Hamada saxaaxda
Hamada saxaaxda (ingiriis: libido , sexual appetite) waa cabbirka rabitaanka galmada iyo cabbirka qooqnimo guud ee qofku u qabo galmo ama kacsi. Waa arrin dabiici ah oo adag, waxayna la xiriirtaa dhinacyo badan oo nolosha ah sida hormoonnada (sida testosterone iyo estrogen), kiimikada maskaxda, caafimaadka maskaxda, daalka, walbahaarka, iyo xiriirka lammaanaha. Hamada saxaaxdu wuu kala duwanaan karaa qof ilaa qof, wuxuuna is beddeli karaa waqtiga iyadoo loo eegayo da’da, caafimaadka jirka, xaaladda nafsiyeed, ama cadaadiska nololeed. In kasta oo hamada saxaaxda caafimaad qaba lagu xiriirin karo nolol wanaagsan, hamada saxaada hooseeya ama mid aad u sarreeya ma aha dhibaato ilaa uu qofka dhib ku hayo ama uu saameyn ku yeesho xiriirkiisa ama noloshiisa.
Dhinaca cilmi-nafsiga, gaar ahaan aragtida Sigmund Freud, hamada saxaaxda waxa uu leeyahay macne ka ballaaran rabitaanka galmo. Freud wuxuu ku qeexay hamada saxaaxda inuu yahay tamarta ku jirta dareenka nolosha, oo uu ugu yeedhay "Eros," taasoo aan kaliya maamulin rabitaanka galmada balse sidoo kale dhiirrigelisa dhaqanka bani’aadamka, hal-abuurka, iyo horumarka shakhsiga. Xagga aragtidan, hamada saxaaxda waxaa loo arkaa inuu yahay xoog muhiim ah oo kaxeeya inta badan dhaqdhaqaaqa maskaxda aadanaha. In kasta oo cilmi-nafsiga casriga ah uu si qoto dheer u eegayo arrintan, isagoo tixgelinaya saameynta jirka, maskaxda, iyo bulshada, haddana fikradda Freud ee hamada saxaaxdu waxay dhidib u taagtay fahamka rabitaanka iyo kicinta bani’aadamka.