Hodan
Hodan waxaa ay ka mid tahay 18 degmo ee gobalka banaadir. Degmadan waxaa ay caan ku tahay waxyaabo fara badan oo ay ka mid yihiin isbitaallo, iskuulo hoose, dhexa, sare iyo hoteelooyin caan ka ah magaalada iyo xarumo ciidan iyo warshado iyo jaamacadaba. Waxaa ku yaalla 6 dugsi dhexe iyo sadax dugsiga sare ah.
Hodan | |
---|---|
هودان | |
Dalka | Soomaaliya |
Gobol | Banaadir (BN) |
Degmo | Hodan (Muqdisho) |
Bedka | |
• Dhammaan | 67 km2 (26 sq mi) |
Joogga | 5 m (16 ft) |
Tirada dadka (2012) | |
• Dhammaan | 47,012 |
• Cufnaanta dadka | 700/km2 (1,800/sq mi) |
Magac kale | Ree Hodan |
Aag saacadeed | UTC+3 (UTC) |
• Xagaa (DST) | UTC+3 (UTC) |
Furaha Boostada |
10016 |
Furaha Tel | Hertel 064, Telecom 021 Nationlink 043 |
Ciidaha | Ciid weyn iyo ciid yar |
Maalinta Ciidda | 10ka Carafo iyo 1da soon fur |
Website | Mareegta internetka |
E-mail dc.yaaqshiid@mogadishucity.net Facebook/degmadayaqshiidh.com |
Magaca degmada ayaa ku yimid qiso jaceyl oo dhab ah waxayna u dhacdey sidatan:
Sanadkii 1946-dii ayaa waxaa markey wada socdeen in muddo ah is guursadey Maxamed Saciid Ciyoow "Gentleman" iyo Hodan Xasan Haybe iyadoo Hodan ay ahayd gabar yar oo hooyadeed oo maqaayad Xamar weyne ku heysata la nooleyd, waxaana markaa Hodan da'deedu ahayd 18, halka Maxamed Saciid Ciyoow "Gentleman" uu ahaa26-sano jir, balse guurkii ka dib ayaa waxaa soo fara geliyey qoyskii Mr Gentleman oo ku andacoonayey in Hodan Xasan Haybe ay ka soo jeedo beelaha la heyb sooco sidaa daraadeedna aysan aqbaleynin in wiilasha iyo iyo gabdhaha ay u dhali doonto laga heyb sooco Somaalida inteeda kale.
Balse Gentleman oo markaa ku guda jirey halgankii SYL ayeysan u muuqan in Somaalidu kala sareyso wuuna diiday inuu furo, taasoo aaqirkii keentay in dhalinyaro reerihiisa ahi si xun u garaaceen oo weliba gacan ka jabiyeen.
Hodan Xasan Heybe iyo hooyadeed ayaa ugu dambeyn u guuray gobolada waqooyi oo ay kasoo jeedeen waxaana Maxamed Saciid Ciyoow "Gentleman" si xoog ah loogu darey Cibaado Cawaale Maalin oo ina adeertii ahayd, taasoo u dhashay ilmo fara badan oo ay ka mid yihiin Dr Cabdulaahi Gentleman oo SOS isbitaal Muqdisho ka shaqeeya iyo Yaasiin, Zaynab iyo weliba Cabbaas.
Sanadkii 1968-dii markuu dhisanayey Shineemada Hodan ayuu go'aansadey inuu ugu magac daro gabadhuu indhihiisa ka jeclaa ee Hodan Xasan Heybe waxaana degaanka uu ka dhistey shineemadu uu ahaa beer uu ka baxo suufka waxaana lahayd Faaduma Raage , waxaana halkaa ka biloowdey in si fiican loo degaameeyo agagaarkii shineema Hodan.
Hodan Xasa Heybe waa ay nooshahy waxayna degan tahay magaalada Boorame waana 87- sano jir. Su.aal
Waa meeqo waxoot dagmada hodan
hoteelda caanka aEdit
- Maka al -Mukarama
- Al-Barka Hotel
- Hotel Galad
- Hotel Taleex
- Raasa Hotel and Restaurent
- Hoteel Naasa Hablood 1&2
- Hotel red sea
- Hotel 26-ka Juun
- Hotel Warsame
- Hotel Siigaale
- Hotel and Baar Raaxo
hotel jabuuti
isbitaaladaEdit
- isbitaalka digfeer
- isbitaalka xooga
- isbitaalka Xisbiga
- isbitaalka ahmed fanax
- isbitalka rajab
- Isbitaalka Kalkaal
- Isbitalka cusmaan fiqi
- Isbitaalka Deva
wasaaradahaEdit
- kuliyada jaale siyaad
Edit
- hidaha iyo tacliinta sare
'Bold text'Bold text'wasarda arimaha dibada Wasaaradda Beeraha
meelaha caanka ahEdit
- carwada caalamiga
- tarbuunka
- garoonka kubada ee horseed
- afikan vilege
- taaladii axmed gureey
- aqalada ruushka
- masaajidka shiikh Cali suufi
. masaajidka cowska
- masaajidka siigaale
- masaajidka cabdirashid cali sharmake
- masaajidka Ramadaan
postada baar raaxo hotel nasiye Guryaha bangariya Guriga luqmaan c/salaam
suuqyada =Edit
- suuqa siigaalle
- Qeyb ka mid ah suuqa Bakaaraha
- suuqa cirtoogte
- suuqa taleex
jaamacadahaEdit
- gaheyr
- gaheyr jaamacad caafimaadka
- jamacada xawo haaruun ee cilaanka
- jaamacada Lafoole
jidadkaEdit
- jidka warshadaha
- jidka wadnaha
- jidka maka al -mukarama
- jidka sodonka
- jidka talex
- jidka dabka
- jidka shaqaalaha
- jidka tarbuunka
- Jidka 26 June.
Lambar afar (KM 4)Kilomitir foor
shaneemooyinkaEdit
- Shineema Hodan oo magaca degmaduba uu ka yimid
- Shineema Kaasa-Bobalaare
- Shineema Ekwatoore
- Shineema Shiirkole Offishaale
- Shaleemada c/rasaaq timo Wayne (barakooyi)
Shineemooyinkii dagaalada ka dib:
- Shineema Aweys Hurdaaye
- Shineema Gabadha
- Shaleemo Tahliil
Saldhiga booliska oo kuyaalla shaneemo kaasababalaare agteeda Shaleemo qodxaaleey albaroko akteeda Shaleemo walaalaha