Xijaas deegaanada Carabiya, mar ahaantaana dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) laguna aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya waa gabadha ugu yar gabdhaha Nebi Muxamed  taasi ooy dhashay xaaskii nebiga Khaddiija bint Khuwaylid.[24]

Faaduma Sahra Muxamed waa xaaskii asxaabi iyo Khaliif Ar-Raashid Cali binu Abi Daalib, hooyada mataanaha Xasan iyo Xuseen iyo qofta shanaad ee Ahlu-Beytka. Sababtoo ah waxay aad ugu dhowayd, daryeeli jirtey isla markaana taageeri jirtey aabaheed Nebi Muxamed, Faadumo Sahra waa mid ka mid ah dumarka loogu qadarinta badan yahay muslimiinta dhexdooda.

Faaduma nebi waxay dhimatey 13kii Jamadi-al-Awwal sanadkii 11aad ee Hijrada (taasi oo u dhiganta Arbaco Ogosto 5teedii sanadkii 632 C.D) waxaana lagu aasay magaalada Medina, Xijaas deegaanada Carabiya.

Qoraalo La Mid Ah wax ka badal

Xigasho wax ka badal


  1. "Quraan suurad Al Axsaab aayada aad 33:6 Archived Juun 6, 2014 // Wayback Machine"
  2. "Qaasim iyo Cabdulaahi, Saynab, Ruqiya, Umm Kaltuum iyo Faatima"
  3. "Xafsa bint Cumar, Saynab bint Khuzayma, Hinda bint Abi Umayya, Saynab bint Jahsh iyo Juwayriyya bint al-Xarith"
  4. "Maryama al-Qibtiyya waxay ahayd adoon laga soo diray wadanka [[Masar]
  5. "ingiriis: Khadija; carabi: ﺧﺪﻳﺠﺔ ﺑﻨﺖ ﺧﻮﻳﻠﺪ, "Khaddiija bintu Khuwaylid"; lagu naaneysi jirey: Khadīja al-Kubra "Khadija weynayd""
  6. "Makka, Xijaas, dhulka Carabiya"
  7. "sanadkii 555 C.D, sanadkii 620 C.D waa ooridii kowaad ee Nebi Muxamed"
  8. "magaalada Makka ee deegaanka Xijaas"
  9. "qofkii ugu horeeyay ee rumeeysa Nebiga markii uu waxyiga diinta Islaam"
  10. "Dadka muslimiinta ahi waxay u yaqaanaan Khaddiija ineey tahay “Hooyada Islaamka”"
  11. "ingiriis: Zeinab bint Khuzayma; carabi: ﺯﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﺧﺰﻳﻤﺔ, "Umm al-Masakin", macnaha: "Hooyadii Masaakiinta""
  12. "Nebi Muxamed (c.s.w.s), taasi oo carmali (garoob) ku noqotey Dagaalkii Beder"
  13. "taariikhdu ahayd sanadkii 3aad ee hijrada ayaa Nebi Muxamed"
  14. "ingiriis: Zaynab bint Jahsh; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﺟﺤﺶ, "Saynab bint Jaxshi""
  15. "ingiriis: Ramla bint Abi Sufyan; carabi: ﺭﻣﻠﺔ ﺑﻨﺖ ﺃﺑﻲ ﺳﻔﻴﺎﻥ, "Ramla Bint Abi Sufyaan", sidoo kale loo yaqaano: ﺃﻡ ﺣﺒﻴﺒﺔ, "Umm Xabiiba", macnaha: "Hooyadii Xabiiba""
  16. "ingiriis: Maria al-Qibtiyya; carabi: ﻣﺎﺭﻳﺔ ﺍﻟﻘﺒﻄﻴﺔ, "Maariya Al-Qabdiya""
  17. "ingiriis: Rayhana bint Zayd, "Rayhāna bint Zayd ibn ʿAmr"; carabi: ﺭﻳﺤﺎﻧﺔ ﺑﻨﺖ ﺯﻳﺪ ﺑﻦﻋﻤﺮﻭ, "Rayxaana bint Zayd bin Cumar""
  18. "ingiriis: Qasim bin Mohammed; carabi: ﻗﺎﺳﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Qaasim bin Muxamed""
  19. "ingiriis: Abd-Allah ibn Muhammad; carabi: ﻋﺒﺪﺍﻟﻠﻪ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Cabdullahi bin Muxamed"; sidoo kale loo yaqaano: Tahir ibn Muhammad"
  20. "ingiriis: Abraham bin Mohammed; carabi: ﺇﺑﺮﻫﻴﻢ ﺑﻦ ﻣﺤﻤﺪ, "Ibrahim bin Muxamed""
  21. "ingiriis: Zeinab bint Muhammad; carabi: ﻳﻨﺐ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Saynab bint Muxamed""
  22. "ingiriis: Ruqayyah bint Muhammad; carabi: ﺭﻗﻴﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Ruqiyya bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "ﺫﺍﺕ ﺍﻟﻬﺠﺮﺗﻴﻦ""
  23. "ingiriis: Umm Kulthum bint Muhammad; carabi: ﺃﻡ ﻛﻠﺜﻮﻡ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Umm Kalthum bint Muxamed""
  24. "ingiriis: Fatima bint Muhammad, Fāṭimah; carabi: ﻓﺎﻃﻤﺔ ﺑﻨﺖ ﻣﺤﻣﺪ, "Faadima bint Muxamed"; lagu naanaysi jirey: "Umm Abeeha", "Umm al-Hasanayn" Hooyadii al-Xasanayn, "Umm al-Hasan"Hooyadii Xasan, "Umm al-Husayn" Hooyadii Xuseen; Magacyo kale: al-Siddeeqah "Runsheegto", al-Mubarakah "Midii loo Naxariistey", al-Tahirah "Midii Suubanayd", al-Zakiyyah "Midii Daacada ahayd", al-Radhiyah "Midii Qanacsanayd", al-Muhaddathah "Midii Malaa'igtu la hadashey", al-Batool "Nadiifo", al-Zahra "Marwadii Ileyska/Iftiinka", Syedatun Nisa al-Alamin "Hogaanka Dumarka Dunida""