Hargeysa yareey waa degmo ku taalo gobolka Jubbada Dhexe. magaaladaan waxaa maro wabiga jubba. Magaaladan waxaa ku ooli jiray wershadii sonkorta ee mareerey, Magaaladan waxaa degan qabiilooyinka kala duwan laakiin asalkeedii waxaa loogu yimid deegaankaas Qabiilka RIIBI da oo ad loogu dhibaateeyey dhulkoodiina si sharci daro ah looga dhacay ka dib markii loola dhaqmay sidii dad Adoon ah oo aan xuquuq lahayn (Modern Slavery), qabiilka Riibi du waa bulshoyar oo sii dabar go,aysa cadaadiska qabiilooyinka Waaweyn ee somaliyeed ugeystaan awgeed waxayna hada ku nool yihiin oo ay ku tirsan tahay noloshoodu Ugaarsiga iyo gurashada miraha roobka ku baxa waana bulsho nugul oo aad loo takooro. Magaaladan waxaa la degay sanadkii 1983-1984 waxaana la dejiyey dad lagasoo raray degmada Dujuuma ee gobolka jubada dhexe si shaqaale ay ugu noqdaan mashruucii sonkorta ee mareerey, waxayna isku xirtaa Magaalooyinka Afmadow, Kismaayo, bu,aale iyo Jilib oo Xamar looga sii gudbo, Hageysa yareey burbur kii dalka ka dib aad ayey u kortay.