Hawraar magaceeddu waa hawraarta ka bilaabata falka saddexdiisa nooc Tagto, Joogto iyo Amar[1]. Sida caadada ah hawraar faleeddu waxay ka kooban tahay Fal, Fale iyo Lafale. Hawraar faleeddu waa hawraar mudnaanta siisa falka oo xoogga saarta, oo su'aal iyo jawaab ba falku leh yahay mudnaanta.

Tusaalayaal wax ka badal

  • Innaka waa tagaa dugsiga.
  • Gabadhu waa raacdaa geela.

Hawraarahaan, falku waa ereyada hoos ka xarriiqan, ee tagaa iyo raacdaa.

Hawraaruhu, falka tagaa iyo raacdaa ayaa ay xoogga saarayaan. Si aynu u tusno in hawraaruhu yihiin kuwa mudnaanta siinaya falka, u fiirso su'aalahaan soo socda:

  • Innanku ma tagaa dugsiga?
  • Gabadhu ma raacdaa gela?

Ereyga su'aasha ee hawraaruhu waa ma. Hadda ba xagee ma xaggee ka saaranyahay hawraaraha? Ereyada hoos ka xarriiqan, ee tagaa iyo raacdaa ayaa su'aaluhu saaranyihiin, kuwaas oo ah falka hawraaraha.

Hadda na aan eegno jawaabta hawraaraha oo sidaan ah:

  • Haa. Innanku waa tagaa dugsiga.
  • Haa. Gabdhu waa raacdaa geela.

Ugu dambayn hawraar faleedu waa hawraar falku leh yahay mudnaanta.

Ee sidoo kale wax ka badal

Xogta wax ka badal

  1. Buugga naxwaha, Cabdalla Mansuur, Jaamacadda Roma (Roma - ee Roma) bogga 129aad

Template:Naxwe